Gabayga ilaalo  

Waxa tiriyay abwaan suusle 1983 

  1. Gabay aabihiis iyo Horiyo  dhimay awoowgiiye 

  2. Axankiisi waataa lacunay aadan caraboowe  

  3. Asaraartan buu galay hada odhan lahaydeene  

  4. Na oohintaas maqlaye maba istaadheene

  5. Xalay baan alayl dhexe lakacay  urugadiisiye 

  6. Ujeedooyinka Ka hadlaya   arar fog weeyaane 

  7. Imaanka waa Lagu qabaa ereyadaydiiye 

  8. Anba qaadka maantana bal maan oogta Ka cadeeyo 

  9. War gabayga iskood uga hadheen ubaxii reer yuusuf 

  10. Ee ina dhalbaas iyo cimraan loo odorosaayo 

  11. Aakhirasabaan weeye iyo ugu danbeestiye  

  12. Nimankii astamaha badnaa Aamus laga waaye 

  13. Rag Kalaan lacaytami lahaa imase maayaane 

  14. Hadii uu albaab uga furna kama adkeesteene

  15. Meeshaan abwaanada Ka rabay amase waayelka 

  16. Hadii inan yaroo goora cunay soo antalaalayo 

  17. Afadhaca haduu iigu yimi  sidii abeer geela  

  18. Waa inaan warmaha eebada leh dib afeestaaye  

  19. Marse hadaan aflaxay maansadi  la itixaamayay 

  20. Ashahadoo moobila hadii aniga laysiiyay 

  21. Aagayga daarod inaan laga ataagaynin 

  22. Aan cadawgu iisoo marayn    aragtay maandoowe 

  23. Bal maxaa atooryahaw libaax kugu  idibaaraya 

  24. Afarta afeeftaan dhigtay iyo olalahaygi dheh 

  25. Amikaaradii kaydsanaa  Amar Ku deeqsin  dheh

  26. Olyo tiibadaan maagana  ololinteedi dheh 

  27. Argagaxa Ku dhacay reer tolka  oohin iyo ciil dheh

  28. Amin dhexe ufada roobkiyo uuradii mayayga 

  29. Onkodkiyo hilaaci Ku dhacay idinka doolod dheh  

  30. Afar kale ardaagi naxwaha aan udaadage 

  31. Inyar Naga sug Naxariis nalaga awaareye 

  32. Aasaskii dunidee  dhamaan udubka loo taagay 

  33. Illahay markuu xaawo iyo aadan Ku abuuray 

  34. Inkirada uunko tarmiyo madax adaygiisa 

  35. Waa waxa iblayskuba ugalay olalki naareede 

  36. Alaylehe adaan kugu matalay ina dhal baasowe 

  37. Anbiyaalihi oo dhan iyo ehlu khayriinta  

  38. Asxaabihii diinta iyo awliyo sheekhba 

  39. Malaa'igta amarki lafaro Ku ishtihaadaysa  

  40.  Aftal buu ahaa maxamedkii eebe soo diraye 

  41. Aqoon xumo waase waxay tolka u aflagaadeene 

  42. Adhaada toosan  shacabiga waa u istiqlaale 

  43. Af laqoro iskuul iyo tacliin aaladiyo sayniis  

  44. Warshadaha iskaa Lagu dhisay ee eega soconaya 

  45. Intifaac beeraha Ku yaal ubaxa nuuraya  

  46. Ashcaar badan  alaabo iyo muus orobo loo dhoofsho 

  47. Militariga oogada cirkiyo aradka dhawraaya

  48. Organiseeshada Lagu darmay   iyo uunka Lagu biiray 

  49. Umadaha midoobaye aqbalay    adhadhkiyo sawdka 

  50. Inqilaabki kaagama horeen aarmiga lahaaye  

  51. Amaan duulayaashiyo ragii amarka loo dhiibay  

  52. Ee aad sidii inan raja xalay awaadhaysay   

  53. Illahba amiriyo Ka dhigay orijinal kiiye  

  54. Hadii ay October ukaceen  waa u ayaan dhalade 

  55. Asaagay hayla arumeen waa ayidayaaye    

  56. Isku duubni diidaye hada Naga ugaadhooday 

  57. Islaaxiyo walaalnimo haday Kula ahaan wayday 

  58. ma idaaradiina Ka rayn waa abguridaase 

  59. Ma isaaqan  wada taahaya ururin soomali 

  60. Ma asgogolka ciida ninkale  uga idaad qaadan 

  61. Ma ithopia calankayga Kula ikhwaanooday 

  62. Walee aragnay taa wadaan ma ogalaan doono

  63. Afarta afeeftaan dhigtay iyo olalahaygi dheh

  64. amikaaradii kaydsanaa Amar Ku deeqsin dheh 

  65. Olyo tiibadaan maagana ololinteedi dheh

  66. Argagaxa Ku dhacay reer tolka oohin iyo ciil dheh

  67. Amin dhexe ufada roobkiyo uuradii mayayga 

  68. Onkodkiyo hilaaci Ku dhacay idinka doolod dheh

  69. Afar kale ardaagi naxwaha aan udaadage

  70. Axmed diriir aqoonbu hadlay iyo aragti waayeel dheh   

  71. Anbaday iyo aday Kugu qireen ruux asaasaqaye 

  72. Waxaad Tahay afkiisi ninu eed Ku furayaaye 

  73. Agaagarka buur dhaab hada awr Ku qalanaysay  

  74. Waxa lagugu uur qubi jiray aaran badiyahe

  75. Ma eryado geelayaga uufa naayaduye 

  76. Awood kaa saraysa   wadiyo  aalad xoog badane 

  77. Otomatik iyo saanadbaa Lagu ilaashaaye 

  78. Nin Kaleba atooriyo libaax  aada Hays bide eh 

  79. Alabkooda nimankaan aqiin  hay arba arbeene 

  80. Uus miirku waatuu Ku jiray  abadahaagiye 

  81. Aqalaale ayaha dhex Taal omoska heegale 

  82. Hadii aan asqoobay haraad eeri go'an joogay 

  83. Kuwii adhiga noo raaci jiray idinka soomaha 

  84. Ilmaaderada oodhan bay Naga ijaareene 

  85. Soo adeegihi maad ahayn nalagaso iibshay 

  86. Ee awrka dhaanka nugaal ula arooraayay 

  87. Ee geela  ina aar wadee Lagu uleenayay 

  88. Il magaalo kagama horeen idaha daarode

  89. Ahminkiyo wankayga hada Ku intifaacdeene   

  90. Hadaa waayo adhimaal ahayd haatanba idlaaye 

  91. Aradbeelkan aad igadee Ku andacoonayso 

  92. Waxaa aniga iisin maryaha eedhin laga keenay 

  93. Aduguba abaar baad qabtay iyo olol diraaceede 

  94. Bal maad daba  argeedloow  miskaha eedinka saartid   

  95. Afarta afeeftaan dhigtay iyo olalahaygi dheh

  96. Olyo tiibadaan maagana ololinteedi dheh

  97. Argagaxa Ku dhacay reer tolka oohin iyo ciil dheh

  98. Amin dhexe ufada roobkiyo uuradii mayayga

  99. Onkodkiyo hilaaci Ku dhacay idinka doolod dheh

  100. Afar kale ardaagi naxwaha aan udaadage 

  101. Inyar Naga sug Naxariis nalaga awaareye

  102. Hadii aan arbacadii dhawyd Kaga alifeeyo   

  103. Taarikhahan Kula ogaa waad inkiraysaaye 

  104. Idinkaan albabada burciyo  egere  soo dhaafin

  105. Anigoo aboor kugu matalay arag xumaantiina 

  106. Goortaan dhulkaan ooli   jiray idinla daawestay  

  107. Ee aan ugbaadka iyo nimcada idhi haloo daayo 

  108. Istareexi waa kaga daray waase aragnaaye 

  109. Amniga iyo nabadgalyadu marbay arami reebaane  

  110. Amaanada Ku raagta naflaha laysku eedaaye 

  111. Arbucuunku waatu Ku go'ay nimanka iidore

  112. Waataad mar wada oogsateen  sida ugaadheede 

  113. Waataad sidii aaran geel ooda jibiseene 

  114. Waataad indhaha duubatee na arkiwaydene  

  115. Waatay awoodinu tiri olosha daarode 

  116. Waataa  amxaar duufle iyo  ey la shurugteene 

  117. Akhlaaq xumada waataad  misina na adyideseene     

  118. Aad inan layaalkiyo disheen odayo waaweyne ..

  119. Arxan maleh dhulbahante colaad lo onkomiyaaye 

  120. Idinka inkaar galabsadee idinma layneene  

  121. Aslaaxi iyo wanaagi horaad Naga ilawdeene 

  122. Inaan kuu asxaan falo beryahan haw ergeenine 

  123. Africa iyo asiyaba  waa Ka ugaadhsadaye 

  124. Ma America qaban hadaan orobo kaa saaro 

  125. Afarta afeeftaan dhigtay iyo olalahaygi dheh 

  126. Amikaaradii kaydsanaa Amar Ku deeqsin dheh

  127. Olyo tiibadaan maagana ololinteedi dheh

  128. Argagaxa Ku dhacay reer tolka oohin iyo ciil dheh

  129. Amin dhexe ufada roobkiyo uuradii mayayga

  130. Onkodkiyo hilaaci Ku dhacay idinka doolod dheh

  131. Afar kale  ardaagi naxwaha aan udaadage 

  132. Inyar Naga sug Naxariis nalaga awaareye