Maansadani waa mid kamida maansooyinka Jacaylka ah ee uu leeyahay Hal-Abuur Ayaanle Maxamed Ismaaciil ( Ayaanle Darwiish ) 

  1.  Gamasyada cadceedoo

  2.  Casar liiqa galabtii

  3.  Gudub sagal u bixiyoo

  4.  Mahiigaan galbeedsaday

  5.  Soo rogay gufaaciyo

  6.  Dhaxan lala gariiriyo

  7.  Laydh guux la'aaneed

  8.  Amintaa gudooneey

  9.  Inagoo geeraar iyo

  10.  Isu marinay gabayada

  11.  Sow laabta isma galin 

  12.  Ma ilaawin gaydhii

  13.  Aniguna gankaygii

  14.  Heeso kuuma kala gurin

  15.  Adiguna garaadkaa

  16.  Caashaqii ku gaadhoo

  17.  Gobo'laysay ilintii

  18.  Gangadiina maad odhan

  19.  Gacaliye macaanoow

  20.   ii gaar ahoowoo

  21.  Gabdhahaa filkaygiyo

  22.  Hayla guursan naag kale

 

  1.  Gaasiraay dhankaygana

  2.  Anoo hoos u guuxayoo

  3.  Gaban uu jacayl galay

  4.  Garanaaya caashaqa

  5.  Sow kuuma gololayn

  6.  Ma gorfaynin cishqiga'oo

  7.  Gob sideedna kumaan odhan

  8.  Kuu gaar ahaadaye

  9.  Gacantaada ii dhiib

  10.  ila giiji caashaqa