GEELII DABOOLANE EE LAGA DHACAY HABARYOONIS 

Gabaygani wuxuu kamid yahay gabayada laga tirshey geela labaxay daboolane oo ay daraawiishtu ka dhacday habaryoonis gabayada laga tirshey geela daboolane waa badan yihiin laakiin waxaynu soo qaadadaynaa gabaygan oo kamid ah gabayadaas wax badan baa geelaas ergo laga soo daba diray hase yeeshee qoob iyo qabuul midna lagama gaarin markii uu hadalkii geelu batay baa daraawiishi goosatay in aanay marna celindoonin geelaas waayo waxay daraawiishtu cuskanaysay in gardarrada iyo maagaba looga horeeyey isla markaana ay habaryoonistu garab iyo gaashaan unoqotay gumaysiga gaalka ah ee ay daraawiishta iska soo horjeedaan sayidka oo muujinaya mawqifkiisa baa mariyey gabayga soo socda.

  1. Caqlillaawe iidoor waxaadan iigu coobayn

  2. Afar halaad cayuunyahow calaanimo u yeesheen 

  3. Mid waa inaad caseeyiyo cudud gaalo u noqoteen

  4. Midna culuq allaah oge horaa wax u cantuugteen

  5. Midna ceeb ma waydide idinkaa carrada dilay

  6. Marna geela caaqyahow calaf baadan ku lahayn


  1. Afartaa cutubiyaye cutubkale waxaan iri 

  2. Haddaan caamadiinniyo cuqaashiina gawraco 

  3. Ay culumadiiniyo caydhiinu dagaagaan

  4. Aanan cayma kaga tagin cidihiina oo idil

  5. Afar halaan cilleeystaan ciilku iiga bi'ihayn


  1. Mid waa ina cutuubiyo igarraha na caalaqay

  2. Midna waxaanan ka cifayn culimadaydii aad layseen

  3. Midna waa caraadkiyo colujoog halkuu yiri

  4. Madna waa caruuryahay cayaartaad igu maagteen


  1. Afartaa cutubiyaye cutub kale waxaan iri

  2. Haddaan aniga caaqibo caynaanshe igu nicin

  3. Cukuse aanu igu oran cabdi badhiyo reer weyd

  4. Ragii ceelcad lagu jaray cawil iiga soo naqa

  5. Coodkii la qaadana ciyoon iila soo orod

  6. Ciisa dhoollawaa iyo cashuurtiina ii keen

  7. Doonidii la caarshiyo cukaddiina ii dhiib

  8. Cayn iyo dalkaygana cagta hayga soo dhigin

  9. Dabadeedna cay iyo cantar yaan la ii celin


  1. Haddii kale callownaye bal cod gabana iga maqal

  2. Hadii laygu caashaqo caskar iyo maraakiib

  3. Haddii ciidan fara badan laygu soo carcooriyo


  1. Hadday soo cabaadaan cadcad iyo saraakiil 

  2. Haddaad soo cafuuftaan ciiddaa masaalkeed

  3. Haddii cuurarkiiniyo ciidagale i weeraro


  1. Cimrigay intaan jiro cadow hadduusan ii tudhin

  2. In kastaad carootaan ama aad curraaftaan

  3. Marna inaan cabiidsamo caqligiina yey gelin