Gabaygii BADWEYN.-Dagaalkii  Naaleeye Axmed(Dhulbahante) iyo Habar Lamaan ku dhex maray Bohola Xargaga.


Gabaygan waxa mariyey abwaan Bile Warsame  Jiidhgaale waxa uuna abwaanku kaga hadlayaa taariikho badan, oo ka dhacay dooxoyinka Nugaaleed. Dagaaladii halkaa ka dhacay oo ay ugu weyntahay dagaalkii XARGAGA ku dhex maray beelaha Naaleeye Axmed iyo Habar Lamaan( Habaryoonis iyo Habarjeclo'e) dagaalkaas oo ahaa kii labaad ee ugu dhiig daadinta badnaa Soomalida dhexdeeda marka laga yimaado kii Ogaadeen iyo Dhulbahante dhex maray. Dagaalkaas oo isna ay guushu ku raacday Dhulbahante meeshii dagaalkaasi ka dhacayna waxa la yidhaahdaa Qabri Ogaadeen taariikhdaasna waxaa qoray Sahmiyihii Ingiriiska ee dhulka Soomaalida soo gaadhay qarnigii 19aad badhtamihiisii oo ku beegan 1855kii ( John Hanning Speke). 


Balse gabaygani kama hadlayo dagaalkaa hore'e wuxuu ka hadlayaa dagaalkii Naaleeye Axmed(Dhulbahante) iyo Habar Lamaan ku dhex maray Bohola Xargaga goobtii Dhagdheer. Abwaan Bile Warsame wuxuu yidhi;

  1. Badwayn iyo ilaa jiidali bay, beerka ku hayaan

  2. Sidii bay fardaha ugu badraan, bari guntiisi 

  3. Biciido iyo sacad yoonis baan, isku beegnayne 


  1. Buurta iyo banaankaa u xad ah, labada beeloode

  2. Markay habar lamaan wax is bidee, bixiso noo keentay 

  3. Bohalaha xargaga maalintu, belalku qiiqaamay


  1. Ee rag isku beerdhigee, baarax ololaysay 

  2. Balo qaaday xoolaha kuluu, baawar dheeryahaye 

  3. Bahdiisay kaxaysaa wiqii, belowgu raacaaye 


  1. Yaaheel bilaash ugama bixin, burunjudoodii

  2. Baadariyadoodi waa mudheen, bulay ku oodnaaye

  3. Biixidii jabtiyo maalintaa, boqontii naafawday 


  1. Boogihii ma dhayan dhoolayare, gaadhay berigaaye 

  2. Ee hadaan laga baqayn, maa nugaal cadawgu soo buuxsho 

  3. Maa badhax la daro ceelashan, ay biirtu ku abaaday 


Waxa qoray; Ayaanle Maxamed Ismaaciil (Ayaanle Darwiish)