ABWAAN AFWARAABE

  1. Lulumada isaaq iyo hawiye qoomka gadabuursi-

  2. Ciisaha abaakiii qubay ee qoriga keenaaya-

  3. Intaasoo dagaal qaadeysa oo igu qaroomeysa-

  4. Qalbigaaga yey galin iney wax iga qaadaane-

  5. Boohoodle kama qoofayo ee wuu qutudhayaaye-

  6. Daaroodka qaarkiiye waa qoom shisheeya ahe-

  7. Ilaahay baaa wax qaybinaya oon lala qiyaaaseyne-

  8. Qoomkastana waxbuu siiyey oo loo qadiriyaaye-

  9. Quwadaha dagaalkiyo nasiib qanigu noo dhiibye-

  10. War waa qaadanaa goobkasta oo lagu qudh waayaa-

  11. Waxaa dirir na qaabila dadan qurus u laabneyne

  12. qoom maalintaa baxaya baa nala ku qaadaaye-

  13. Huunada galbeed laga qoray ee lagu qafaalaayo-

  14. Siilaanyo haduu tobanka qori uu, qaran ismoodayo

  15. Qalbi laawe waa habar-jeclo, qaamudkeed galaye-

  16. War waa nimaan aduunyada ka qaban, xil iyo qaynuune-

  17. Dhaawicii la qaadeynin  iyo meydkii qolo beelay-

  18. Durba qire Isaaqii siday ugu qasaareene

  19. Kalshale maantaan qabsadey iyo qalab wixii yaalay -

  20. War Qoryihiyo markaan gaadhiyada kala qorshaynaayey-

  21. Sow Isaaqu kama sii qaxeyn qaniimadii tiilay-

  22. Qabri laguma ridin wiilashuu qaatey aarmiguye-

  23. Iyagoo dirayskii qaba ayuu bahalku quutaaye-

  24. Qosal farax leh bay ii ahayd kama qiiroone-

  25. Qaatilkii ku weerara sharcigaa lagu qisaasaaye-

  26. Iyaga caruuraha qabsada qayrdka koo xidhaye-

  27. Ma qaraamigii dirirayan  jeelka qabad siiyey