Gabay gan Allah ha unxariiste Abwaan labagole wuxuu tiriyey dagaalkii haye

  1. Boqoradii aduunyadu tiqiin bari saban Kii

  2. Bir adayga qarankii lahaa baxada iyo xooga

  3. Gaalada kuwii beydadshee beerka ka asaashay

  4. Badraan iyo cayaar kuma galaan loo bilaash dilo'e.

  5. Aar cadho burkii jabiyoo booca karinaaya

  6. Maroodiga banaan qooqaya iyo qalanjo buubaysa

  7. Waran bagax ah odayaal sitaa uma badheedhane

  8. Inkastaad barwaaqo iyo nabad ugu bishaarayso

  9. Gun balaayo kaa doontey oo boqon ku goynaysa

  10. Baaruuda in aad buufisa waa banaan tahaye

  11. Bah yaraa bur hoostiis gala oo baqo dharaartiiye

  12. Bariistiyo hadhkiibaa tolkay col u badheedhaaye

  13. Barqo weerar baa lagu yaqaan baarka aan ahaye.

  14. Hadaad cadho bugood mira tahoo gaadho badankooda

  15. Buntukh iyo lagumaba waabin karo belel rasaaseede

  16. Burmadkii aad wax badan biirisay iyo boqoshii aad jeexday

  17. Booraamo adigoo galay oo beerka dhigay keymo

  18. Biriigan adoo haysta iyo boobe ololaaya

  19. Beebeeya adigoo wata iyo kaare bahar daada

  20. Isbariiqsi sow Haber-jeclow biid ma tari waayin.

  21. Beydari Dhulbahante ah miyaa kala baxay goobtii

  22. Barbaartuu Saciid dhalay miyaa Balal ku leefsiisey

  23. Sidii geel horwayn booshiya baacsadoo jiidhay

  24. Barsayntii horeetaba miyaan boodhku ku asqaynin

  25. Baqataye miyaan Baalidhaye balaslihii gaadhin

  26. Barbar riiqadkiinii miyaan budulku jiidnaanin

  27. Buul baad is moodaye miyaan ba'eyey kaa yeedhin

  28. Burco iyo Hargeysaba miyaan tegin baroortaadu

  29. Adigoo bisaas leg miyaan malihii beenoobin.

  30. Sow libaaxyo barad seexday meel badle ma maqashinin

  31. Burka fooda waxuu saaro oo beer ku socoteeyo

  32. Badbacaado sow kuguma qaban barida iyo xooga

  33. Sow mici bilaawaha ka dheer kumaba baalbaalin

  34. Mawjado is boortoo sidii baarqaba u doobshay

  35. Adigaa bad ku gudaheed galay ee balo hakaa saarto

  36. Wax badan baad colaad baafisay ee wiish makula booday

  37. Gobtii biriiga weyneed miyey bixiso kuu geysay.

  38. Adiga iyo boonaha yaroo jiidhka sare buusan

  39. Buurbaad marti gelin jirteen barada daanyeere

  40. Aqalkiinu buur buu ahaa beeyo xabagteede

  41. Dhawaanbaad balida hawdka iyo bananka daaqdeene

  42. Buntukh iguma riixine dhibtaan kaaga beer naxaye

  43. Nasab baa abaal bura boga oo bixin yaqaantiine

  44. Dib bay kuu gagabisa guntii baarka loo fidho'e.

  45. Muslin iyo Buluugley nacdiyo calan bidhaankiiye

  46. Kufri balagleh naago raacde iyo boontii gaalado'e

  47. Buqul yahow Amxaaraduw adee buushe lagu jiitay

  48. Intaad nabad burburiskaad wadiyo beelo kala sooca

  49. Buntukh baa inoo xeera iyo Boobahii dhadaa'e

  50. Birtuun baa ku gaadhay ee miyaan bogay dagaalkaaga

  51. Jeeraan banaan ka tirtiro barasho kuu laabo.

  52. Dadkeena colaad lagu bogmiyo balo kala gaadhin

  53. Marti booqasho ahoo u timid beelo deriskooda

  54. Geesi xidid u baxar daadshay oo bixiyey maalkiisa

  55. Baradiina magan joogta oo bara iyo qoys raaca

  56. Inuu kibirku idiin baaqo oo idinla buubaabey

  57. baadilkaad rasaas kala dhacdeen buunka feedhaha'e.

  58. Dhowr boqol aday kaa godoo baqana kuu raacay

  59. Beydkiyo bagaad uga qaxdeen buulashiyo maalkii

  60. lafta badhi bagaad uga jabteen biixiyaha taagan

  61. Jahaadkii fardihii naga bulmay baasihii madhiyey

  62. Baqigii ka soo hadhay yaraa ee Eebbe noo badiyey

  63. Kuman booda kuman yaal balyaxa aad bafto cad moodo

  64. Kuman yaal barood ciida iyo kuman bawaasiir ah

  65. Kuman yaal bulaalaha ashkira oo baayiroo naaxay

  66. Intaas oo farii fooda baray baacis iyo weerar

  67. Sengayaal la badhi siiyey baa beylah ka aheliye

  68. Baxsan maysid maantaan dagaal kuu balaadhsado'e

  69. Bulbulha cartamay ha ula tegin beebe iyo qeylo

  70. Yaan bariiska Libiya ku dilin baali baad tahaye.

  71. Baalalayda tiraabiyo kolkuu Biiraha cantuugo

  72. Iidoorku been buu shubaa baanis iyo faane

  73. Buqbuqdhabaye waligii sidii baardhabka xagaaga

  74. Boqol iyo jar kama leexdo iyo bir iyo haadaane

  75. Biyihiisa Irir baanu nahay farac ka soo beydha

  76. Hawiye ula beebayste iyo baqarka dhoobeeye.

  77. U bahayste Daarood col bey beerka ku hayaane

  78. Daanyeerka buuraha korey ee midhaha boobaaya

  79. Ma bariijin waligiis libaax beeg u joogsadaye

  80. Dameer aan bir qaw lala sudhoo bacad ku heeryeeye

  81. Oo aan bariis saaray iyo bur iidaankii

  82. Maxaa Baruruftiisa iga galay ha ii banaaxiyo'e.