Xuseen Yogol Furre (Camanje) oo Abaskuul ahaa, ayaa beri niman Isaaq ah arin dhex maray. Dabadeed Camanje ayaa nimankii u soo tiriyey gabay ay tuducyadani ka mid ahaayeen:
Waa taan hudheelaha galaa, hogoga Iidoore
Waa taan hariirsade gubaa, dhuxuli hoos taale
Waa taan makhaayado hurshaa, halow i Leefaaye.
Ninkii Camanje siduu filaayey may dhicin, oo la ma soo jawaabin. Markuu dhowr jeer oo kale gabayo soo mariyey, ayaa mid balaayo kiciyey waxaa tiryey nin Arab ah oo Cali Geelle la odhan jiray. Dhibaatadu waxay ahayd in aanu Cali u jawaabin ninkii Camanje, laakiin reero kale oo ay ninkaa isku Daarood uun yahiin, oo uu Ogaadeenku ugu horeeyo ayuu Cali Geelle si dheeldheel ah u maagay, wuxuuna yidhi:
Abaskuul, Isaaq inan la simo, igama eegtaane
Aanada rag kale haw dhintee, eray kalaanBaanay!
Hadday Ayra Geel kuu dhashood waaya badan eegto
Uumiga Kaliileed hadday Aammineey curato
Oo ibaha Naasaha la jaro waa af-kala-qaad
Markabkuba alleyl dhacay hadduu, shooladda afuufo
England iyo Wales buu maraa, toban ayaamoodee
Kol haddii Injiinku u fakado, waa af-kala-qaade
Nin maqaaxi iibsadey haddii, loogu iman waayo
Goortii albaabada la xidho, waa af-kala-qaade
Afar boqol ka badan maansadaan, uurka ku hayaaye
Isaaq iyo Ogaadeen haddii, laysu soo urursho
Ninka aniga ma ahee gabyaa, waa af-kala-qaade
Awr badan waraabuhu hadduu, waa ajale laayo
Ma uu aamusnaado ee kolkuu, uubatada qaado
Kolka aarka weyni u yimaad, waa af-kala-qaade
Waataan Ogaadeen noqdaa, ahabta diidaaye
Waataan in Gooniyo habaas, kala afuufaaye
Waataan Awaaraha Badhyaha, dibugu aastaaye.
Waataan sidii Eey anbaday, Ila ka yeedhaaye
Waatan aduunkoon la dhicin ka arradnadaaye
Waataan Agoon xoolaheed ku intifaacaaye.
Waa taan irbado iibsadaa, sida Ugaas Nuure
Waa taan aroortii kacaa, arah u guuraaye
Waatan bir wada aad ah iyo gudin afaystaaye.
Waa taan ib dhuunyaale iyo, dhiraha eegaaye
Waa taan abqada meeriyaa, idil dharaareede
Waa taan Absame Kuumade, iyo ehelki sheegtaaye
Abtirsiinyo waataan Hartiga, uga ekaadaaye
Araddayda waatay dhashaa, inan Mareexaane
Waa taan Majeerteenka Eyl inan ka doonaaye
Gardaro geeska fiiqatay iyo adyad qaawan ayey nimankii uu Cali Geelle maagey u arkeen. Nimankii Ogaadeen waxaa u soo horeeyay Maxamuud Cali Beenaley, waxaanu yidhi:
Marna in aanan maakhado ahayn, maanac iyo saanac
Muslinkaba in aanaan u darrayn, laysna mudan doono
Dadka nimaan manaabo iga qabin, in aanan maagaynin
Oo aanan musheekhdiyo nebcayn, nimaan macruufownay
Oo aanan kitaab laysu maray, meersan wacadkiisa
Waa taan makhnuud iyo noqdaa, mukhawad Iidoore
Waa taan magaalada tagaa, macanjileystaaye
Waa taan hashaan maali jiray, gowrac mariyaaye
Waa taan maqaamkii hunguri, ugu madiixaaye
Mandharaari waa taan futiyo, madaxa goostaaye
Waa taan mindiyo uus leh iyo, malafsadaa dhiig e
Waa taan miscilil baas dhigtaa, aan marimo ootaaye
Waa taan mallooliga cayilay, macasha jiidaaye
Waa taan muluca kala soo baxaa, moolka badahiiye
Margiyada iyo waa taan garbaha, malax ku yeeshaaye
Waa taad i mooddaa dhurwaa, maraya dow dheere
Miskaha iyo waa tay futada, wax i malaahaan
Waa taan middaan dhalay idhaa, maydhan yaa gadane
Waa taan nin aan maagganayn, maro u saaraaye
Waa taan Maryamo-luuli iyo, magacyo sheegaaye
Waa taan mushtaro baayacaa, suuqa mariyaaye
Waa taan mar naageed xidhaa, maaliyaha suun e
Waa tii saliid la i marshaa, maalin iyo leylee
Waa tii Maxooliga Kufrigu, igu maraacshaaye
Waxaa ku soo xigay Maax Dhagoole, oo ahaa nin cadhaysan oo xiiraya. Gabayga Maax Dhagoole waxaa ka muuqata innuu dhowr jeer tolkii ka codsaday in isaga loo daayo wixii adyad ah ee kaga timaada Isaaq, wuxuu yidhi:
Abtiyaashay anigaa aqaan, nimanka Iidoore
Ha ka aamusnaadeen Absame, waan abhinayaaye
Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruun xidhane
Irriduu yaxoobaa sidii, ood fadhiisin ahee
Uurtuu ka reemaa sidii, igadh cayuumeede
Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge
Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye
Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone
Afcastuna markaasaay dishaa, kabadhe Iidoore
Cali Dhuux oo arimahani ciyaarahiisa ahaayen, malahana magaca beesha HARTI uun meesha ka halacsaday, ayaa isagoo jaaniska muuqday ka faa'iidaysanaaya wuxuu Cali Aadan yidhi:
Waataan wan weyn dhinacii iyo, dhabarkii tuujaaye
Waataan intaan kala dhigdhigo, dheriga heenshaaye
Waa taan middii ii dhexdayoo, dhowri kariyaaye
Waa taan in soo dhibicsadaa, dhaahiyaha fuud e
Waa taan fartaa dhuuban iyo, dhuraha leefaaye
Dhab calool ah waa taan wadniyo, dhabano iibshaaye
Waa taan dharkaygii xarago, dharas ku Laabtaaye