AADAN CARAB-HAYA BARI
Adaan carab dagaalkii haye marku ku guulaystay ayuu gabay lib ah ka tiriyey geed wayn oo ku dhex, yaala magalada haye oo uu subaxda qabsaday wuxuu xasuusinaya darawiish kahor say uciqabi jireen waxaa kalo uu leeyahay maxamuud daalin oday ladhaho oo habarjeclo ugu da’ Wayna xiliga inay waydiyan dhalinyaradu sidii dhulbahabte ugumaysan jiray xiliga habarjeclo iyo isaaq
Codkiisu bogta aar haduu coodin loogsado.e
Habeenku cashada deeqda helo camal higood kiisa
Cartan kiyo jibaadkad wuxuu cunay ogaataaye
Aniguna caraad baan aqaan caaawa oo kale e
Cuudkii iyo hadan goobtii qabsaday ame aan
ciqaab iyo kudhigay camale shaydan
Warkuba haw cadaade balmaan caalamka usheego
Inkastanan curadba baw ahayn inaan Canaan qaado
Colkoo duullan maalintii hadii la.icaleen saaray
Cimrigiisu nimu dheeryaho caarifan ahaye
Waa lagu casili baan is idhi caanna waa tahaye
Caqligaan kafiirsaday Tashiga kii ucidhib roone
Waxba nolasha lama caabude ceebta ma ilaashay
Mar haddaanan caafiyo dabiyo ciidan tabaneynin
Casar iyo inaan duhur wax galo caaryan bidaye
Wa caado tuug galab inaan ceelka weeraro.e
Ma cadceeda oo soo baxdaan cudud idiin sheegtay
Cadadkeeda guutada miya asamada caad fuulay
Ciiro iyo habas qudha miyey dunidu cawllaatay
Marki Caara dhuubtiyo la.riday seben cabaadaya
Shinbiraha cidoodiyo jugtii fule ma cayntaaray
Ma caraystay qaar aan dhulkaba cagaha saaraynin
Geesiga dagaalka u cinbada ciidho ma utoogtay
Cirka Lama marshee shiishka hoos mawgu wada ciirshay
Maku culay bundukhu dhawr gu buu naga cabays naaye
Walaa culimo shiikh caalimiyo caamiyiyo naafo
Midna looma caaline sidii cawsha ma useennay
Cayddiga malaynee nin raga caymo ma udiidnay
Cuqlu waalid waa ubadka kaan waalidkii cisayne
Caanihii hablahayaga kuwii soo cabbaye nuugay
Ee lagu canqariya iblays soo cawaan sadaye
Iyaga cashiirada nabaray loo cadiig sade.e
Casabiyo miyaa garashadii lagu caqiibeeyey
Nin kasto calaacalay miyaan ugu calool daacay
Waxbadan baa kufrigu caawimay nagu cadaad sheene
Ingiriis carow waanatii cawga loo jaraye
Ma cidlaan ka helay gaalo aan loogu cabanayn
Waa taan cadaadaye timihi iga ciroobeene
Kumana caar guduudayn xinna lagu caseeyaaye
Sida ciisihii hore miyaan dhiigga ku cillaantay
Haye waa carada ay dhawaan nagu cidhiidhyeene
Caasimada hawd buu noqdiyo cadan yartoodiiye
isagoo camiran baa dorraad laygu caasiyaye
Kun calaamad laan soo dul dhigay oo cadaawe ahe
Bal inay cawaan wuxu yihiin mala caruureed leh
Dhar cagaaran iyo mood wixii sabada ceegaagay
Ilaa cadayna kama qaadannine ways cajabiyeene
Carwaan mooday subixii waxay nooga carareene
Ma ku carannay awrtuba dhirtay caasha marisaaye
Gob baa culuse nabadduu tolkey ku can_labeebaabey
Waa taad intaad caasideen cunaha taagteene
Intaan duul indhaha kor u callaqay hoos u soo celiyey
Ee aan cidaadaha ka dhigay soona cigan wayday
Cilmi iyo rag taariikhle oo caana baa furiye
Cali daallin iyo baq nagaran coobirka isaaqe
Cashuun baan jebsha habarjeclooy reer cantar ahaaye
Haddaan maanta calankii qabsaday ceelka laga taagay
Cajilada naloo soo diraa cunuggu keenaaye
In caddaalad sheekadu gashaan kaa codsanayaaye
Carrabkii qoyani waa hadlaa hay canjarafayne
Afarta cayaaraha libtiyo ka cokonaantii dheh
Cumar iyo markay samatar gabay nagu casuumaan dheh
Cawl iyo gugoo cirir kujira curashadiisi dheh
Bal aan waliba kama caajisine caarada usooho
Casawiirta nimankii laha boqolka cayncayna
Ee idin cadaabaye bannaan idinka cayn taarshey
Jeerey wadaad caabudeen cuqubadiiniiya
Waa taad cagaaggiyo kuraha ku cadibnaydeene
Ee aad sangaha cal iyo buur kaga carceerteene
Carriskaba shalaan idin tusaad ciir ku lulateene
Nabsaa curiyey ciid iyo nugaal inaad ku cayshtaane
Canjilkan iyo sinaan taniba waa cawri aadmiye
Imminkana fufkii baa soo cigtay oo soo cawaal baxaye
Marka inaan ciqaabtiyo dhibkii dib u cusbooneeyo
Yaa faras cammuudda ka badan loo carbinayaaye
Geeli casabadaynu nahay loo cosobinayey
Ma cillaan bidooliyo baddaad caano kaga maalin
Afarta cayaaraha libtiyo ka cokonaantii dheh
Cumar iyo markay samatar gabay nagu casuumaan dheh
Cawl iyo gugoo cirir kujira curashadiisi dheh
Bal aan waliba kama caajisine caarada usooho
Cabdi maahir jeeskii dhalee coodan laba qaatay
Cibraan iyo sabuurkaan lahaa cuna tigaaddiinna
Iyo labada caaqan korshaye cudurka beeraaya
Waxba yaan cabaarayn dar aan ciidanba ahayne
Reer daahir ciid kuma sugayn caydhadii shalaye
Caarootigii subaxnimay na cilcileeyeene
Goortaan carcooriga hadhkii dirir cusbooneeyey
Waa Tay calfii iyo qubeen kaba carrbeedkiiye
Celiyaay da fiigaha miyaa caato nagu reebtay
Ma cabiiidshay ina kaahin baa loo cimaamadaye
Cawadaye anoo nool haddaan calaftidaa gaadhay
Marka soo cimraysi iyo xajkii u citiqaad maaha