DHULDHEER

Adan carab dagaalkii dhuldheer

  1. Wiil yahoow ado gegi hurdaad gama riyootaaye

  2. Marka saad guwaan iyo dhulkaa geenyo bedertaaye

  3. Malahayga geed kalamad kicin  gabaygan soojeede

  4. Mar hadaanan maansada gafayn kana gabloolaynin

  5. Jeeraad ganbiga soo bogtan gole fardood kayga

  6. Geeraar idin kama furayn galab kii dhuldheere.e

  7. Inaan hadal gantoobaan kuuwaday gurashadiisiiye

  8. Garoomada la xaadhay iyo caqlado sida gabiibtaasa

  9. Gidhli gaanka iyo rayfalka oo gurada loo buuxshay

  10. Gidiba uma dhamaane intii geelasha xero gaysay

  11. Anagoo surwaal gaban iyo garan kumiinshaaran

  12. Anba kuma gudiyin inaad kun subax nagu gadaanteene

  13. Waxse Lama go.doomine kubaday goobataal madhane

  14. Waatan gawaanta cad kaa helay goolki xeegada.e

  15. Godka laguma naaroow duqii nalaga soo gooyey

  16. Gudban inuu calool galay lasheeg wana garataaye

  17. Hadii shalay gadood xumi kadhacay gaydho xeradeeda

  18. Garbo iyo ninkii godon dhasha gool ladheel madaye

  19. Waligayba geel kama qadin gar iyo duulaane

  20. Gaashanka iyo hoodihii aan guuri jirin iraacye

  21. Galad waxaad ka dhigateen halaha goonidaw udidaye

  22. Marse hadaad gun tahay aad ilamada gabax kasiinayso

  23. Aan geedi reer baqaha dheer idin ku gaadh siiyey

  24. Aan boqol gadhliyo kaala hadhay goondhar kiyo kiinka

  25. Aan gaabis kiyo. Dhaawiciini gudumada uu qaaday

  26. Oo dumarku gaaleef ladhacay galan galcawgiina

  27. Aan gabagabihii labada subxa gaw idinka siiyey

  28. Aan gobol fayoow lagu ogayn gabi ahaantiin

  29. Ay Gar iyo kuulo xidhan yihiin goosanadii fiigay

  30. Aan garawo doon iyo lahayn gaade iyo haayir

  31. Aan guunyadaadii iyo naftii galab xalaalaystay

  32. Aad gawracdeen inamadii idin gawaan raacay

  33. Aad magan guryaha ugu dhacdeen xididku waa gaare

  34. Aad gabadh uxeerteen tolkeed inuu ku guureeyo

  35. Ay inan danbad  ganacsatan idinka guur beeshay

  36. Aan haatan cidi gaadanayn gabanta feedhaysa

  37. Aan duul gaya ugu faqayn hebel inoo geeya

  38. Aan yarad gabaatiya nin wada laga gudoomaynin

  39. Aad gara gasheen xabashi oo gaalo doqonteeda

  40. Aan gaas kayga loo ladayn gudo mareexana

  41. Aan gubad shilimaalaha baryahan guricas loo yeelin

  42. Uu goodir mooye xidhkii jees gabada waayey

  43. Ay gulaankii bih in a shiil gocosanay dhaaftay

  44. Aan gaanihii reer wacays laba gardaqaynin

  45. Uu aawaday uga galbaday goosaygiyo toomo

  46. Aad gibisha awrta uxidheen galow markuu duulo

  47. Gashi yare ileen mag taaduna waa go.iyo qayde

  48. Gini giniga duule xukumay garow qadhaadh siiso

  49. Waxbana hay garabine libin tayda gaalada umeeri

  50. Halna gunud gudoon kiinu waa godol sagaaraade

  51. Qabiil gobihi xaajada gashu gaasa bixiyaaye

  52. Harti guba wuxuu godob laha gu. Iyo dayrtiise

  53. Ma ganbaysan naagtii aan dilnay geesigii qabaye

  54. Iyadoo gambool kii sidaad nabad uguux deene

  55. Gardaradii intan hibanayiyo gocosho maaga

  56. Gunay foga caqiibiyo gogol wadaagenu