Abwan jamac bare dagalkii xargaga

  1. Mareegaale iyo Xaaxi iyo Gubad maraagiisa

  2. Midhihii Shirshooroo fadhiya maarsanaw yaaheel

  3. Malahooda niman baa is yidhi soo muquunsada’e

  4. Sidii Caynabeey moodayeen maafigay tahaye

  5. Maryo dhiig leh iyo baw xigay meyd la sii sido’e

  6. Mataanaha irmaan nirgaha iyo maydabtiyo goolka

  7. Abeerkaa muggii buuxsamay iyo rimay mahiigaana

  8. Ba’nan dibadda meeriyo galoof midab haldhaa yeeshay

  9. Iyo baarqabkii sidii moodhikaar mici sawaalaayey

  10. Goortii malyuun lagala tegey muunad iyo qoodh leh

  11. Ay kuraha meermeerayeen sida midh daanyeera

  12. Maxamuud hadday uga dhashaan mudanka Daaroodka

  13. Ama ay muruqyo weyn leeyihiin kama maqnaadeene

  14. Mayl jilicsanaa waxay qaxeen maalin gelinkeede

  15. Masruufkoodu waatuu qubnaa miiska tuulada’e

  16. Muddana waxay tubnaayeen bankii maradu waabnayde

  17. Middi keliya baa reero idil meerto u ahayde

  18. Milliteriga goortay arkeen calanna noo muuqday

  19. Mahadnaqe sidii ay jannada wada mushaaxeene!