DAGALKII DHULIDHEER- MAJEERTEEN
Abwaan geele cumar cashuur alle haw naxariistee gabaygan soo socda wuxuu tiriyay dagaalkii dhulidheer wuxuuna yidhi isagoo ku digana qoladii laga gacan sareeyay ee majeerteen
Warka xalayto muusoow ka yimi , madaxa gaaroodi-
Ee u maqiiqnaa sdiii , mara la xooraayo-
Ee uu maydka kii soo arkiyo , maxamed noo sheegay-
Inkastuu hartiga mayl ku dumay , magacna duugoobay-
Majeerteen waa waxaan lahayn , muhindis waayeele-
Murti iyo waa waxaan majerteen lahayn , maan wax soo roga e-
Waa waxan majeerten lahayn Maaya dirireede-
Waa waxan majeerten lahayn Geesi meel gala he-
Iyadoo mulaaxeey fadhida , madaxyadii riinji-
Iyaduu madooboow ratigu , dhabida maansheeyay-
Iyadoo macaan soo bixiyo , mulufka daaqaysa-
Iyadoo maroor iyo qalooc , marinka loo joogo-
Iyadoo msukeetiga camiran , lagula meeraayo-
Iyadoo maraha loo akhriyay , amase mawliidka-
Iyadoo midkii maali jiray , maqasha soocaayo-
Malmaluuga waaberi qabsade , mudhiyo heemaale-
Midna kagama ay tagin horwayn , wixii meesha yururaaye-
Muska intay ka jeexeen xeryaha , ugu madoobeeye-
Mahiigaan u taagnaa rasaas , la is magwaashsiiye-
Gortii cabaar laysku milay miridhkii madhiinka-
ey libdhadu mayl tagtee , laysu mariwaayay-
ey muusanaabeen ragii maali jiray , geela-
Ma marsooyin soo ciidanshaa , maalin kulansiiyay-
Ma margado afdiinluhu hadii , maarkad loo rido e-
Waqaan midigta laga goyn halkay , shiishka mariyeene-
Markii rayfalkii lagu malmalay , sida madaafiicda-
Ma maraykan bay noo fileen , maqal ogaadeene-
Midhmidh miyay u yaaceen naftaan , meela kaa celine-
Laba malin dabadeed miya moosin daba joogay-
Maydka iyo dhiigii miyaa , dunida maansheeyay-
Ma mareeglihii bay qubeen , muunad laga iibshay-
Makhrib dumay miyaa lagaga hadhay , jinacle meeshiisa-
Maadhiinku ragu latagay tiro magaadh siinay-
Mudh uyaca laylkii miyay naga galen guri mareexaan-
Dharbaxoyin kan ladhacay habar majeerteen
yamaruglay miyey dhinac uyalan
Iyagoo mudagan saw ma tagin , murana dayn waayay-
Alaylehe bagaa loo makalay , midhifya gaabnaaye-
By.Abwaan geele cumar cashuur gubadle