Gabaygii Badweyn

Abwaan Bile Warsame Jiidhgaale

  1. badwayn iyo ilaa jiidali bay beerka ku hayaan 

  2. sidii bay fardaha ugu badraan bari guntiisi 

  3. biciido iyo sacad yoonis baan isku beegnayne 


  1. buurtiyo banaanka u xad ah labada beelood 

  2. markay habar lamaan wax is bidee bixiso noo keentay 

  3. bohalaha xargaga maalintu belalkı duulaayey 


  1. ee rag isku beerdhigee baarax ololaysay 

  2. balo qaaday xoolaha kuluı power dheeryahaye 

  3. bahdiise kay kaxaysaa wiqii belowgu raacaaye 


  1. yaaheel bilaash ugama bishin burunjudoodii

  2. baadariyadoodi waa mudheen bulay ku oodna 

  3. biixidii jabtiyo maalintaa boqontii naafawday 


  1. boogihii ma dhayan dhoolayare gaadhay berigaa 

  2. ee hadaan laga baqayn maa nugaal cadawgu soo buuxsho 

  3. maa badhax la daro ceelashan ay biirtu ku abaaday 

Diyaarintii iyo Qoristii: Ayaanle Maxamed Ismaaciil ( Ayaanle Darwiish )