Gabaygan waxa tiriyey Allah ha u naxariistee Camanje Yogol oo reer Qabribayax ahaa taariikhdu markii ayayd 1941dii markaasoo Ugaas Dooddi iyo halgamaa kale oo la odhan jiray Faarax Oomaar oo reer Burco ahaa ingiriisku ku wada xidhay xabsi ku yaalla jasiiradda siishelis, halkaasoo ay muddo 7sano ah ku xidhnaayeen. Sannadahaasi waxay ahaayeen sannadihii ugu xumaa ee soo mara Gadabuursiga kuwaasoo taariikh raad xun oo illaa maanta muuqata kaga tegay.
Deheeye iyo ina Qoofaloow, duul idiin taliye
Dariiqaad kasoo qaadateen, daar ibliis galaye
Doofaar ma galo kayn haduu, sheekh ka daalaco eh
Danbas buu harraatiyey ninkii, doqon wax taartaaye
Gadabuursi boqor doobirlaa daadahayn jiraye
Dixda Faafan teer iyo badduu, daadsanaan jiraye
Dawlad bay ahaayeen jirtoo laga danbeeyaaye
Markuu dad iyo duunyaba dhergee dalagna loo raacshay
Dawan baa iblaysku uga lulay meel dushooda ahe
Waa loo dabbaal degay intay daris u waabeene
Duco aan Ilaahay aqbalin daaro loo gogolye
Dal-macaali bay moodayeen oo u soo degaye
Markaasaa dulli iyo caydh la yidhi ha idin deeqeene
Waanatii abaar loogu daray diirato ahayde
Dalkoodiina waa laga qabsaday daahirka ahaaye
Daaduunka waakaa ku tegay duul an la aqoone
Dixda harawo dibi sooma ciyo awr ma doob-dhabo eh
Hablo darayamuuslihi ciyaar uma dareeraane
Boorame nin duublihi ma galo oo dan baa tidhiye,
Idiinbacasba dunidoo dhanbay deeqday caanaha eh
Waxse loogu dawgalay markuu reer samuud dilaye.
Duufaanta reer caad markii duhurka loo keenay
Dabayl Eebbeheen wado markii lagu dullaynaayay
Daruur hoori bay moodayeen oo ku doog-dhabane
Dubaaqaba ma gelin maanta waad dabar go'aysaane
Isagoo dikriyayoo ku qaba madaxa duub weynna
Waswaas oo duqii dhalay wataa soo duljoogsadaye.
Dildillaaca waaberi markuu daakirku iftiimo
Shaydaan biyaha soo darsaday oo ku darab yeeshay
Adigoo salaad doonaya haduu dacalka kaa raaco
Ashahaadaduu kaa duwaa oo daacad ma ahayne
Ogoobeey dadkeenana ku badan duul sidaas ahiye.
Kuwii nebiga diidee fircoon doortay baa tahaye
Dayax shaniyo tobanuu ahaa dunida nuuraaye
Rabboow Dooddi noo soo fur dhaha dib ad u fiishaane.