HAYE BARI
Abwan suusle dagaalkii haye
Indhawaydba miinlayda gabay waanigaan marine
Mabda ayga wataan kajaray muha shadisiye
Wataan ka maarsaday naxwaha melan joogabe
Mishigisa dhawr baan lahaaa madasha wayeele
Adiguba madhoodhiyo afxumo soo muhoobiyaye
Muculaafna iiguma baxiyo mararaw yadaye
Sidi macalimiintii hore Yaan mihin disoodaaye
Mar hadaan minhaaj kiisa Galo Uunku wada Mixiboooye
Bal imaqal masaladan hayaa mahadho weeyaane
Aduunyadu haday murugtay o laysku mandhafay
murug lays sheegtiyo haday maag kabixi wayday
Hadii meydha geelo dhashiyo maal lakala qaaday
Oo laga mulkiyay ina xirsow mulug ninki haystay
Magan iyo inaa tahay miskiin cidi ma moogayne
Adoo kale malkhabad buu xidha lagu mariimaaye
Meshaad fadhiday ba tolkaa maashu kaga Taaale
Mariid iyo rasaas mililaysiyo miino kala jaada
Hadad musaacidi lahayd laguuma miiseene
Ninkakaba hayso mudhe adigu haysoo muuuqan
Muga dunida maalmaha tagiyo milayga taariikhda
Muraadsiga habluhu waajiray iyo mehersi naagoode
Muquno iyo xidid bay lahayd labada meeloode
Isagoo marwadi loo dhisiyo minika hoos jooga
Mudanihi ismaaciil marki maare lagu toogtay
Midaanka gorti la dhigay ama makhayaadka
Masuuliyintu wa wada Tubnayd madhafle idooore
Ana inaan malkada jiidho waa lagama maarmaane
Mag laqaatay iyo geel hadii lagu midoobaayo
Rag horaan masaxay oo katagay muranku waa ceebe
Manaxaan haday rer Tolkay Qolo ismaagaane
Magligay uqaateen ragay kaga maqsuudaane
Aayaha mareerka leh marki werar lagu meershay
Mukur looma baahniyo maafi iyo beene
Macruuf weeye xaajooyinkaad marada saarteene
Inay musayaaladu Goeen maragcad weeyaane
Markhaatigaba waa kaga furaa madal islaameede
Madaafiic nimankaan la dhacay motarkiyo faalka
Nimanki mudkodi la dhigay midigta baalidhaye
Maalkooda nimankaan hantiyay moodar iyo geelba
Muusanooga reer daahir waad kaga maqnaydeene
Masaakiinta waataad ahayd maalintii shalay e
Aad nagu mataaqteen sidii maqal diraaceede
Aad waliba maanlawa yahaw ii mashxaradene
Hadii aad midiidin u ahayd ka maroorsadaye
Anuunbaa muquunshaye iyaba waa mitidayeene
Adoo kale malkhabad buu xidha lagu mariimaaye
Meshaad fadhiday ba tolkaa maashu kaga Taaale
Mariid iyo rasaas mililaysiyo miino kala jaada
Hadad musaacidi lahayd laguma miiseene
Ninkakaba hayso mudhe adigu haysoo muuuqan
Hadan hadalka kii ugu mudna miirta ka cadeeyo
Kuway muxibo iiqaban lahayd waa makaan dumaye
Maqaadiirta uunbaa heshiyo mawdki aaakhiro e
Majeclayn milgada bahawal inan maalin weeraro e
Iyaga iyo madiirada Tolkay ba ii masa ahaye
Hadii aan wax maareyn lahaa waala maanacaye
Maqli waaye goortaan lahaa hays maqiiqine
Majeeraha kalumi wiilyaroo dano umuuqdene
Macaluusha Ina kaahinoo muluc ka dhuubnaaday
Mabuul iyo haduu qabaa murugo ceebede
Maxan haatan maaweeliyaa lagu madoobeeye
Midiyaha ku dhacay wan ogayn miidhi reer sahale
Ma qarsoomin reer Adan oo maahira go,aye
Maguugtii Samane waxa kanool dhawr macdaara lehe
Miciyaha dhulbahantay galeen sidii midhihii Hawde
Aduunbaa marida cabayaye madhayay iidoore
Adoo kale malkhabad buu xidha lagu mariimaaye
Meshaad fadhiday ba tolkaa maashu kaga Taaale
Mariid iyo rasaas mililaysiyo miino kala jaada
Hadad musaacidi lahayd laguma miiseene
Ninkakaba hayso mudhe adigu haysoo muuuqan
War marki shirshooraha murgiyo moolku idin jiidhay
mulatarigii soomalidaad nagu masaasheene
Nala mood maraykan iyo ruush muran dhexyaaalaaye
Nala mood maanyada badiyo mawjadi cadmeede
Nala moodyay minawaradiyo maylkii reer yurube
Nala mood maroodi iyo aar miciyo dhaadhere
Manaxaan hadii reer Tolkay qolo ismaagaane
Marta gawlalaaliyo, mayski maadhi yucuboole
mologcaano maacida hayiyo Marinka daahyaale
Maajeenta ilihii lahaaa amase meygaaga
meyraca nagaadwayne Iyo eegi madaxeda
muska dhagaxley
Meydki wadhnaa dhiigaa muluc leeyay
Mi,atayn kabadan reerihi ay muluq kasiiyeene
Adoo kale malkhabad buu xidha lagu mariimaaye
Meshaad fadhiday ba tolkaa maashu kaga Taaale
Mariid iyo rasaas mililaysiyo miino kala jaada
Hadad musaacidi lahayd laguma miiseene
Nin kalaaba hayso mudhe adigu hay muuqan
Hadii geed mulaaxdii sare iyo maydhax laga diirto
Oo laamihii mudhux sana mesha lagu reebo
Malahayga dhaxalkisu waa mood iyo aboore
Waxlamida masalada hadaan idin mihiimsiyo
Maqaawiiri reer yusuf oo wada mushaaaxaysa
Kol hadaan malkaday reerihi magaca wayn sheegtay
Mad madoobayaal iyo cimraan muse iyo faarax
maqaar saaradii baa ka hadhay iyo maxastii reer doode
Iyana shilaan mitamin madhaxa jiilaaale
Hadba kaan macaansho ufilaa mawtigi galaye
Mashigaanka waxa loo sita adiyo reer maaxe
Afartaa marsada jiidan iyo mayey arooryaad dheh
Mirta dhexe hayaan lagu malmalay meshi loo raray dheh
Wali meeris bay hadhaye naxwaha mooro dhiila ahe
Iyana martaa looyahe aan idin maaweelsho
In maqaalufadu kaa xuntahay maanta la ogaaye
Mahuraanka ciidiyo arlada kula mudnaan wayay
Mabda, sharciga loo dejay iyo madaxda loo yeelay
hadii aad mucaaradayso waa maado kufurane
Sikalaa wax loo maamiya oo loomutuxiyaye
Hadba kii wax maarayn karaa lababa shawraaaye
Aniguba mashquul baaan ahaa mararka qaarkoode
Darood alllow madhida iyo mala awaaalkiina
Waa Waxaan maslaxada ugu helay mooralkii jabaye
La midee mataanuhu haday kala maqnaaayeene
Inaad calankan midab doorisana Nala marsiinwaaaye
Marexan cambaaraynta iyo maxamed caygina
Majeerteen xodxodadkiina iyo aniga magayga
Mutux iyo is wagardaadintina iyo Makafsi doonkiina
Waa waxan mashiinada qarxiyo motaha uridaye
Madhafaan hadad iga rabto iyo manta waxa jooga
Hashan magacan loosoo baxshay Ee mooraha loo diirshay
Inkastoo mudeec wacantahay oo OLOL madiixayso
Inkasta candhada muujisay ooo maraqu laalaado
Inkastoo malogay ratigu daba mushaaxaayo
Inkasto maraha loo akhriyay amase mawliidka
Ninka yurub maqaarka usidaa maali kariwaa
Adna waxad madhoodhaysatiyo malahu waa beene
Sidi naag masayrtay oo midkale laga Dulmuuneeyay
Oo intay mi wayn hore ahayd maanku kala halaabay
Waxad aad la meermeeraysaa Waa macno la,aaane
Nin muqaawil lagu keenay oo maanla baatahaye
Midigayn hadaad iga rabto maatada u dhaaami