Abwaan Cali-food Xassan-cawil ayaa kusoo biirey silsiladdii Hoodo waana gabaygii
Sinji dhalasho bay leedihiyo sawrac qaaliya
Sifaheeda gaarka ah haddaan saaka magacaabo
Dhexdoo siriqqa saydhmada gacmaha socod wanaaggeeda
Sanqaroor la daawado xubnaha saatir ka abuuray
Samayskeeda ruuxii arkaa waw sahwiyayaaye
Salxamaha wajiga laafyihiyo suuraddiyo luulka
Sida ay xaq dhawrka u taqaan saajac nimadeeda
Suubanaanta loo yeelay iyo camal samaanteeda
Sida hooyadeed oo kaliyo suxubbi weeyaane
Sambal lama ammaantiyo qofaan suurad ba lahayne
Safkii xuural cayntoo kalaa lagu saweeyaaye
Si kastaad u eegtaba yartani sagal gu' weeyaane
Soomaali oo idil na way ugu sarraysaaye
Sayruukh lamoodyeey hablaha way u sidataaye
Sittiin geela suunaari faras sumuc waxaan haynno
Silfar dahaba iyo luul hantida suuqqa yurub taalla
Subax baan kawada dhiibaynaa soofka xoolaha'
Marna inaad sidaa kaga hadh-naan suura galahayne