Cali Dhuux Aadan Goroyo 

Caligeri (Dhulbahante) ayaa geel ka dhacay ragna ka laayey Reer Hagar (Dhulbahante.)  Dagaalkii iyo ku didrirkii geela ayaa nin la odhan jiray Gaani Cali Ducaale oo Reer Hagar ah ay xabadi gacan midhaha ka dhigtay.  Gaani inkasta oo uu nin gabya ahaa wuu iska aamusay ciilkiisiina dib u liqay.  Muddo dabadeed ayaa Ingiriis iyo col uu wato Caligari guluf kusoo kiciyeen xoola badana ka mooraduugeen.  Gaani oo godob tirsanayey gacanina ay u shakaalan tahay ayaa halkaa waxaa uga soo baxay qodob uu ka gabyo si uu Caligariga ugu digto.  Wuxuu tiriyey gabay uu aad ugu tiiqtiiqsanayo Reer Cali Gari.  Ismaaciil Mire oo aan dagaalkii hore ee labada qoys dhexmaray raali ka ahayn ayaa gabaygii maqlay markaa ayuu gabay maslaxad iyo samo abuur ah oo ay ka mid ahayeen beydadkan hoose tiriyey.  Wuxuu yidhi Ismaaciil:

  1.     Anagu Gaaniyow gacalka dhacan, waaka gubanaaye

  2.     Gankaa naga xanuunsada wixii, gaadha Reer Hagare

  3.     Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal, gabiga Daaroode'e

  4.     Uma gabayno maantii Islaam, gaalku weeraro e


Cali Dhuux Aadan oo aan inta badan maslaxo ka talis ahayn ayaa labadii gabayba maqlay, Ismaaciil Mire ayuu dabadeed aad ugu xanaaqay isagoo is leh Ismaaciil Gaani ka af badanee muu iska celiyo oo uu difaaco Reer Cali Gari, gabayga maslaxada ah ee uu Ismaaciil tiriyeyna Cali Dhuux wuxuu u arkay inuu baryootan iyo Reer Hagar isu jilcin yahay.  Wuxuu haddaba geed rag badani isugu yimid ka akhriyey gabaygan hoose.  Wuxuu yidhi Cali Dhuux:


  1. Ninla maagay oon midho yaraan, lagu malaynin

  2. Maansana Illaahay baroo, macalinkeedii ah

  3. Oo gabayga sida sheekh mufti ah, miinka ka higaadsha.

  4. In madhoodho loo soo diraa, waa macno la'aane

  5. Hadiise dhiig macaan leeyahay, iyo maal lakala qaado

  6. Ragu waa ragii Gaaniyow, riday minkiiniiye

  7. Waa ragii miskiin iyo agoon, miidhan kaa dhigaye

  8. Waa ragii maqaawiirta culus, mariyey liishaane

  9. Waa ragii musgale kaala dhigay, maganta Iidoore

  10. Waa ragii maskii Camey diliyo, maqadinkiiniiye

  11. Waa ragii mareegaha u furay, maalin Reer Hagare e

  12. Sidii jaamac dalab loo mudmuday, maadan moogayne

  13. Magligaan ku gowracay ninkii, maqashii dheeraaye

  14. Mariinkiisii waa taan watiyo, macawistiisiiye

  15. Miridhkiina waakaa ku yaal, marada dhiigiiye

  16. Dhalintii makaawida qabtay, ee wada mushaaxaysay

  17. Meydkoodu waa tuu ahaa, maadha oo kale'e

  18. Muusanowgu wuxuu kuu ekaa, maalintii hore'e

  19. Miiq looma kala goyn ragaad, magac wadaagteene

  20. Bal maxay macaash keentay, dhaha maansadaad tirisay?