Geeraarkan waxaa la yidhaahdaa BOOCO, waxa tiriyey Abwaankii weynaa ee reer Jiidaliyeedka ahaa Abwaan Ismaaciil Quruxboob. Waxa uuna ka tiriyey madal aroos oo ka dhacday deegaanka degmada Jiidali meel u dhow.Geeraarkan abwaanku wuxuu kusoo qaadanayaa;

1-madasha Arooska 

2-Caruusada 

3-Geela 

4-Gamaanka

Wuxuuna abwaanku odhanayaa;

  1.  Ka guyaal ka guyaal

  2.  Baan geesaheeda waqooyi

  3.  Aroos lays guranaayo

  4.  Geeraar aan ka idhaahdiyo

  5.  Waa guuleey ka hayey

  6.  Waxba ii gali waayoo

  7.  Indhaweyd gabaygii

  8.  Iyo geeraarkii iska daayey

  9.  Gaban aan la tiraabay

  10.  Gacaloow bal dhaysta:

 

  1.  Wax badan baanu gurnayn

  2.  Gabyey oo fardaha 

  3.  qool ku guraynay

  4.  Oo gaadhi noo xayirnaa

  5.  Oo boqorkaa gurigiisa

  6.  Iyo booca gaadha lahayn

  7.  Haddii guule na keenay

  8.  Guurtidii na sugaysayeey

  9.  Gacanta idinkaa leh

 

  1.  Hal waa ii gabadha

  2.  Halna waa iga geela

  3.  Halna waa iga gamaanka

  4.  Halna waa iga golaha

 

  1.  Meeshu waa gole weynoo

  2.  Waa gadaamo wanaagsanoo

  3.  Waa gaaf iyo maanso

  4.  Gabdhahaa ishtihaadayoo

  5.  Xariir baa lagu gaadhay

  6.  Go'aankaanu la yeelanaba

  7.  Garaacaaya masiingad

  8.  Guulihii ilaahayoow 

  9.  Aan ishaaro na gaadhin

 

  1.  Halna waa ii gabdha

  2.  Mid aan gayrna ahayn

  3.  Baa aqal loo gambiyaa

  4.  Oo guuyo kaaga baxdaa

  5.  Ase gaari na deeqdaye

  6.  Guulahay kuma qaado

  7.  Halna waa iga geel

  8.  Haddaan geela tilmaamoo

  9.  Gaduhuu yahay sheego

  10.  Goray wiil aan lahayn

  11.  Guhaad baa uga kordhaysee

  12.  Gacaloow iga daaya

  13.  Haddii aan gu' horaantii

  14.  Gorayeey la xer gaynin

  15.  Galangaaliga soolka

  16.  Gudaheeda nugaal

  17.  Aanay hawd u gudbaynin

  18.  Asaan geedka tamuuxa

  19.  Gabnaan loogu xidhaynin

  20.  Gacalkii u yimaada

  21.  La goor goora lisayninoo

  22.  Goray soo ololaynin

  23.  Amaantii garanmaayee

  24.  Gacaloow iga daaya

 

  1.  Haddaan goosha ameeriyo

  2.  Gaanihii rimanaaa

  3.  Gu' dhalkeediyo qaanka

  4.  Ina gaardi ku qooqin

  5.  Galiilyaha miciyaha iyo

  6.  bushmaha isku garaacin

  7.  Oo Hadba gees ka maraynin

  8.  Markuu doobta gariirsho

  9.  Oo galaheeda ka yeedho

  10.  Gidhligaamo la moodin

  11.  Amaantii garanmaayee 

  12.  Gacaloow iga daaya

 

  1.  Marka geedku cadaado 

  2.  Haddaan goofka wiyeera

  3.  Kaalmo looga gangaambin

  4.  ilma adeer isu gaaman

  5.  Garab weyn istaqaana

  6.  Wadaanta u galxinaynin

  7.  Doob u gaamur ahaadayoo

  8.  Galaheeda ku raagayoo

  9.  Guruxiisa iyo jaaha

  10.  Gucumaalaha aariyo

  11.  Abees guun ah la moodo

  12.  Hadba gees uga dhiibin

  13.  Markuu yeedha galaydho

  14.  ileen waa ged taqaane

  15.  Biyaha soo gali haynin

  16.  Amaantii garanmaayee

  17.  Gacaloow iga daaya

 

  1.  Haddaan goobta dagaalka

  2.  ilma adeer isu gaanan

  3.  Gadh madoobe ku dooda

  4.  Gidhligaan iyo reefal

  5.  Guryaha loogu ogayn

  6.  Amaantii garanmaayee

  7.  Gacaloow iga daaya

 

  1.  Halna waa iga gamaanka

  2.  Haddaan koore la gaabshay

  3.  Foodsaar loo gucumeeyay

  4.  Sitaax gaadada jooga

  5.  Gabigeeda iyo jaaha

  6.  Intii heenso la gaadhay

  7.  Wiil gadeeda yaqaani

  8.  Nadiga u gilgilaynin

  9.  Oo hadba gees ka rogaynin

  10.  Amaantii garan maayee 

  11.  Gacaloow iga daaya

 

  1.  Gole laysugu baanay

  2.  Gego qaylo ka yeedhay

  3.  Alla gaadhi wakaa

  4.  Gor gor duulay miyaa? 

Waxa qoray; Ayaanle Maxamed Ismaaciil ( Ayaanle Darwiish )