HAYA BARI

Gabaygan waxa tiriyey Abwaankii weynaa ee reer Jiidaliyeedka ahaa abwaan Maxamed Aadan Maaweel waxa uuna abwaanku gabaygan ka hadlayaa dagaalkii haye bari iyo jabkii beesha Isaaq kasoo gaadhay dagaalkaa sidoo kale waxa uu abwaanku gabayga ku xusayaa guulihii iyo libintii ay beesha Dhulbahante ka gaadhay dagaalka Haya Bari 

Waxa uu yidhi Abwaanku; 

  1.  Indhawayto waa taanan deyin deelaydii gabaye

  2.  Dahrigayga waa tii aan ka jaray dihashadiisiiye

  3.  Daraan mariyey waa in aan murtida laga diraacoone


  1.  Waa tii aan dihnaan jiray sidii laas daroorimaye

  2.  Daadkuba dixda iyo dooxaduu dulun dulceeyaaye

  3.  Mar hadii aan dabuubtiisa helo ama dariiqiisa


  1.  Oo ay diiradu ii saaran tahay diidi ma aqaane

  2.  Hala diirsadee ararta maan idinku deeqsiiyo

  3.  Axmadow dareen baa ka yimid doolo iyo hawde


  1.  Isagoo dirayskii sitaa oo duni iyo shaal iidleh

  2.  Oo dunayadii yarayd daran u hoos jiifa

  3.  Diracii Ismaaciil markii talada loo dooxay


  1.  Oo waliba dood liidata iyo digasho loo raacshay

  2.  Laye deyro dhaafkii tolkii waa dagaalamaye

  3.  Dusha qararo damashii haye iyo ilaha daahyaale


  4.  Reerkii dalkaas lagu ogaa duulaan soo kiciye 

  5.  Ma daahine diyaarsade hubkii duhur dharaareede

  6.  Derbaha gawlalaale iyo yamays duuda yucuboole


  1.  Dusha baalidhaye sebenka waa la isku duudsiyaye

  2.  Daraawiish ordaysaa gashay iyo duubcadii beriye

  3.  Difaac iyo markii weerarkii lagu dayeysiiyey

 

  1.  Keymaha diqowga leh markii ay digadu yeedhaysay

  2.  Ma dirgane sidoodii baqay daba jeedsheene

  3.  Dal jiirkooda ruuxii ogaa daawashow dhimaye

 

  1.  Nin Dhulbahante daandaansadaa waa ducfiyayeeye

  2.  Duli baa ku dhaca reerka ay dacarta saaraane

  3.  Ina kaahin wuxuu daalibay oo doonayn buu helaye

 

  1.  Reer Yusuf meel lagu dusiyo daaqad baa maqane

  2.  Dildilaha ku yaal Adan iyo daahir iyo yeesif

  3.  Dadku waxuu ka sheekaynayaa waayo dabadoode

 

  1.  Afartaa af lama daaliyee ma idin daaqsiiyey

  2.  Rag baa xarafka kala dooriyee ee dirato mawsheegay

  3.  Irmaan jaro danbeetiyo qaar ma isku soo daabay

 

  1.  Ma dawaarshay maansada anaan idinku deelqaafin

  2.  Mar hadaan dingiigsado golaha laga damaadshaadye

  3.  Dananka iyo goohaygii waa darab arooryaade

 

  1.  Daluunta iyo sidii wiida iyo digaxa maan yeedho

  2.  Oo maan dadweynaha salaan dabacsan gaadhsiiyo

  3.  Doonyahu ma dhoofaan hadaan diirad loo sidine

 

  1.  Dabaqayda iyo foolkuba waa dajinayaane

  2.  Duufaanka waa laga qarshaa dirirka cawleede

  3.  Mar uun baa sidii dogob xoribay dakhalku liicaye

 

  1.  Hadii awr dibood badan dibadaha u hoydo

  2.  Dabarka iyo hogaanka iyo hadii deyrku qaban waayo

  3.  Keymaga dugaaga leh hadii daayin ku abaado

 

  1.  Mar uunbaa libaaxyada dibjiray kaga digsiiyaane

  2.  Haday naagi dowraari tahay oo diiday gurigeeda

  3.  Daryeelka reerka koobane haday dumiso geeskeeda

 

  1.  Nin keedii dalaaladay haday damac ka weydayso

  2.  Mar uunbaa dalaaqda dadoow lagu daweeyaaye

  3.  Nin dabeecadiisu xuntahay diina kula haysta

 

  1.  Oo diirka kaa shaabaha oo duulal kale sheegtay

  2.  Hadii aad dadaal iyo wanaag daacad kaga weydo

  3.  Markaad daxan daxaysaba haduu dacar ku leefsiiyo

 

  1.  Mar uun baa dubuhu ugu dhacaa si aan la doonayne

  2.  Alla dakharku weynaa ninkii dilane yeelkiise

  3.  Danbigaad gasheen habarjeclooy waa da'weyn yahaye

  4.  Wax baad duudka ku xanbaarataan ceeb dandaan lege

 

  1.  Meeshii dulaydiyo sula baan kuu darbi ahaaye

  2.  Sidii wiil duqii dhalay baan daadah ku lahaaye

  3.  Damiin baan ahaa maanta iyo dalan dalkaygiiye

 

  1.  Ducaan kaa mudnaa iyo xamdi aad nala dul joogteene

  2.  Inaad aniga ii duur xushaan dib uma eegayne

  3.  Haad kuma degdego aar oo daacurtii qabo'e

 

  1.  Hadaad doobnimo is taawiseen baan dablaan ahaye

  2.  U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude

  3.  Idinkoo dagaan wacan helay oo duunyo badan yeeshay

 

  1.  Oo daramal iyo muusiko iyo danish tumanaya

  2.  a

  3.  Adoo meel daruuraha u dhow danan ka dheelaaya

  4.  Oo nabad ku daaqaa iidoor daasad kuu tumaye

 

  1.  Doqontuna amaan aynaan lahayn waa ku dararataaye

  2.  Dibindaabyo idin haysa baad darayo moodeene

  3.  Dabin baad lugaha kula dhacdeen daadsan oo adage

 

  1.  Deelaha qadhaadh iyo shiil baad daanka geliseene

  2.  Daluun malag iyo shoolad baad dalaq tidhaahdeene

  3.  U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude

 

  1.  Dirirna waa ka joog amase daacad u ahow'e

  2.  Ceel ku dahaya duul kuu tashaday dad aan ku daynin

  3.  Hadii uu dagaal kugu qabsaday didib adoo jooga

 

  1.  Buntukhu dilaagiisu jabay shiishku dabarkiiye

  2.  danbaas yaalka iyo hootada baa igala doodeene

  3.  Markan isku kiin darana waa kaa dal qumisaaye

 

  1.  Sahan baas idinkoo fuushan baad dega tidhaahdeene

  2.  Dabay yaale baa idiin martay iyo diilin karimeede

  3.  U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude

 

  1.  Hadii uu doobi buuxsamo in uu daato waw halise

  2.  Naf bariiqadeedii gashay baan hadal dariiqeyne

  3.  Waxuu gabay daldalay Adan-Carab waa idiin digaye

 

  1.  Maansadan la doondoonayoo haatan lagu daatay

  2.  Dahab bay ku miisaan tahay amase doolaare

  3.  Aan is dayno aan wada degno iyo aan isku duubnaano

 

  1.  Duqayda iyo xeerbeegtidii dalan kaclaynaysay

  2.  Iyo dooyadii dhowrka sano idinla duucaysay

  3.  Intaasaad shirkii kaga dudeen waagii dalinweyne

 

  1.  Anigana dakanadii horaa laygu dowgalaye

  2.  Marna hadaan waxaan kugu dugsado kugu dareemaynin

  3.  Oo aan kugu diirsanayn dunida hoosteeda

 

  1.  In aan daaqsin geel kuu jirsado door anigaa bidaye

  2.  Malaa Dirir-dhabaad sahan sateen oo dookh idiin galaye

  3.  Daafeed u kaca meel fog oo durugsan weeyaane

 

  1.  Afartaa af lama daaliyee ma idin daaqsiiyey

  2.  Rag baa xarafka kala dooriyee ee dirato mawsheegay

  3.  Irmaan jaro danbeetiyo qaar ma isku soo daabay

 

  1.  Ma dawaarshay maansada anaan idinku deelqaafin 

  2.  Mar hadaan dingiigsado golaha laga damaadshaadye

  3.  Dananka iyo goohaygii waa darab arooryaade

 

  1.  Daluunta iyo sidii wiida iyo digaxa maan yeedho

  2.  Oo maan dadweynaha salaan dabacsan gaadhsiiyo

  3.  Waxba yaan dalxiis idinku marin dhul aan la gaadhayne

 

  1.  waxba yaan idiin di'in sidii doogsii galabeede

  2.  Waxba yaan dabayl caafimaad idinku soo dayne

  3.  Waxba yaan durduurta idin odhan malabka doocane

 

  1.  Waxba yey tixdaan duubayaa dacalo dheeraane

  2.  Dulucdayda meeshan la rabo waan u daadagiye

  3.  Darandoori loo riday madfaca waan diyaarsdaye

 

  1.  War doodiga sulaaxu way ducufka Iidoore

  2.  Hal maqaarka diidani salkay dalalaglesaaye

  3.  Dunkana waxay ku beegtaa halkuu deebku leeyahaye 

 

  1.  Misna waxa danuunucu ugu jiraa dihashadiisiye

  2.  Dala haysataa iyo si kale wax u dabartaaba

  3.  Waxaad dunida kaga qayb gashaan shay dacaayad ah'e

 

  1.  Carab dalab leh iyo uur la dabo daanyeer dhaqankiye

  2.  Inkastaad damiin raadisaan dayri baan dhalaye

  3.  Dilaal iyo malaal baa indhaha daan idiin sudhaye 

 

  1.  Halka meesha laga doonayaa idinka diimoone

  2.  Waxaa dowlad la mucaaridaa dood siyaasi'e

  3.  Haday durugto sheekadu talaa laga dulgeeyaa

 

  1.  Daakhiliga kaa eexda waa laga dacwoodaaye

  2.  Dila iyo tola'ayeey wax garad kuma dareeraane

  3.  Soomaali oo la isku dilay waa damiinimo'e

 

  1.  Distoorkay ka xaaransan tahay dayina maysaane

  2.  Daarood derajadii u furay oo uu diiday in uu haysto

  3.  Oo uu hawiye dayriyey oo dibada loo tuuray

 

  1.  Oo qaran ku duulaayey baad xalay dumaasheene

  2.  Dugsi iyo rag ina aadani ha iska daaleene

  3.  Dalagna lacagta ha iskaga gurteen dhidid la'aanede

 

  1.  In aad calanka dacal jeexataan diide reer bariye

  2.  Doondoonistii hore baan diiq ku soo helaye

  3.  Diirka toban malyuun buu qabaa duulka aan ahaye

 

  1.  Waxii deeble geel iyo rag iyo dirir na soo gaadhay

  2.  Dugaanyadii shalay nugaal dacalka jiidhaysay

  3.  Oo sida dayaxa aadanahu dowmada u eegay

 

  1.  Oo sheekhu duubka u gashaday waa daqiiqaha'e

  2.  Dooxooyinkii beerdhiga bey ugu danbeeyeene

  3.  Daliil iyo Taleex baa lafahii duxayey yaalaane

 

  1.  Dingaraaradii waan qabnaa daarta jiidaliye

  2.  Sidii baan dagaha ugu sitaa koofil dabasiide

  3.  Adna dagantidaydaad kufriga daga lahaydeene

 

  1.  Dal yaqaanka idinkow ahaa Doora-Weynaha'e

  2.  Daraydii Jidbaale baa Iidoor nagu duleedsheene

  3.  Kolay duulkaleto tahay iyo idinka duulkiina

 

  1.  Cidna kulama daaweynsan karo duni Buluuglay'e

  2.  Wey idin dardaar warinayaa ducufsi yeelkiise

  3.  Dhulkoo doogan dunidoo nimca dalagyadoo rooban

 

  1.  Waxaan daarad waysha uga qalay uguna daynwaayey

  2.  Oo ugu dirqiyey waa in uu dib ugu quustaaye

  3.  Hadii aan daboolkii dhagaha daamur idin awdin

 

  1.  Ama aan indhuhu daahsanayn aragna diiqoobin

  2.  Ama aan damiirka iyo xuskii idin dareen goynin

  3.  Malahayga daris qaadate ee galiya diiwaanka

  4.  Hadii kale waxii danabsan iyo dooga bal aan dhawro


Waxa qoray: Ayaanle Maxamed Ismaaciil ( Ayaanle Darwiish)