Sanadkii 1870. Dhulbahante hal maalin kuwada duulay Isaaq, Majeerteen iyo Warsangeli. Isaaq Sagaaro ayaa mag lagaga qaaday. Majeeteen waxaa laga dumiyey qasrigii Boqor “Noobir” Dhulbahante wuxuu gaadhay xeebta Warsangeli iyo Maheerteen. Ciddanka waxaa hugaaminayey Siciid Qamax wuxuu yidhi.
Waxaan ahay shamsada soo baxdiyo shaaca waaberi
Shay caana baan ahay sidii shaharka soon qaade
Gobonimadu waxay noo shaftidhi shaaca dirireede
Shanta niman ka dhalan baa wadnaha shiili kaga taale
Shan farood anay Ii gudha shidinka Daaroode
Shafka reer maguuraan ahay ay ugu shaahiidaaye
Warsangaligu meeshaan shaf dhigo iigu kala sheexye
Nafta wuxuu ku sheelsheeliyaa calo shareernaa
Iidoorku waa midan shido iyo midan shidheeyaaye
Shan haddaan ka dillo waa anoo neef shidhow qalaye
Bah gareen shilootay oo anaa shubay ragoodiye
Nuur dhegay shala lagu shirabay shalaxlihiisiye
Badda shaqafka inan soo darsaday uunka wada sheegye
Waa loo shuhuud NOOBIR inay shaxi ka jeexnayd
Turkigaan u shoolaye ninkale shuufay hadalkiiye