DUULAANKII MAJEERTEEN (Aadan Carab)

Adaan carab ayaa ku duulay majeerten 1946 dagaalkii markuu ka adkaday majerteen waxay xoolo lahayeena uu soo dhacay aya waxaa ka daba yimid col xabashi iyo majeerten wada socda kuwiina waa la jabiyey xoolihiina waa lasoo wada qaday siduu usoo waday ayuu xoolihii iyo ciidankii keenay halkii dagmadu tiil dhulbahnate oo ay ku sii sugayen cali dhuux iyo samatar bal wuxuu keeno aadan carab  Meel fagara aya dadkii loogu soo saray gabdhihina Durban iyo mushxarad ugu geesasen cali dhuux aya yidhi gabay adanow dagaal kana kawaran. wuxuu yidhi adan carab

  1. Nin gaboobay geeri iyo silic waa ugudboon yahaye-

  2. Hadii cali gugiisii uwaramay waa gobaysane -

  3. Aniga dhulbahantaha ugalay gabay halkii siiye-

  4. Gafna kuma dare waa kitaab waxaan ka guurshaaye-

  5. Sidase neef galgaala yaan baryahan gaane ka ahaaye-

  6. Waa taan ka gebangaabsan jiray gaafka laydhigaye-

  7. Bal aan caawa gaax baan hayaaye yara gufacoodo-

  8. Majeerteen goobtii Lama murmine gumihi soo xoogay-

  9. Gurmogo aanadoodii fufiyo gocosada faartay-

  10. Biciidyahanka geelu ubatay ee geedka wada waabtay-

  11. Ee cigale geesta kadagay geenyo baqal raacye-

  12. Ee yidhi muxuu garanayaa talada gawdiida-

  13. Ee gooyey reer khalaf lagii  lagu gumaynaayey-

  14. Dadkoo gogol leh waa tay hartiga godob uyeeleene-

  15. Kal horeey gafeen xaajadii gacal ufiicnayde-

  16. Godka lagu shidyoow oday xun baa guurti loofilaye-

  17. Dabka gala guudka arladu wada galaaftaaye-

  18. Waatay kuwii dunada gubay ugu garbeeyeene-

  19. Waatay gendaha ugu noqdeen goodi iyo faane-

  20. Foolkii garaadkiyo shirko gaaliyo islaana-

  21. Waatay guhaankiyo nabsiga kala gurguurteene-

  22. Waatay ergada gaabsaden gacan wadhkeediye-

  23. Waatay gashiga duudsiiyen guudcadiyo shiikhe-

  24. Mag laguray gabaan iyo afbuur wax uma gaadheene-

  25. Gabno iyo waxaa nagu filnaa gool naloo simaye-

  26. Waatay galoofta iyo duqaha gudhan jecleysteene-

  27. Jeeru xaqii gawda dhigay gun iyo heesaase-

  28. Waatay gamaadaha dageen laysma galinsiine-

  29. Ku gulaafte xoolaha dhibka lagu gufeeyaaye-

  30. Guunyada lasoo meersaday iyo gorofta caydhtowga-

  31. Goblan iyo hadhiiniyo walaal garab la.aantiisa-

  32. Gaarida ilamada duugaysa iyo geesiyada mootan-

  33. Ganbo suufa geesaas qalbigu kula galiilyoodo-

  34. Gorgorkiyo waraabaha kumabay gudurka mayd kooda-

  35. Waatay garnaylkan ku dhicin Gar alle diideene-

  36. Gilgilaastay baladan wax badan gaadhka ka ahaaye-

  37. Muslin inaan gumaadiyo jihaad la igayeeysiiye-

  38. Rag hadu gudoonsado colaad gole dharaareeda-

  39. Gaadiyo habeen reer lamiray giriftan weeyaane-

  40. Gudcur Lama socde maalin baa la is galaalaaye-

  41. In socdaal lagoobtaba la.arag gumaradeediye-

  42. Gaseb keeda hele wiilashay gari ka qaadeene-

  43. Nimaan galabsan guutada kuma gadaaneene-

  44. Gallan iyo bagan maanta mudhux ugu galiidhyeeyey-

  45. Gubniyada bagan ugu furfuray guriga reer diini-

  46. Gabal iyo baguu tan iyo galaadi weerarku ugaadhay-

  47. Gardigiyo bagaa gibligayga gabanar loomooday-

  48. Aqalada baga loo gilgilay galalafkii oonka-

  49. Iyadoo la galay oo rasaas lagu garaacaayo-

  50. Guulaysta naaguhu colkay ugu gargaaraane-

  51. Gabdho iyo bagaa dumar mushxarad noogu gacalaystay-

  52. Gaalada madow iyo kufraan gayfad ka ahaaye-

  53. Gebagabaha kama soo wadneen golaha ceeldheere-

  54. Ka gudoonay gaadiid kuna iyo goodirka irmaane-

  55. Iyadoo gorsuhu daba socdo oo gaardi olalayso-

  56. Raacdadu gaadiidkiyo haday duhur nasoo gaadhay-

  57. Guubaabo iyo hayb hadii la Is garwaaq siiyey-

  58. Aan goonibadh looga tudhin gaadadiyo laabta-

  59. Waligiiba geel nagama dhicin garo nin maalaaye-

  60. Garcastiyo bagaa inamadii gaadanku uleefay-

  61. Lixle gaaban goys iyo mid dheer gayrka alamaanka -

  62. Dabku waa ganiimade baga gadida loo toonshay-

  63. Goobtii labaad xabashidii gaadhiyada keentay-

  64. Goortii rasaas lagu gafreey giba ku waasheene-

  65. Ganbigii amxaarkana baga garawo noo raacday-

  66. Ina jibriil inuu garoodh dhamo la sheeg gaajadu qabaye-

  67. Mana gabraarto subaxdii siduu goonida umaraye-

  68. Caanaha bagu uga gingimay gocayadii weelka-

  69. Garmaqaatihii cali dude ee noo Gar bixi waayey-

  70. Gurgursha siduu yahay baga loogu qalay geedi dhiciisa-

  71. Gardarada intii kala bagay ugu guhaadaysay-

  72. Nuur ODay bagu uga ganfaday gumucyaduu ootay-

  73. Baga nabadu waa gogol musline loogu wada guuxay-

  74. Durba guure nimankay fidmadu gaarka ku ahayde-

  75. Gaashandhigii laguma darin gawrac kibir kaygii-

  76. Uganboole guuriyo baqoole galab carawtiime-

  77. Golol iyo jiriiban baan tagi gooshka kaa xiga e-

  78. Mareexaan halo garogale guluf ku heenseeya-