RAGOOW KIBIRKA WAA LAGU KUFAA KAA HALA OGAADO

Gabaygan waxaa tiriyay abwaankii waynaa ee soomaaliyeed kana tirsnaa mujaahidiintii daraawiishta ee Ismaaciil Mire(AHN). Abwaanku wuxuu gabaygan kusoo qaatay rag fara badan oo geyiga soomaaliyeed caan kunoqday kibirka iyo hal adeyg iyo geesinimo, halkay aakhirkii ku danbeeyeen? wuxuuna gabaygan uyahay digniin qofkasta oo kibra inuu aakhirka haadaan dheer kudhacayo oo aan kasoo noqosho lahayn. wuxuuna yidhi.


  1. Kulligood adoomaha rabboow qaybsha kibistiiye

  2. Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula

  3. Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah

  4. Ninba kadabkii loo qoray Illaah wuu la kulansiine

  5. Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado


  1. Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala

  2. In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille

  3. Kulligiiba Reer Hagar anaa kiin ah baa rogaye

  4. Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede

  5. Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene

  6. Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado


  1. Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey

  2. Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane

  3. Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado


  1. Kaysaha adduun Ina Amaan kuma qarraacnayne

  2. Ragbaa keeno gali buu is yidhi waad u koraysaaye

  3. Misna kama fileyn mana hadayn kii Israa’ilaye

  4. Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado


  1. Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye

  2. Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye

  3. Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye

  4. Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado


  1. Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye

  2. Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye

  3. Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye

  4. Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado


  1. Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey

  2. Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye

  3. Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede

  4. Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado


  1. Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye

  2. Kashiisaba ma gelin wiilalbaa keebka kuu qabane

  3. Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado


  1. Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye

  2. Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e

  3. Waxse kadabkii go’ay maalintuu kaday raggiisiiye

  4. Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre

  5. Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado


  1. Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne

  2. Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay

  3. Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye

  4. Ka shib dhaha Islaamoow naftii kii ladnaa gadaye