Gabay gan waxaa tiriyey Allah ha inaxariisto abwan Samatar baxnan abwankii harti ee cali dhuux ku xigay 90 sano kahor mar niman isaaq ah oo sodulay dhaqaya boor lagu layey oo wax yar ka badbaden intii kalana la dilay
Warka xalay dhanka iyo kayimi wabiga dhuuxisa
Ee uu dhanbal noo siday dhixin habeen ruuxa
Dhamaantiiba hartiga waa usidii canihii dhudiye
Wax layidhi dhulbahantow galbeed lagu dhalalow
Darood wuxuu dhigay layaab dhibicdi dayreede
Dhaliyariyo waayeel way kaga dhagsiiyeen
Dhafoorkay ka toogteen kuwi dhudiya weeraraye
Dhoobada burcaad bay igaga dhaatene
Ana maan waraq ugaga dhigo digasho dheeldheela
Dhab utoogte ina qalibkii dhabarka waynaye
Gortii rigax iyo ladhigay dhawr kalo wahesha
Naftu waa dhaqaale baqay dhagac kasiiyen
Dhurguf kiyo shareerkii kadhige meel dharaariyahe
Isma dhiganin baqaha jerey rugadle dhaafene
Dhawr dhawrka tiradi kutage dheega labi cawle
Dhaantada ogadeena kutumay dhawici hadhaye
Isaqii dhidi bayn jirow laysu soo dhigay
Dhabadii bananayd la awood sida dhadhabeed
Nin waliba dadku dhalo adun waa udhiciyaaye
Kuwii dabada kuu dhibi jiray dhamac laleef siiye
Dhooraha sagarada ugu oy dhimayey idoore