Gabaygii Kalwis !
Gabaygan Kalwis waxaa tiriyay Aun Cali Aadan Gorayo ( Cali-dhuux).
Sida taariikhdu ina leedahay Cali-dhuux wuxuu tagay magaalada Burco waxaana la kulmay Salaan Carabay, Cali-dhuuxna ma ahayn nin la gaado wuuna ka digtoonaa wax loogu soo dhuunto, wuxuu kaloo Cali Aadan tolkiis tusayay in ay ka warwar la’aadaan xubinta gabay inaan nina ka shanayn karin intuu isagu noolyahay. Wuxuu yidhi Cali Aadan Gorayo ( Cali-dhuux).
Salaanoow kalaamkayga gabay waw kal tiriyaaye
Kaftana aniga iigama tagiyo kiishaday madhane
Kursina uguma soo yurursado koob la ii shubay
Kadabna uugama dhigo aniyo Kaahadaan qabay
Waayaba karaamada ninbaa lagu kabdhooshaaye
Halacii hungurigiisu kaday oo kalaad tahaye
Kan cadd laga maryoow Cali mas baa kuu kabaday shaw
Afkaagaad ku kabadhaysato baa Kiinka loo qoriye
Karamaan Kismaaniyo Berbera kalaha Nayroobi
Kastamada Amxaaradu degto
Iyo Koonfur middigteeda
Iyo Karinle meeshuu deguu waa kan leeyahay
Korbac gibina eygaba haddii kolan yar loo tuuro
Wax kor maray alleylii hadduu kuuniyaha saaro
Kun goor buu habeenkii ciyaa kalab dhawaaqaaye
Kiiskaa nin qoran baad tahaye kire!ha ii yeedhin
Afartaa sidii keeb la riday ma ugu kululeeyay
Kolba culus Ilmaadeeraday kaar ma kaga qaaday
Bal kaw dhaha kun kale oo ka daran baan kalwinayaaye.!