Waxaan dhagaystay gabay u tiriyay abwaan jaamac kadiye,waa gabay runtil wax badan taabanaya ,tilmaamayana somalida is badelka ku dhacay iyo waayihii hore sida ay ahaan jireen, sidoo kale abwaanku wuxu xusayaa xukun jacaylka ku dhacay dad badan kuwaas o aan u bosaska ay joogan u qalmin waliba qaar badan o ka mid ah ay ku raadinayaan sifooyin khaldan.waxba yaana hadalka din ku dheerayne gabaygu meelo badan buu taabanayaaye ,wuxu yiri abwaanku:

  1. Sided baargab oo geelku jira oo la wada saantay,

  2. O dhabida saydhaayoo micida soofaystay,

  3. Midba inuu sarreeyo kankale sababo doonaayo,

  4. oo aan la kala soocinoo xero ku soo hoyday

  5. Mana dhaganka soomaaliyed kuma salaysnayne,

  6. Waxa siday sabaan aakhirkano waad la socotaaneeeeee.

  7. Sodon qoyso soon wada dagaan seere kala oodin,

  8. Aan midabku kala soocinoo diini kala saarin,

  9. Sinji iyo abb, sawd iyo aqoon , sawrac iyo xaajo, iyo

  10. magacba siman o dhammaan tol iyo saaxiiba,

  11. in siyaasad lagu qaybiyiyo sixir ku lidaaman,

  12. oo u siglir iyo illaa, sayncadduhu waasho,

  13. Mara dhaqanka soomaaliyeed kuma salaysnayne

  14. waxa siday sabaan aakhirkano wad la socotaneeeeee.

  15. Dad siyaasi wada sheegtay iyo suxufiyiin miidhan,

  16. sarkaalnimana wada doonayiyo sado in loo dhiibo,

  17. Sagaal taliye madaxwaynayaal saami kala yeesha,

  18. Sandullana ku wada doonayo aan seejo lagu dooran,

  19. Oo surur gabiil iyo watiyo damac ku saysaaban,

  20. Mara dhaganka soomaaliyed kuma salaysnayne,

  21. Waxa siday sabaan aakhirkano waad la socotaaneeeeee.

  22. Sawsawgeena aadmigu ka yaab o la sixiwaaye,

  23. Haddii sinaan wax lagu qaybsadoo la isku saaweeyo,

  24. Sarrifkiyo dhaqaalaha haddii meel la wada saaro,

  25. oo aan sumuli dheeriyiyo saa'id kala raacin,

  26. Qofba saamiguu helay hadiyaan laga sagsaagaynin

  27. Umaddeeni saxal baa ku dhacay siibay dhaqankiiye,

  28. Sabalada xaq soorkiyo wacyigu soliba maayaane,

  29. Sadexdiiba labo ruux intaa way sangadhayaane,

  30. Shari sugan hadaan loo samayn laguna seeteeyo,

  31. Sanco kalaba waa been inay siini noqotaayeeeeee....

  32. Surbacaadin mooyee dantil loo saburi waaye,

  33. Siyaadaa la wada doonaya siiya reer hebele,

  34. Sad bursiimo kaliyaa dhagaha loo sallaxayaaye,

  35. Siyaada la wada doonaya siiya reer hebele,

  36. Risiq samadayaalan arlada wali la soo saarin,

  37. Sacabadana an cidi ku hayn la isku wada seegye,

  38. Sandalada ilaah baa baxsho siiya aadmig' e

  39. Saanji cad la doontiyo kursigu qolo ma sooraan'e

  40. Hebel baa sarraynta leh maxaa lugu wada suuxe


  1. Suugaan haddaad tirinaysoo, gabay samaynayso

  2. Iska saydhi mahoo ku doon, saa annaa idhiye

  3. Sawdkiyo hadalkaagu waa, inay sugnaadaane

  4. Sumcadaada kii burinayee, cudur sameenaaya

  5. Waa inaad suntiyo laaxinkiyo, suruqda diddaaye

  6. Hadhaw midaan lagaa siisanayn, haw sididiyne

  7. Wixi sababay waa inaad tilmaan, sugan ku sheegtaayee.


  1. Su'aashana jawaabteeda waa, inaad sifaysaaye

  2. So'diyo seediyo saanta lafaha, amase saableydu

  3. Siday kala yihiin waa inaad, sahal ku dhaaftaaye

  4. Illaahay sujuudiisa waa, inaadan siddayne

  5. Waa inuu magaca Soomaali ihi, kula sareeyaaye

  6. Dadkani waa sokeeye haddaad, sawsaw ugaran weydo

  7. Waa inaad iskaba saamaxdaa, aad u samirtaaye


  1. Abwaan seexday, suugaan yaqaan, seegey marinkiisu

  2. Markay suruqdo xaajadu ninkli, gariya sawdkiisa

  3. Samekatalis ninkii an unoqon, dannaha Soomaali

  4. Sahgabow ayaantuu arkana, sacab ku taageeray

  5. Saanbuusihii laga addimay buu, la sir yahaye


  1. Haddiise saman xuni u dhacoo, sigo iyo qigle

  2. Umalku kaa wada sugmaye, seexan kari weyday

  3. Dadkoo silicsan, noloshoo siloon, oo la saxariray

  4. Wixii suunka xoolaha hadhayoo, caato socon waayey

  5. Dhulkoo saxarla, sabo xaluftayoo, sidh ka bixi waayey

  6. Sacabada wax loo dhiganayaa, Sikhigi weynaaye

  7. Wax illaahay laga saadsadaa, sanno barwaaqaade


  1. Cirkoo seeman, samadaan daruur, meelna laga saarin

  2. Dirirkii sagaaliyo hadday dayro, saranseerto

  3. Seermaweydo loo baahday iyo, sagalkii oo raacay

  4. Subax kale hadduu muujiyoo, sugul madaw yeesho

  5. Waxaad sare u eegtaba hadduu, saa ku di'i waayo

  6. Sacabada wax loo dhiganayaa, Sikhigii weynaaye

  7. Wax illaahay laga saadsadaa, inuu ku siiyaaye


  1. Saxal iyo bukaan raagay oo, siibay hilibkaagi

  2. Saantiyo lafto kugu dhagayoo, solayo aad mooddo

  3. Haddaad sararo waaweyn lahayd, adiga o suuqmay

  4. Sayniskiyo wadaadkii sariyo, suxufigii faalku

  5. Wax kastay sameeyaan haddii, lagu sancayn waayo

  6. Sacabada wax loo dhiganayaa, Sikhigii weynaaye

  7. Wax illaahay laga saadsadaa, caafimaad sugane


  1. Saaciddaad Eebe haddaad guur, u salab qaaddo

  2. Haddi gabadh suleekha ah, Illaahay gacanta ku saaro

  3. Saldhig ficaniyo reer haddiiyaad, sabo ku xoolayso

  4. Si degdegga inay wax u dhashaa, loo sad tiriyaaye

  5. Salfudayd hadduu kugu dhacaad, aad u sugi weydo

  6. Sacabada wax loo dhiganayaa, Sikhigii weynaaye

  7. Wax illaahay laga saadsadaa, sabiyo khayraade


  1. Suluf colaadda yo dagaal, sifad iyo hoog leh

  2. Sumucoo la liishaamiyiyo, saannad ololaysa

  3. Safsaf la isu weerarahayiyo, sulub higoonaaya

  4. Sokeeyiyo xidid laysu dilay, amase saaxiibo

  5. Wax kastaad samayso hadday, nabaddu seerawdo

  6. Sacabada wax loo dhiganayaa, Sikhigii weynaaye

  7. Wax illaahay laga saadsadaa, inay sammaataaye


  1. Gobonimada waa waxan la sin, saan madoobahae

  2. Sinjiga Africankaynu nahay, waa siloonyahaye

  3. Haddaan laga sarayn dawladnimo, sugan ma gaadhaane

  4. Iyagaa la soofeenayaa laysna, sudhayaaye

  5. Saraakiil haddii laga dhigoo, loo sandallad dhiibo

  6. Safaad bay ku idaamayaan, malaha si raace

  7. Malaha sabahan bay dhasheen, oo wax baa si' yahe

  8. Marse haddii sharci laga samroo, xeerba socon waayo

  9. Sawirkiba haddiyaad weydiyo, calankii oo saarrane

  10. Sacabada wax loo dhiganayaa, Sikhigii weynaaye

  11. Wax illaahay laga saadsadaa, maamul saalixahae


  1. Waxaan suurtagelihayne haddii, aan yaro saafsaafo

  2. Sideed baargab oo geel ku jira, la wada saantay

  3. Oo dhebida wada saydhayoo, micida soofaystay

  4. Midba inuu sareeyo kan kale, sababo doonnaayo

  5. oo aan la kala soocinoo, xero ku soo hoyday

  6. Mara dhaganka Soomaaliyeed, kuma sallaysnayne

  7. Waxay siddaan seben aakhirkan, waad la socotaane


  1. Soddon qoysoo soon wada deegaan, seere kala ooddin

  2. Aan midabku kala soocminoo, diinni kala saarin

  3. Sinjiyo Absawdiyo agoon, sawrac iyo xaajo

  4. |yo magacba siman dhammaan, tol iyo saaxiiba

  5. In siyaasad lagu qaybiyo iyo, sixir ku üddaaman

  6. Oo sigiirkiyo ilaa sayncadduhu waasho

  7. Marna dhaqanka Soomaaliyeed, kuma sallaysnayne

  8. Waxay siddaan seben aakhirkan, waad la socotaane


  1. Dad siyaasi wada sheegtay iyo, suxufiyiin miidhan

  2. Sarkaalnimana wada doonnayiyo, seddo in loo dhiibo

  3. Sagaal taliye, madaxweynayaal, saami kala yeesha

  4. Sandulana ku wada doonnayaan, seejo lagu dooran

  5. oo suruc qabiil watiyo, danno ku saynsaaban

  6. Marna dhaqanka Soomaaliyeed, kuma sallaysnayne

  7. Waxay siddaan seben aakhirkan, waad la socotaane


  1. Sawsawgeena Aadmigu ka yaab, o la sixi waaye

  2. Haddii sinnaan wax lagu qaybsadoo, laysku saaweeyo

  3. Sarifkiyo dhaqaalaha haddii, meel la wada saaro

  4. oo aan sumuli dheeriyiyo, saa'id kala raacin

  5. Qofba saamiguu helay haddii, aan laga segsaagaynin

  6. Umaddeeni saxal baa ku dhacay, siibbay dhagankiiye

  7. Sabaalada xagsoorkiyo wacdigu, soliba maayaane

  8. Saddexdiiba labo ruux intaa, wey sangadhayaane

  9. Shari sugan haddaan loo samayn, laguna seeteeyo

  10. Sanco kalaba waa been inay, saani nogotaaye


  1. Surbacaadin mooyiyee dantii, loo suburi waaye

  2. Sedbursiimo kaliyaa dhegaha, loo salaxayaaye

  3. Siyaaddaa la wada doonnayaa, siiya reer hebele

  4. Risiq samada yaala aan arlada, weli loo soosaarin

  5. Sacabadana aan ciddi ku hayn, lays ku wada seegye

  6. Sandallada Illaah baa baxshoo, siiya Aadmigae

  7. Saajaca la doortiyo kursigu, qolo ma soorraane

  8. Hebel baa sarreynta leh maxaa, loogu wada suuxay?

(Jaamac Kediye Cilmi)