"Waxaa kaa maroorsaday rag kaa muruqyo waawayne "

Caaqil Maxamed Saleebaan Shabac "Afwaranle" 


  1. Marsin iyo waxaa loogu tegay madaxa imaye

  2. Muslajeexaybaa lagu helay iyo maare dhego wayne

  3. Maryo dhigle baa lagu furtay yo mayd la gawracaye

  4. Maadhiinku nimanbuu lategay magacyo waynaaye

  5. Macaluusha calasow ragbaa madagka dhuubnaaye

  6. Adigu mooday inaan geelayaga maro ku oodnayne

  7. anana moodnay inay maalintuba noo madawdahaye

  8. Waxaa laga maroorsaday ragkaa muruqyo waawayne

  9. Masagada ka hawlbadan hashaad maya da haysaave