Magaalada jiidali (jiida-Cali Naalaye) waxay caasimadda gobol weynaha Sanaag Ee ceerigabo (Erigabo ) u jirtaa 38-km dhanka bari, waa deegaan aad u taariikh weyn oo ka facweyn deegaanada ceerigabo ku xeeran oo dhan, waa deegaan xuddun iyo lafdhabarba u ah dadka reer sanaag oo haday noqoto Taariikh, Gabay iyo gulufyo goradda lays daray-ba oo rag isku mutayba ka dhaceen,! gaar ahaan tolkaa somaaliyeed Ee "Cali Naalaye"  siiba  "Cali Naalayeha sare"!.


Sidoo kale waa deegaan leh dhul daaqsimeed aad u baaxadweyn & Beero kumaan kun kor u dhaafaya.


Waxakale oo kuyaala ceelka  caanka ah ee "DURDURKA—JIIDALIYEED" iyo golaha magiciisu qaaradaha isaga gooshay, ee lagu gooyo garaha xasaasiga ah Ee " GEEDKA—SAYNTALEH "oo guunka, geedlabka iyo garyaqaanku foodda isku derijireen.


Sidoo kale waa deegaan ay ku dhaqmaan Afarta meesi xoolaad haw guba badnaadeen Gamaanka, Geela iyo Adhiga.


Waxayna xiligii dawladdii Daraawiisheed ahayd Xarunta ugu wayn Gobol weynaha Sanaag ahna xuddun isku xidha deeganada kale ee qalcaduhu ku yaaliin sida; Midhisho, Ceeldheere iqr, Waxayna fadhiisin u ahayd Guutadii daraawiisheed Ee "INDHO—BADANE" Inkastoo Burbur ba'an oo baahsan ay u gaysteen diyaaradihii doolaa'la tagga ahaa ee saancaddaaluhu kusoo kiciyay kuwaasoo  malaayiin umado ah ku xasuuqay hantidoodiina ku baabi'iyay.


Dhinaca kale Waa deegaan soosaaray raggii Santaagga, Suugaan dhaadhiga iyo Siyaasiyiinta jilib culusta ahaa oo magacoodu ku baahay sanaag iyo soomaalida kaleba , sida


1: ABWN Maxamed Aadan J. Maaweel AUHN

2: Bare Cilmi Dable AUHN

3: ABWN Maxamuud Cabdi shoorshoor AUHN

4: ABWN Siciid Qamax nuur AUHN

5: ABWN Ismaaciil Maxamed Ismaaciil Quruxboob

6: ABWN Siciid suuq-wanaaje

7: Caaqil + Heesaa Cali yare Shibbin AUHN Waana ninka daartii (gurigii) ugu horaysay ka dhisa maagalada ceerigaabo.


Waxa kaluu soo saaray raggii mood iyo noolba intay guryahooda iyo  xeryahooda buux dhaafiyeen ganafka taagay oo kibir cirkaa maray, sida


1: Abaanduule + Darwiish Ciise faahiye AUHN

2: Abaanduule + Darwiish Nuur xidig AUHN

3: Qalas Dhooley nuur AUHN

4: Qalas Cali Agoon AUHN

5: Abaanduule Cali Af-qabaal AUHN

6: Abaanduule + darwiish Dhoorre kulan AUHN

7: Darwiish Cabdi nuur Xiddig AUHN.  Iqk.


Waxaan idinku jalbeebin doonaa suugaanta geyiga soomaliyeed abwaanada kala joogay kuwo dhintay iyo kuwa noolba ay kusoo arooriyeen deegan-kan Facawayn leh, samaan iyo xumaanba inta aniga iga soo gaadhay.


Sudhle iyo cakaara iyo ilaa ceelka sunni jiif ah

Iyagoo wixii soconayaba cidhibta loo saaro

Oo dooxooyin seero'a xadhkaha loogu salagsiiyo

Oo subag wanwayn iyo biyaha lagu sabaadhaayo

Sayid maxamed baa noogu yimi geedka sayntaleh.

                                                           — Maxamuud Fooley AUHN.


Daliil iyo Taleex baa lafahii duxayey yaalaane

Dingaraaradii waan qabnaa daarta jiidaliye

                                         — Maxamed Aadan J. Maaweel AUHN


Jarmalo iyo ragii fadhiyay jabadda-dii hawdka

Iyo kuwii sanaag joogayee cadho jiboonaayay

Ee jiidali-ba meeree sangaha joojin kariwaayay

Ragii jiitay ee tagay miyaa fulaygu jiid-jiiday.!

                                                                   — Adke Dubad


Jiidali in guutooyin is hirtoo heegan ku isdhaafo

Gabagabe in hilib lagu duboo gabay ka hooyaalo.

                                                                 — Nuur Dhegay AUHN.


Waxaan ahay gabyaa joogijiray geedka sayntaleh

Waxaan ahay gamaankiyo farduhu nimay gaboojeen.

                                                          — Ismaaciil M. Quruxboob.


Surtii ceela-lamaaniyo

Dooxadii sanab daadhiyo

Geedkii sayntalahaa 

Ragii soofka ku haystay

Oo sinnaa baanu ahayn.

                      — Dhoorre kulan AUHN.


Waa taan sanag iyo fadhiyay geedka saynta leh

Sadcaalkaygu waa tuu ahaa sahan nin waayeel.

                                                — Maxamed Aadan J. Maaweel AUHN.  


Markabkii ku jabay jiidalaan madhax ka haystaaye

Haddaan habarmajeerteen murkucan mure ma dhiiqdeen

Aan magawsho caawaa anfaco ii macaan tahaye.

                                                                — Siciid Qamax AUHN.


Birtaa calweyniyo manqiyo darada baalweyne

Waa midho kabaxa jiidaliyo laanta buulka leh.

                                                — Bile Warsame jiidhganle AUHN.


Jiidali wixii lagu dedaa maanta daahiraye

imminkay is wada dooxayaan diracyadoodiiye.

                                                       — Dhicis Cali Madoobe.


Isagoo walwaal gabay beryahan ima galaamayne

Xalaybuu galkii iyo kayimi geedka sayntaleh.

                                                            — Ismaaciil M. Quruxboob.


Sanab baa hindidu caabuddaa suurad aadmi leh'e

Adna malaha waxaad saaciddaa geedka sayntaleh

                                                                  — Sul; Khaliif X. Walah AUHN


Gooddiga xalmeed iyo taleex gaaxdii xaysimo dheh

Galaxyada banaan soolashiyo geedka sayntale dheh

Oo jiidali gunteediyo siciid gumucyadiisii dheh.

                                                                   — Bide F. Gaas AUHN.

 


Suldaan madal lasoo joojiyay oo lagu salaamaayo

Oo saanad loo tuurayoo lagu siyaaraayo

Oo sabada loo xaadhay oo suqayar loo qaybshey

Fardaha oo sitaaca iyo duntii laga sinaysiiyay

Oo uu barre  saajin yahay kalana soocaayo

Oo saajiciintii uu baray kala sifnaynayso

Suunaaridii aan ku arki jiray geedka sayntaleh dheh.

                                               — Maxamed Aadan J. Maaweel AUHN.


Waxbadan baad ku goolaaftanteen geedka sayntaleh

Aad dhiiri goobiyo gurracan geel ku dhaqateen

Goortay runi runteed gaadho yaad indhaha gabadh kasiisan

                                                          — Seef sheekh yuusuf.


Ilcad iyo kulaal iyo masagan oodda karamaana

Abeesalay ceerigaabiyo agaha reer guurre 

Jiidaliyo ardaa iyo dhulkii amarro waawaynta.

                                                                — Adke Dubad.


Gelin socod ka dhow maylashuu gaas usoo jiro'e

Xidhadhkii gargoorkiyo lahaa garaska laameeyay

Haddaa loo goleeyahay Kulaal gudubyadeediiye

Jiidali gunteediyo la qaad geedka Sayntalehe.

                                                        — Ciise Faarax Ciise weyne.


Geeliyo fardihii nagama madhan gumaradoodiiye

Sidii baan gamaanka u bedraa gudo nugaaleede

Oo goluhu uga oodanyahay geedka sayntaleh

Oo gobolba meel aadayaa guud haldhaalaha. 

                                                       — Sul: khaliif X. Walah AUHN.


Qorfaday noqdeen fookhyadii quruxda weynaaye 

Qarjacmuudle iyo kii bislaa waa qofkii hela e

Qolqolkaaga joog Jiidali baad qodan karaysaa"

                                        — Cabdillaahi Jaamac Shire AUHN "Indhobalac"


Afartaa sullaacadii barriyo sala' ladaadii dheh

Surma seegtadaan kugu bartiyo sacab tunkaagii dheh

Saar xabashigii madarre iyo geedka sayntaleh dheh.!!

                                                               — Sul; Khaliif  X. WALAH AUHN

                           


                                                          


Jiidalaa wardheeraatoo

Naalleyaa jirriida noqdee

Cidna nama jeclaateen.

                     — Ciyaar dhaqameed.


Waar ma aaday jiidali Oo ma ciyaartay jaandheer Dhalin aad la jaad tahay Iyo ma la dheeshay jiilkaa Bariik hayada jihaadka ah Jaanta ma wada celiseen Oo Naaleeyaha jibaysani Ma kuu jiibiyey heelada

                            — Ciyaar Dhaqameed


Timireey tirigaa la shiday

Ee laga taagay jiidali

Haw tala'a xumoobina

                            — Caaqil Cali yare Shibbin AUHN.


Dooxo waa ta jiidali

Durdur madaxa kaga yaal

Duxiye waa ta dabablehe

Duunyo waa idaha dega

Darani waa ta jaankale.

                           — Cabdi Askar AUHN.


W/Q = Adke Dubad…