Silsiladii shaxda


Sidaynu horeba usoo sheegnay sanadihii lixdamaadkii ayay silsiladani ka qaraxday degmada buuhoodle ee gobolka cayn. Waxaana u dhaxaysay abwaan caana ahaa ee reer ciideed cumar cigaal iyo aadan carab iyo laba kooxood oo la kala safnaa. Silsiladani waxay ku bilaabatay gabay uu tiriyay allah haw naxariistii abwaankii waynaa Axmed Dirir Nuur Aadan.


Axmed dirir wuxuu ahaa nin aan cidna kala xishoon hadalka wax kasta oo umuuqdana liishaanka udaruura. gabaygaas uu tiriyay waa gabaygii caanka noqday in badanoo soomaalida kamid ahna ay taqaano. Maahmaahna noqday waa gabaygii la magac baxay ( Eerigoo ) Axmed dirir gabayga dhexdiisa ayuu ku magac dhabay aadan carab oo ay ilmaadeer ahaayeen uu islahaa inna wuu kuu garaabayaa. Wuxuu yidhi ahmed dirir

  1. Amarkii ilaah iyo wakhtigu waa wax kaa adage

  2. Nin anbaday halkuu aaday way ula ekoonayde

  3. Anigoo arkaayaan wadada eerigoo maraye

  4. Abtirsiima baas baa ihoday aadan caraboowe

  5. Maantaan aduunyada baxshaan inanta doonaayay

  6. Usha dheer markaan geelayaga ugubka soocaayay

  7. Abeerka iyo qaalmaha markaan u intihoon waayay

  8. Ebyoon iyo markaan miiganoo oloshey laameeyay

  9. Arinkaa iseegaya hadaan uumiyaha baadho

  10. Aan ibirar iyo tuuryar iyo aado gacal muuse

  11. Dadkaa uurfanaaga ah hadaan adhi jir waydiisto

  12. Ama reerahaan soo ag maray aanan ka ilduufin

  13. Idahayga iyo naylahaan edeg wadaageene

  14. Isla joog baraarliyo wan wayn ma arki waayeene

  15. Wixii kale illaawaye hadaan aqalka lay daadin

  16. Oo awr aan gaadiid ceshado la i amaaneeyo

  17. Alxamdulillaah mooyee wax kale maba idhaahdeene

  18. Abaar caanoliyo ceelow waa meel agteena ahe

  19. Isha docolley udubkii ku jiray kalama aadeene

  20. Nin amaano neceb baan ahoo iguma aameene

  21. Ayaan iyo wixii labo ka badan eregto waa ceebe

  22. Malaa iimey duul qabanayay nagu ogaadeene

  23. Waxse oyda gabadh aaba loo ehel umuuqdaaye

  24. Agoonimadu waa waxa cidlada loogu awdalaye

  25. Anigana asali bay dorraad igaga iibsheene

(Ahmed dirir)

Kolkii uu Axmed gabaygan tiriyay ayaa loo sheegay aadan carab gabaygan maaga iyo dhaleecaynta isugu jira aadan wuxu ahaa aftahan dabin ka bood ah wuxuuna axmed ku eedeeyay Nin ka shaqaynaya dhib iyo isku dirka dadka tolka ah dhexdoodana ka oogaya dab wuxuuna leeyahay anoo ina adeerka ah hadaan maanta kugu raaco cayda iyo maagan sow dhibkii ka yimaadana halkaas aniga lay qabsan maayo maadaama aan ahay nin magac iyo muunadba deegaanka ku dhex leh wuxu yiri aadan Ahun 


  1. Axmedoow ikhyaar iyo ninkii oday la moodaayo

  2. Ee xaajadii oodantiyo ururka loo doono

  3. Ama shay ammaarada khalqiga kaga ammuuraysan

  4. Ama yuu ahaanbee filkii kaga abbaaraaday

  5. Waa inuu ilaashaa waxaan lagu amaanayne

  6. Durba inaad arooskii cusbaa gabay ka aasaastay

  7. Ood gabadh yaroo udub cadiyo ugubkii ceebaysay

  8. Aad eerigoo baan ka dhacay arartu kaa jiidhay

  9. Aartiiga iyo taarku keen oogo iyo ciide

  10. Waa la asturaa xidid haduu iinba leeyahay

  11. Teer iyo ismaaciil intaad xidid idaacaysay 

  12. Uurjiif ha moodine ninkani waa abwaan jiraye

  13. Maantana halkaad ka iltaqiin oonku kuu qabaye

  14. Dadkoo ehela uunkoo hurdoo kala asluubaysan

  15. Sow balo ninkii ibo baxshaa ehelu naar maaha


  1. Anse inuu isaayo igu yahay magacan eediisu

  2. Aan ina adeerkaana ahay aano qabanayso

  3. Aad aarka kaa haw dileen igu astaynayso

  4. Aad gaaddan raadcada anfiya ii aslaxanayso

  5. Aad orodka qaylada danbana iila iman doonto

  6. Waan ku arkayaa waxaad is tidhi sii alaab tumo,e

  7. Ma adeenti iyo raad gadbaa aadan carabowdu

  8. Maanaa ahbala yeedhu waa uubta soo galiye

  9. Waxaan ahay idaarada dalkaba eeg la leeyahaye

  10. Amnigiyo istaafkaan qornahay oo axdaan maraye

  11. Maanaa la ii eersadaa nabadan loo aayay

  12. Maanaa iblays noqonayoo belo aloosaaya

  13. Maanaa dabbaad ololisaye kula afuufaaya

  14. Kolse haddaanan kuu iibinayn eexo dhinacayga

  15. Guuleedku abidkiiba waa duul asal ahaaye

  16. Odhana maayo waa lagu anbaday reer ileeyaha,e

  17. Nin ilaalo badan baa kuwaa soo ardaa dhiga,e

  18. Bal inay ijiyo raas yihiin uunku wada doortay

  19. Waakaa ugaaskeeni dagay ila xidhkoodiiye

  20. Meel baanse eelka udaniyay uurka fahankiiye

  21. Iyadoo aloostu udhan tahay igadh haduu diido

  22. Aar fuul maqaarkuu kob uun ka ursanaayaaye

  23. Oorida xageedaad malaa eebadaw ridiye

  24. Isagoo ummiya wiil haduu inan ku liibaano

  25. Ragba inuu asaageed heluu ku arin seegaaye

  26. Guurkii horaad ku il heshood u alwanaysaaye

  27. Naagaba ogow waxaad is tiri waa abshiro xooshe

  28. Tanna maba aqaan jeer danboon axadho mooyaane

  29. Laakiinse aadkaba haday urursanaan waydo

  30. Iidaamo labadoodu waa ul iyo diirkeede

(Aadan carab)


Intaaa markuu aadan tiriyay oo axmed dirir lasoo gaadhsiiyay axmed wuxu tiriyay gabay aan ka hayo sadex meeris  wuxuna yiri 

  1. Nin haduu mar laaluushka cuno waa libaax bariye

  2. Durba lahatay oo meel kalay kaaga lulayaane

  3. Libta uun kusiiyaye ragbaa iiga kaa ladane

(Ahmed Dirir)


Halkaas sheekadu kolkay maraysay waxaa maqlay gabaygii aadan carab abwaankii waynaa cumar cigaal wuxuu aad uga xumaaday jawaabtuu aadan bixiyay. Wuxuuna yidhi

  1. Axmedkaad bushiday aadanoow kuguma beegnayne

  2. Beryay wada dhasheen aabbahaa kaad uba, aysaaye

  3. Cali, garina waa kuugu bogay kuuna baal galiye

  4. Inaad xididka kala baaridaa kugu banaanayde

  5. Adigoon gartii baadhin baad bogatay liishaane

  6. Beeldaajiyaan kugu waday iyo boqorkii reeraaye

  7. Bahdilaa inaad tahay warbaa iiga kaa baxaye

  8. Markaan nimanka buuraha ceshaday baadil fahansiiyay

  9. Barbaartooda iyo lookalladu ways ballamiyeene

  10. Sidaan baarcaddoodii jaraa lay birdhiifsadye

  11. Waliba buufna waa igu dileen beesha reer caliye

  12. Nin walaalkii boqon goynayaa waa berri ujooge

  13. Bogsan maayo reer hagar nimay bah isku raacaane

  14. Buruudkooda wiil qaradleh baa bi,iya maantaase

  15. Waligiinba beeshiinna waad badhi furayseene

  16. Hadday boqol nin igu soo kacdoo la igu boobaayo

  17. Burmad iyo haddaan aadan carab booqasho udoonto

  18. Alleylehe anaa bedaw ahaan biidna garanayne

(Cumar Cigaal)


Markuu cumar gabaygaas tiriyay buu aadan dhagaystay si aadana waa uu uga cadhooday isagoo aaminsanaa cid gabay kula tartami kartaa inaysan soomaaliba ka dhalan cali dhuux dabadii ayuu wuxu tiriyay gabaygan hanjabaada ah wuxu yidhi

  1. Ma beddalo ninkii gabay yaqaan xaraf bilawnaaye

  2. Hadba beydka kii hore maruu budul ku raacaaye

  3. Beyd gaabka waa lagu yaqaan booddo dheerida,e

  4. Mar haddaadan maansada binayn baabka  soconaaaya

  5. Waa inaad adaa barad noqdaye laga boqoolsiine

  6. Ba,da uga tallaab alifku waa baadi doon xumo,e

  7. Meeshii haddii laga beddalay baanisadu joogtay

  8. Aniguna halkaad ula baxdaan kaala boodh kicine

  9. Bal aan caawa baas lagu dhintiyo rido biriigaanka

  10. Wax bogliyo wax beerliyo nimaan beeso dacas haysan

  11. Oo boqol ka jecel wiilka curad biimana ujooga

  12. Inuu dunida boob ugu tashaa waw bannaan tahaye

  13. Goortaan xigaalkan isku ba,ay boon ukala qaaday

  14. Aan idhi baqtii ololku yuu baadka weyn tagine

  15. Bar ma dhibine qodob baa ku baxay show betarigiiye

  16. Gaadhiga bireegga la, miyaa igula kaa baydhay

  17. Bal maxaan ku baaqdaye tolkay badhi furkiisiiya

  18. Boqor iyo hadaad ii tiqiin aniga beeldaaje

  19. Immikana halkaan buuxiyiyo booski inaan joogo

  20. Aan ficilo wiil iga badshaa bari kasoo toosin

  21. Aan gabadh bilaashiyo anfoco boholyow ii haynin

  22. Oo aan tuug baytintina baadifad uqaadan

  23. Been sheegi maayee run waa igu billaahaaye

  24. Adigaaba baaho udhexmaray beri xigaalkeene

  25. Ballan qaadis ina nuurna waa kaa birdhiifsadaye

  26. Bigjarkaan ku eegaa calool boolatiig galaye

  27. Inkastaan beryahan kugu ogaa baadilkiyo maagga

  28. Kolna baarlamaanka isma odhan waw baxsanayaaye

  29. Raggan baassaboorka leh amaan beensilkaba haysan

  30. Iyo aadan oy beddan tahay buuninamdiisu

  31. Waa bixiso cumaroow waxaad ugu badheedhaaye

  32. Baaruudu goortay indhaha baalka sare leefto 

  33. wallee inaad biyoow odhan afkana badhax ku qoyn waayin

(Aadan Carab)


Kadib markii uu cumar cigaal gabayga ku weeraray aadan carab isagoo axmed dirir garab siinaya aadana uu tiriyay gabaygii jawaabta ahaa ee hanjabaadda ubadnaa allah haw wada naxariistee cumar cigaal kumuu joogsan gabaygaas isla markiiba jawaab ayuu ka bixiyay wuxu yidhi


  1. Ingiriis beryuu dunida cunay baadda loo guraye

  2. In bandiiraddiisii la gubo baabka kuma hayne

  3. Isagoon barqoba toosin baa buun kusoo dhacaye

  4. Soomaali baahdaa qabsaday berandayaashiiye

  5. Nimankii bustaanada xabsiga wada biyeynaayay

  6. Baray minister bay wada noqdeen baashe iyo kiine

  7. Banka waxay ku tamashlaynayaan beyllan iyo jiibe

  8. In aduunyo boob lagu helay bedawdu mooddaaye

  9. Sida eebbahay wax ubaxshaa waw bannaan tahaye


  1. Sayid maxammed waatuu wax bulay beri dhexaadkiiye

  2. Waatii berbera looga qaxay bad iyo xeebaale

  3. Goortii wakhtigii buuxsamaa gaal ku baashadaye

  4. In aduunyo boob lagu helay bedawdu mooddaaye

  5. Sida eebbahay wax u baxshaa waw bannaan tahaye


  1. Labo uur kasoo wada baxdaa beyddi kala roone

  2. Ninbaa boqol halaad iyo caruur lagu bantookhaaye

  3. Ninbaan ubadka lagu beerahayn baatir tuu qabaye

  4. Bakhtina waa udhaw yahay inuu beer yaroobana,e

  5. Barwaaqo looma waayine khalqigaa laysku barayaaye

  6. In aduunyo boob lagu helay bedawdu mooddaaye

  7. Sida eebbahay wax u baxshaa waw bannaan tahaye


  1. Balli calanle geed laga hadhsado waa bidhaan arage

  2. Bilcilkaan aqiil labi calaan waa ban diiradahe

  3. Bishan iyo bisheedaba aduun ways beddalayaaye

  4. Ba,da gabay siduu aadan carab baawar ugu haystay

  5. Oo aan nin baal dhigan karaa beladka baw joogin

  6. Ayay wiilal soo wada bexeen baarashuudihiye

  7. Laga badi af soomaaligii loona baqan waaye

  8. Ninkii baarlamaanaba berraa la arki doonaaye


(Cumar Cigaal)


Gabaygaas kolkuu Cumar Cigaal so halgaaday aadan uma kaadinee jawaab buu soo qaddimay isna isagoo qodobadii cumar ka hadlay uwada qiraya garowshiimana ka bixiyay illaa hal qodob maahane kaasoo ah in aysan jirin rag isaga isku taagi kara oo suugaan yahamiin ah wuxuna tiriyay gabaygan oo aadka uqiimaha badan wuxuuna yidhi


  1. Dhulkoo boodhle inuu eebbahay baraha roob keeno

  2. Oo uu nabaad buuxiyiyo bilic kasoo saaro

  3. Uu beerahoo laga samriyo baadka soo celiyo

  4. Uu kaybo baar qaris ahaa haatan ban udoorshey

  5. Uu bacad ka dhigay aayahay boga ka foofaysay

  6. Aan geed bilcila loo aqoon bogox wixii jiifay

  7. Aan toomihii bari lahayn baarqab wuxu laaco

  8. Uu saaka adigoo bed qabey cudur bukaan keeno

  9. Uu caafimaad lagu bogsado bedanka gaadhsiiyo

  10. Uu kala beddalo xaaladaha beriba suu doono

  11. Uu baan utumay gaalada buugga subax laabtay

  12. Ma biciidsanine waa cilmiga noo beyaanka ahe

  13. Buuhoodle weynaad ku garan baabka loo dhigaye

  14. Isagoo bannaan baan aqiin oo bendar ahayne

  15. Dhaaxay harraad ugu baseen beydariyo jeese

  16. Waayona kun boos iyo ashkira lagu bulshaysiiye

  17. Waayona wadaadkii ba,naa loogu baal galiye

  18. Waayona burkii waxaan la cunay baando loo qoraye

  19. Waayona ilaalada bariis boobnay raashinahe

  20. Waayona kuffaarkii ba,shiyo boodharaa degaye

  21. Imikana baraagaa la dhigay baarya sebenkiiye

  22. In barbaar iswaalaba gadhkaa booshka ka caddaane

  23. Bikrona waxay ahaan habar fadhida buul kuddaafadahe

  24. Bilba waxaanan maqal amase arag weli bidhaantiisa

  25. Oo buur ka culus baan indhaha bidhiq ku siiyaaye

  26. In bandiirad soomaaliyeed lagu bishaareeyo

  27. Oo bigilka lagu saaro iyo buunka lagu tooso

  28. Basar maalin ila soo dersaa kama ballaadhnayne

  29. Shaxda calan buluuglaa la sudhay oo bir loo mudaye

  30. Baaraysna inay saaqiddaa looga baqayaaye

  31. Ingiriis baroor waa ku hubay bixitinkiisiiye

  32. Talyaan naga boqool baa la yidhi oo barqada guure

  33. Waa baydad faransiisna waa sii ballamayaaye

  34. Intaasaan buruuf kuu qiroon marag u baahnayne

  35. Waxse beena maansada haddaa baarashuud yimiye

  36. Ma iskuulo laga soo bartaa bedawda loo keenay

  37. Goormaa raggani baaluqaye buuniga is mooday

  38. Awelse khaarijkaan tan uga baxay baasotoornimo,e

  39. Inaan gabayga daakhil u badhigo iguma beegnayne

  40. Goortaan sokeeyaha bannaday baawar xumadiisa

  41. Ii baaqday cumaroow sidii beel horseed wado,e

  42. Waa nebi burhaanliyo fircoon bedertankoodiiye

  43. Waxaan ahay birgeydh sabaldhankiyo boygu caasiyaye

  44. Baxsow ina baxnaan kay ku tahay ama budhlaydiina

  45. Billad geesi anigaa ku helay baasihii dhacaye

  46. Baaruudda maantaan ku jiray belelku duulaayo

  47. Adiguna bahdaa baad lahayd waa bakhayl hebele

  48. Misna caawa lagu baacin waa boolo iyo faane

  49. Burji lama leh naagaha colkay badh is aqoodaane

  50. Labadii bun kaa wada cabtaa ways badh garataaye

  51. Barbarriyo sinnaan iga wallaad iigu soo bixine

  52. Balwaddaadu waa aadan bay beri is maageene

  53. geeluba  biyaha waa nacaa ceelka baalida,e

  54. Bakaylaha ma geyo aar inuu saaro baariga,e

  55. Bamka uma samayn ruush nimaan wax u billawnayne

  56. Senge bood ah baqal waa ku ceeb maysu bedednaaye

  57. Aniguna inaan kugu burburo wayska bidayaaye

  58. Marse haddaan bishmaha kuu furfuray buuri baan cunaye

  59. Haddiise aqalka jiir kaaga boxo waa bisad udoone

  60. Kuwa adiga kugu beegan baan boos udirayaaye

  61. U buraanbur xaaskiyo dadkaa biilka kugu yeesha

  62. ( Aadan Carab)


Dhamaad