Dagaalkii Naaleeye Axmed iyo Habaryoonis 1992
Gabaygan waxa tiriyay abwaan Cabdirashid Dhal Darwiish. Wuxuuna ka mariyey dagaaladii ka dhacay gobolka Sanaag ee u dhexeeyey beelaha walaalaha ah ee Naaleeye Axmed iyo habaryonis(SNM). Dagaalkaas oo ahaa mid aad u qadhaadhaa ayaa markii dambe guushu ku raacday Beesha Naaleeye Axmed, kadib markii Habaryoonis lagu soo jabiyey dagaalkii ka dhacay Damalaxagare. Wuxuu yidhi;
Inkastoo aanan dhawr godol, murtida gaawaha u qaadan
Gocor iyo nin liitaa, gawdha waligiiye
wuu gole ka fuulaa ninkii, gabay yaqaanaaye
Wabigii ganaane ayaan ahay iyo, gacanki xaafuune
Gufaacada dabayshaan ahay iyo, gooxa dhaxameede
Aan gardaadsho maansada, anay igu galoolayde
Guluf iyo dagaal maalintay, gaydhu ololaysay
Gumucyada dayaamiyo, markuu sumucu gawleeyey
Naaleeye maguuraa colaad, guulaheen baraye
Waa niman garkaa iyo garkaa, guuyo foofsada'e
Waa niman sidii gaani bahal, giirta oo kaca'e
Waa niman goorama leh sidii, gayshashkii yurube
Waa nima gamaankiyo fardaha, gaar u daaqsada'e
Godobtooda maqan waa rag aan, galina moogayne
Taariikhda laga soo gudbiyo, gooshka iyo haatan
Gadhcadaayaddii Ciroobay iyo siduu, sheegay goxoshaagu
Waligoodba guul lagama helin, guutadaan ahaye
Ma gudboona aadmigu sidii, adhiyo geeliiye
Dadna waa gob amase waa, sab iyo laan gaabe
Ilaa maalintii Guulaheen dunida, gawdiidshay
Iyo gooshkanoo uumiyuhu, gaadhay tiro doora
Inagaa garaadada ahayn, geedka loo diro e
Waa garangarteenaa talada, gogol dhigeediiye
Gunta muuse tuurwaa miyaan, guuto lagu saarin
Cabdi xaamud goolaftan baa, looga dhigay gaare
Waligoodba waa galabsadaan, guuldariyo hoogge
Naaleeye Gadoodaa waxbuu, galalaf laayaaye
Gadhka midhisho gabiyada Cabaydh, qararka geeseeya
Garabyada Kulmiye goodiga Xamaas, guro waqooyi oo dhan
Meeshii galoolkiyo lahayd, gaxadhka dheeraaday
Caadhimidhe gunteediyo markii, la isku helay goobta
Sida halaq gadaafiyo dhibiyo, godob ka yaabaaya
Ma godbay ku dhuunteen fulaan, garasho dheerayne
Golis iyo miyaan buurihii, gurada loo saarin
Cabdalaha gariirkii ka baxay, maqal Giriigiiye
Ku garaacnay maadhiinka iyo, gumuci fiicnaaye
Urursuge gabooyahakanay, gacal wadaagaane
Gaagaabshay oo caawa waa, wada gurboodkaase
Muusa Yoonis gabanaa ka hadhay, gabi ahaantoode
Gacankii cadmeed muuse carre, gudub bedweyntiiye
Gamiinkay qabeen baa ku yidhi, geeddi baa wacane
Inkastooy yuhuud goobayeen,gaalo lagu eerto
Waa gaadhiwaayeen lug baan, gaadhi kuu noqone
Magan-gale Sanciyo dawladii, loo golayn jiraye
Garaw bay ka quutaan anfaco, labada gooroode
Jaarsada garaabaysatiyo oromo, gaagaaban
Gudob biirsi iyo ciise iyo, garabo soo hiishay
Gidigiiba iidoor markuu herar, ka soo gaasay
Iyagoo galbeed iyo ka yimid, sud iyo Gaaroodi
Iyagoo gargoorkiyo ka badan, geedihiyo maadha
Boqol gaban rag aan gaadhin, baa gaabshay oo dilaye
Geed adaygi caataa ka helay, libinti goobeede
Waatay sidii cawl la ganay, guban u yaaceene
Afartaa ga'dii samatar iyo, gabaygi Maaweel dheh
Isaga gardaadayn yiqiin, tix iyo geeraare
Siciid qamax godkuu degi jiriyo, godol naqiisii dheh
Golos iyo ismaaciil markay, golaha joogaan dheh
Afarkalena waa gaardiye aan soo, gadaal celiyo
Giiramaha jirtada kaydiyo, galiya sooyaalka
Ganbo dumar miyaan loogu xidhay, gagidi ceeldheere
Baacsiga garmaamada miyaan, guban la waydaarin
Geediga ma laasimo ninkay, gaajo lagadaaye
Guuraha habeenimo miyaan, fayfle lagu gaadhin
Waagoo guduud xiga miyaan, gaade lagu saarin
Fadhigaab miyaan kaymihii, layga wada guurin
Gacal baynu nahay saw raggii, kuma guraabaasin
Abti gamaska iga dhawr miyaan, hadal ku soo gaaban
Gunta uma naxnee saw anana, uma calool giijin
Kaljinaabo guurtida miyaan, lagu gumadaynin
Garmaqaate awlaxa miyaan, cumar ku googaynin?
Harafood gadiidkii miyaan, gudiri loo loogin
Miyaan goonjigiisii dhurwaa, gigin cismaan dheere
Gororkiisa dhiigii miyaan, galal la moodaynin
Gurmad taama qaariga miyaan, laga go'doonsiinin
Gasiin iyo anfaaciba miyaan, gawska laga dhaarin
Goof iyo miyaan ceel afwayn, wiiradu is gaadhin
Na gumaade'eey miyaan, guuxu noqon waayin
Naga gaadha'eey miyaan, gabadhuhu uugaamin
Geesaaska mooyee miyaan, hadalkii soo gaaban
Ugu guntada xabaalaha miyaan, la isku guubaabin
Miyaan maydku geedaha dul marin, dhiraha gaagaaban
Gorgorkiyo miyaan haadka qaday, gorodo waynaanin
Hitlarkii adduunyada ganbiyay gaaliyo islaamba
Ma gaduu yuhuud kula kacaa, bohol la gaadhsiiyay?
Gaadaafooyinkaygii miyaa, lala gubtaanyooday
Ma gawaadhi baa laga dalacay, gabano loo aayay
Mana gaadno reeraha sidii, gocorka iidoore
Iyagoo guntiga laalayoo, guluf u qaashaartay
Gildhigaanka faransiis miyaa, lagu unuun gooyay
Na gargaara Hawiyoow miyaan, geedka lala fuulin
Xaabooyin subixii la galay, geeri baa timiye
Guunyada ragii waday miyaan, gacanta loo qaadin
Waxay geel lahaayeen miyaan, golaha loo diidin
Sida kayn dab galay baa, maalin loo gubaye
Ilamaa goldheeraan ku tagay, geenyadaan wadaye
Gariyaad waxaa looga qaxi, guuto weerara'e
Banankii gar adag wiilal, baa galiyay duulaane
Waxba gabaygu yuu ila gudbine, waxan ku soo gaabshay
Miyaan nala giriifaa rag, baa goodi jabiyaaye!
Diyaarintii iyo Qoristii: Ayaanle Maxamed Ismaaciil ( Ayaanle Darwiish )