XARGAGA
Maxamuud dalim habarjeclo ah oo ka calacalaya geeli xargaga ee uu dhulbante kavqaday kasi dhama 10.000 oo halad dagaalkii xargaga oo and logu jabiyey isaaq iyo ingiriskii wada socday
Rogaalkii xargaga waa sidii ruuga oo kale.
Nin Cimriga la raajo iyo anigaa raaibna u tagayye.
Rabaaba kama sheeko qabo ruux arkana daaye.
Guutada sidii rayfalkii laysku raad gooyey.
Rigta weerar waa laga hayaa tan iyo raan guure.
Geelii sidii raanta iyo ruqubta loo qoolay.
Markii raasamaaliyo qurwayn laysku wada riixay.
Markay raaba raabaha ahayd siday naf raacayso.
Sida reero geediya markay wada rukaynaysay.
Markay rabaqrabaqda markay candhada ruuga marinaysay.
Raytoow markuu barqabkii ridayey baaruuda.
Rasaasta iyo qaylada markuu gadayey raadkooda.
Markii la riday gaaridii shayna raran wayday.
Nin raxaabadkeedii ogaa nabad ma raadsheene.
Raganimo haday geeri tahay adhi ma raacdeene.
Ma raanraanbiyeen xoolahaa reedhi loo yahay.
Inkastoo ragoodii ku lumay. Raacday libin tiiye.
Raaxada nugaaleed ninkii rabayba loo diidye.
Toljecluhu ramaaskiyo badan roobkan xays da'aye.
Haday rasneen waan helnaa rag iyo baaruud.
Miyeynaan rogayn ceebta waa layska reebaaye.