Gabaygan wuxuu Aadan-carab tiriyey horraantii lixdameeyadii kaddib markii uu arkay niyad-jabkii dadkii Soomaaliyeed kala kulmeen dawladnimadii iyo xorriyaddii lahelay, iyo sida aysan uga jawaabin baahidii iyo filashadii dadka Soomaaliyeed qabeen. 


Wuxuu Aadan-carab tilmaamayaa, in dadkii uu isagu deegaankiisa kadoortay in ay uga wakiil noqdan dawladnimadii lahelay, aysan isaga iyo deegaankiisa midna wax kabbeddelin. 

Lixdankii sanno kadib, weli dareenkaas Aadan-carab ka gabyayey waa mid dadka Soomaaliyeed isweydiinayaan. Maxaay dawladnimo inoo soo kordhisay kana beddeshay nolosheenna dadeed iyo saamaynteenna daleed?

  1. Ingiriis dalkiisii mudhxay oo cunay magoolkiisa;

  2. Isagoo masaafura haddaan subax ka miidaanshey;

  3. Oo lagu mintiday waw dhammayn minawarkaan fuulay;

  4. Maskab kama dhaxline wiilal baa helay macaankiiye;

  5. Kun nin baa martabadii u hadhay ama muluugtiiye;

  6. Inta kale mus ood laga rogtay meerayaan dibade;

  7. Sidii baan marqaafyo u sitaa ama mareykaane;

  8. Sidii baan maqaar ugu gam'aa meel la ii dhigaye;

  9. Sidii baan mankaar lagu gubtay iyo milic u joogaaye;

  10. Sidii baan madaal dheri karshiyo rodol u miistaaye;

  11. Sidii baan macaash ugu gataa harag miciinkiise;

  12. Sidii baan martida caano qudha ugu macsuumaaye;

  13. Sidii baan masruuf uga dhigtaa midhaha Toomoode;

  14. Sidii baan muwaashiga hayaan ugu maqiiqaaye;

  15. Sidii baan majiiraha dhabbada ugu masaafoone;

  16. Sidii baan manjaha ugu socdaa moodhar li'idiiye;


  1. Sidii baan tacliin uga madhnahay macadkii diimeede;

  2. Sidii baan madow ugu jiraa maato iyo ruuxe;

  3. Sidii baan macruufkow sugaa macallinkiisiiye;

  4. Sidii baan magtii uga baxshaa muumin kii dilaye;

  5. Sidii baa miskiin tulud lahaa looga mariyaaye;

  6. Sidii baan haddii tuug i miro midigta loo goyne;

  7. Sidii baan xafiis meel fog jira ugu muctaadaaye;

  8. Haddii laba nin oo wada Muslina madaxda loo geeyo;

  9. Sidii baan guddida loo midhaa wax u masaynayne;

  10. Sidii buu rumaan ugu mudhxaa kii maxbuusiye;

  11. Sidii baa sharcigii meyd u yahay aan murwo lahayne;

  12. Kuwa midabka Soomaalinimo lagu malaynaayo;

  13. Sidii buu kiniin ugu mutaa maralka jiifaaye;

  14. Sidii baa dalkii naga maqnaa muran u joogaaye;

  15. Marsadii Jabbuutaanba weli soo mihiib-kicine;

  16. Sidii buu makhluuqii u yahay magan-Amxaaraade;

  17. Haddii dumar maxaajabad ahaa milicsi loo diido;

  18. Immikay dharkoodoo milmila suuqa marayaane;

  19. Miidaanka noogama baqaan mana mastuurtaane;

  20. Muqdishaba horteed waa dhaqnayn marag Ilaahay'e;

  21. Wuxuu webigu mooska u jabsaday waa macaasida'e;

  22. Isagaa mabsuuda'e wax kale nooma maamuline;

  23. Bal muxuu micneeyaye na taray ministarkaan doortay?


Abwaan Aadan-carab (1917-2001)