GABAYADII GUBA OO DHAMAYSTIRAN.

Guba waxaa isweydaarsaday labiyo toban gabyaa,

magacyadooduna -waa habka gabayadu isugu xigaane-

waa sida hoos ku qoran:


1. Cali-Dhuux Aadan

2. Qamaan Bulxan

3. Maxamed Fiin 

4. Buraale Cali Ubaxle

5. Ismaaciil Mire

6. Cilmi Carab Cabdi

7. Salaan Carrabey

8. Ismaaciil Cigaal Bullaale

9. Xaaji Khaliif Aw-Axmed 

10. Xuseen Hudle

11. Maxamed Cumar Dage

12. Samatar Baxnaan


Waa suuraggal in gabayada Guba ee halkan ku daabacan ay wax ka dhiman yihiin oo intaa eeyan ku dhammayn, ama in maansayahanno ka qaybqaatay la xusinnin. Labaatankakan gabay, waxaa uruuriyey oo giraan ku duubay Gabyaa Jaamac Kediye Cilmi. Waxaa giraanta

ay ku duubnaayeen gabayadu ka qoray Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari", 1991.


Silsiladda Guba, waxaa bilaabay Cali-Dhuux Aadan oo Harti, Dhulbahante ahaa. Ceel ceelasha Doollood ka mid ah oo “Cammuud“ la yiraahdo ayuu hal (geel) geeyey. Waxaa halkaa ka cabbayay niman Habar Yoonis ahaa. Sida la sheegay, hashii baa loo waraabin waayay. Dacdii ayuu neefkii geela ahaa ku sii daayay. Intay faruurdhabatay ayay iska dhaqaaqday. Dabadeed Cali-Dhuux, isagoo Cartan, waa hasha magaceedee, ku halqabsanaya oo la hadlaya ayuu tiriyey tixahakan soo socda:


  1. Cartaneey Cammuud layska qaad, ceelki Reer Magane

  2. Hadday curaddadii noolyihiin, waad cabbi lahayde

  3. Nimankii ku caawiyi jiraan, cidi ka noolayne

  4. Cabdullaahi iyo Yuusuf baa, ciidda hoos maraye

  5. Beddel baa cashiiro u xigoo, waa cuq dabadeede

  6. Raggii calanku saarnaan jiriyo, Caliba loo diidye

  7. Niman baaba Caarshe u noqdiyo, Caamir oo kala’e

  8. Markuu Haybe sidii coomir degey, looga soo cararye

  9. Ma la cawryi Reer Yuusuf waa, cirir Ogaadeene,

  10. Miduu caayo miduu cayriyiyo, miduu carjaameeyo

  11. Saddexdaa calaamuu ka dhigay, cuurki Reer Dalal

  12. Caqli waxaan lahayn baad tahaye, ha i caloolyeyne,

  13. Cayn iyo Hartaad leedahaye, caraqda fuuqfuuqso!


Goorey muddo ka soo wareegatay, wuxuu Cali-Dhuux Aadan raaciyay gabay ah: "Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye". Tixdaasna, waxay furtay Silsiladdii Gabayadii Saddexgeesoodka Ahaa ee GUBA. 


Koowaad (1)

  1. Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye

  2. Loo diid Dannood iyo hadduu, degi lahaa Ciide

  3. Niman baa dalkoodiyo xukuma, labadi daaroode

  4. Daratoole iyo Faafan oo, wada duraabaaya

  5. Deegaanta haradii ku taal, daaqi ma hayaane

  6. Doox kama mareershaan dhulkay, Deleb ku beerreyde.

  7. Markii duraha jiilaal kacee, doogga la idleeyo

  8. Duurka iyo dayada Hawd markay, Debec ku soo oonto

  9. Laaskuu ku dalandoolli jirey, loogu degi waaye

  10. Alla Dawguduuddii Wardheer, kama durduuraane

  11. Dawadeedu waa Jeerinleey, ugu dul geeraare

  12. Ceelkii biyaha diirranaa, looma dawdebo’e

  13. Dixda Qarandi Deer iyo Mataan, loo dardari waaye

  14. Darar kagama maalaan Cammuud, diiqo iyo xoore

  15. Maantana dukaammaa la dhigay, degelki Gaafoowe

  16. Dixda Reygareed iyo Gargaar, laysu dacareeye

  17. Deyr baaba lagu meeriyoo, loo dabbaaldegaye.

  18. Wardheer aan dagaal xumi ka dhicin, dig iyo baaruud ah

  19. Doox iyo Doh iyo Faafan waa, soo dalbanayaane

  20. Kuna dalaaqe naagihii inay, dib uga laabmayne

  21. Iiddoorku suu damacsanaa, loo diyaafadiye

  22. Hadba dunida duul baw kacoo, diin la soo shira’e

  23. Dar Ilaahay uun baa xaggiis, looga soo diraye

  24. War sow sida Darwiishkii Isaaq, duub cad uma qaadan!

  25. Makaahiilku Dooy uma kaceen, degaya Hiiraane

  26. Daacuunku meeshuu ku layn, uma dalluumeene

  27. Daal iyo hadhuudh kuma cuneen, Degelki Haarweyne

  28. Habar Yoonis bay uga durkeen, degelladoodiiye,

  29. Dullinnimo inay qaayibeen, waxa daliilkiiya;

  30. Dadba weli ma arag reer Subeer, duul ka soo qaxaye

  31. Dooyiyo dabriyo weerar iyo, ma laha duullaane

  32. Ninnaba uunka kama dawladsana, Dir iyo Daaroode

  33. Ilaah baa dabkoodiyo nasakhay, danabbadoodiiye

  34. Dadka uguma liitaane’e way, diriri waayeene.

  35. Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey

  36. "Da’dii" aan ka qaadiyo miyaan, "Deelka" ka habawshay

  37. Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye

  38. Dacwad kalena waa Reer Xirsiga, hal an dareensiiyey;

  39. Dadka waa la wada laynayee, waa u darraydeene

  40. Dubbihii ku dhacay Bih Ina-Cali, doogta weli haysa

  41. Waa waxay la dabandeebayaan, daqaradeediiye

  42. Waxay dalagga beeraha la qodan, waa dagaagnimo’e

  43. Damal Aboodi Deyr iyo Afmeer, dixida Gaaroodi

  44. Reerahoodu maantay degeen, daawe lagu boobye

  45. Sidii galab dawaar loogu rogey, Deleb ma maalaane

  46. Ina-Raabbi waa tii la dilay, waana Reer Dalale

  47. Dumar kuma sagootiyin kuwii, dahay Ugaaskiiye

  48. Dan baa tiriye lama duudsiyeen, Dirirki dheeraaye.

  49. Aniguba dubkaan uga nixiyo, diirka oogada’e

  50. Ma damqado’e kii dad ugu xigay, waa durduriyaaye

  51. Ilmo Dacarba duur bay indhaha, dubuq ka siiyeene

  52. Nimankii walaalkood durqumay, kama dambaysiine

  53. Degdegsiiyo waa tay ciyoow, duqaq u laayeene.

  54. Nimaanse aabbihii danashyo dhalin, looma duurxulo’e

  55. Dib baa looga yaabiyo inuu, kaaga sii daro’e

  56. Dagaalkii Kilaas ugama rayn, duulki Reer Sharace

  57. Dunta boqorka nimankii sitaye, duubi jirey shaalka

  58. Bal muu duro waxbana yaanu dilin, doorarna u layne,

  59. Geerida Hurraha diidey bay, darajo dhaamaane!

  60. Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey,

  61. “Da’dii“ aan ka qaadiyo miyaan, “Deelka“ ka habawshay,

  62. Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye,

  63. Dacwad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga;

  64. Maansadan dad wada qoonsadaye, diradiraw qaatay 

  65. Diin run ah daliilkii sharciga, yaan ka daalacaye

  66. Dembi inaanu iga raacahayn, wax u daliilkiiya:

  67. Daahyaale geelii la helay, waa kan Dayr dhalaye

  68. Duudweyn ma jiro Haamo iyo, dabo Cadaadeede

  69. Derrin iyo afkii Daadmareer, kuma dareershaane

  70. Dahab waa tan iyo qaalmihii, deyrcadka ahaaye,

  71. Durmad quruxsanleeyey ma foga, Dalawadiinniiye

  72. Dambarkiisu waydiin uraa, waana dabataane,

  73. Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashii haaneed leh

  74. Oo wada dunuunucahayuu, idin dul joogaaye

  75. Dubuxul baaba lagu sii wadaa, dararti Baarjeexe.

  76. Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey,

  77. “Da’dii“ aan ka qaadiyo miyaan, “Deelka“ ka habawshay,

  78. Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye,

  79. Dacwad kalena waa aniga iyo, duun u hadalkayga;

  80. Nabsigu waa daruuraa cirkiyo, sida dabeeshaase

  81. Dersinkii wax qaatuu la’yahay, deynki godobeede

  82. Daa’iradu maantay waddaa, duulashii galaye

  83. Xaqa daguugmay duunyada la dhacay, dumarka ooyaaya,

  84. Naagaha ilmada duugayee, diilalyadu hayso

  85. Daa’imo haddaydaan ahayn, dagay xaqiinniiye

  86. Dagaalna waan jeclaa xaajo aad, dib ugu aydaane,

  87. Doqonyahay ka kaca meeshan aad, dacayda laallaadin!

Cali-Dhuux Aadan [Dhulbahante]


Labaad (2)

  1. Caliyow dabuubtaada gabay, Daa’inkaa wadaye

  2. Dabaylaha xagaagii dhaciyo, daafigaa sidaye

  3. Noo dooji dooggiyo sidii, Dirirka Cawleede

  4. Diirkiyo laftuu xulay hadduu, hadal wax daawayne

  5. Dadkana uma sinnee reer tolkay, dacar ku nooleeye.

  6. Anna waa ku diirsaday Ilaah, derajo siiyoowe

  7. Daaraan garbaha qoon ku laad, damaqday Dhuuxoowe

  8. Dibirrooti buu dhacay raggaad, dabaqadayseene

  9. Waa gobol dillaacid iyo ciil, dibinta ruugaaya

  10. Iyo gobol runduda oo fadhiya, dagagga weeyaane

  11. Dib u joogso waan kula dacwiyi, doodna waan celine!

  12. Dab baad ololisaa kumana gubo, daayin abidkaaye

  13. Intaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaane

  14. Daaskaad fadhido sow gubee, degelka qiiqaabi!

  15. Haddayse daacad xaajadu tahaan, lagu dambaabaynnin

  16. Dambaaburada Naareed haddaan, dhinacu dooneynnin

  17. War seeddow maxaad noogu digan, daqarku waa kiinne?

  18. Goormeyse degmadu noo miirin, dawgal baa jira’e?

  19. Dardarsiga danaasaca la mood, dowr inaan ahaye

  20. Is dalleemintaydaa ninkii, dagani eedaaye

  21. Dubbihii ku dhacay dhinac Barwaaq, degi ad maysaane

  22. Daadduunka cayreed raggaa, dibadda meeraaya

  23. Docmo iyo Hartaa lagu ogaa, dalawadoodiiye

  24. Cali-Geriga Daadhiin shalay, naga durduurteene

  25. Waa kaa darfiyey caanihii, Dagiyo Heemaale.

  26. Anna waxaan dibbiray waa dagaag, deyro soo xulaye

  27. Nimay gacantu daabbulo tiqiin, deri hadduu daayo

  28. Oo yare dalleensado intii, docosan loo yeelo

  29. Damban maayo waagay xubnuhu, yare dubaaxshaane

  30. Inaad daysid beel dagan adaan, dani ku seeteynnin,

  31. Dabcigeedba yaa kugu yiqiin, digasho mooyaane?

  32. Hadday debecdo waw hiilisaa, doqon walaalkeede

  33. Diiftiyo ushay garan intaad, dayada haysaane,

  34. Dunna haddaadan ii tarin maxaad, iigu dano sheegan?

  35. Duunyada fardood maalintaad, Deleb ku qaadaysay

  36. Sidii duul Amxaaro ah markaad, nagu dabraynaysay

  37. Intaad haatan ii labaddiblayn, muu damqado jiirku?

  38. Daarood Ismaaciil ahaan, hilibku muu diiro?

  39. Daabaca ninkii kugu dhuftee, daabka kuu celiyey

  40. Iyo kii “duleedshaay!“ ku yidhi, wax isma doorshaane,

  41. Dakanadayda yaa kaa xigaad, igu danayn haatan?

  42. Aar soo dibjiray neef hadduu, daacuftii geliyo

  43. Oo kaga digsiiyoo ilkaha, dhiigga kaga daadsho

  44. Dugaaggaa yaryari sow kan cuna, duugga hadha maaha!

  45. Aday dilaye goormuu Isaaq, Doollo iga qaaday?

  46. Maxaa libinta Daarood lahaa, Dabacayuun siiyey?

  47. Hadday Dubuxul uga heesayaan, dacarna waan siine

  48. Ma wayse haatan daab iyo ul, kaga cabbaan dawlis?

  49. Bulsho Daalis oo dibi dhaloon, loo dambarineynnin

  50. Oo kii lahaa diiday bay, sidigtu doontaaye

  51. Kuwaan derisnay Dooxeer haddaan, sebenka daadduunsho,

  52. Waxa adiga duug kaaga noqon, bayga degi waayay!

  53. Gabdhaha doonnan dadabtaan dhisniyo, xidid dariiqaynta

  54. Kuwaan dahannay diricay dhaleen, waa dareemada’e

  55. Muslinka haygu didin yaan Iblays, dowyo kaa ridine!

  56. Darka jabay dullaalkiyo dhulkuu, dadabku meeraayo

  57. Deeqaa Ilaahay halkuu, xuliyey daadkiisa

  58. War ii daa dugaag iyo Hartay, igaga deyraane!

  59. Iiddoorse Dir weeyee hadduu, duullan soo bixiyo

  60. Dunji Habar Magaadluhu hadduu, dabarka soo gooyo

  61. Dunbuq iyo rasaastana hadduu, Debecsanow siiyo,

  62. Horta yaa la da’a wayla yaab, dawyadaad mariye?

  63. Ogaadeen ka daan iyo ka daan, Doollo soo gudubye

  64. Diinkaan akhriyey way imaan, Dooy raggii jiraye

  65. Dunji maalintaa waxaad qabtaan, waan u daahirine

  66. Ma dammaniye daynkayga waa, dabaggelaayaaye

  67. Idinkuba darkii Caynabaad, deris ku taalliine,

  68. Dagaallama rag doorkii la laa, duubcaddii Hagare!

  69. Ama na daaya waa wada qabnaa, daawashiyo ceebe!

  70. Caliyow da’daan ahay waqaa, looma duurxulo’e

  71. Duq gaboobey iyo wiil yar baa, loo dedaa hadale

  72. Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene

  73. Ma dumaalo naaguhu ninkay, nolol ku dayrshaane

  74. Dayib uma yiraahdaan jeeroo, hawli daashado’e

  75. Nin walaalki doorsaday Ilaah, derejo siin waaye

  76. Dalkaad Ina-Adeerkaa dhigtaad, weli degeysaaye.

  77. Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane

  78. Aan doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye

  79. Dadkuna moodi duul wada dhashaan, wax u dahsoonayne

  80. Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo’e.

  81. Dullaal iyo mallaal wuxuba waa, Carabta deyntoode

  82. Dibnihiinna uun baan galoo, way duddubiseene,

  83. Allay diliye Iiddoor adaa, iiga sii darane!

Qamaan Bulxan [Ogaadeen]


Saddexaad (3)

  1. Calow gugakan gabaygaad tidhi, gocasho weyn reebye

  2. Wixii gacal ahaa uumiyaa, waa mid kala geyne

  3. Gabadh iyo walaalkeedba waa, kala geddoomeene

  4. Gardarriyo is yeelyeel mar buu, gubey bilaadkiiye

  5. Nin garaad leh baan kugu ogaa, gaban ahaantiiye

  6. Maantaad gu’yaal badan jirtoo, guudku ku caddaaday

  7. Bal garwaaqso warankaad gantiyo, gedaha aad joogtid!

  8. Guntigii wadaadkii la eed, gebagabayntiise

  9. Galow baa ka ciyey ceelashaad, geesi ku ahayde

  10. Buuhoodle geel looma horin, goorti dabadeede

  11. Gammaankii badnaa ugama fulo, labada geesoode

  12. Garmaaddii shubaysiyo la waa, garabyo weyntiiye

  13. Geedaha ka baxay laga ma cuno, godobyo dhowdhoowe

  14. God abaaday waakaa noqdiyo, guri madoobaade

  15. Waxa guuldarrada ugu wacnaa, geli colaadeede.

  16. Waa gaasir Reer-Cali wuxuu, wada gudboonaaye

  17. Ma gu’ yaree see Cali tashigu, uga gulaallaaday?

  18. Guhaad laguma falo ruux hadday, gogoshu kuu taalle

  19. Gaadiid ku qaadiyo haddaad, gelin lixaad weydo

  20. Gurgur lama shiraystiyo hashii, geela ka irmaane

  21. Guntana laga ma jaro geed hadduu, kuu gabbaad yahaye.

  22. Afartaa gammuuraye sidii, leebka ma u gooyey

  23. Gobo’ kalena waa erey yar aan, godob ka faalleeyey.

  24. Gondaggooye nimankii dhigaad, gacal ahaydeene

  25. Cabdi Muxumud gabannuu ka tegey, goloshki dheeraaye

  26. Geyr iyo waxay caro qabaan, garanba maysaane

  27. Aar soo gendoodsaday wuxuu, gaaro waa diliye

  28. Goonyaha haddii lagaga ciyo, guuldarraa dhiciye.

  29. Geelii Ogaadeen ninkii, goofiyaa tahaye

  30. Giddiga Reer Subeer yahay ninkii, gaaray baad tahaye

  31. Ninkii geed ku xidhay baad ahayd, galabti weyshiiye

  32. Gudaha Adari waa laga tirshaa, gabayadaadiiye.

  33. Gaal iyo Islaan nabaddu waw , gogol nasteexaade

  34. Marse haddii colaad loo guntado, Goray ma laacdeene

  35. Cid uun baa rasaas kugu gambiyi, Giibba ma lahayne.

  36. Ogaadeenku waa gama’san yahay, gamasyo haw dhiibin!

  37. Godobta ha ogeysiin rag waa, garacyo Sheyddaane!

  38. Gacalow ka joog meelahaad, gacantogaalaysay!

  39. Haddii kale aduun baw go’iye, gabayga aashaada!

Maxamed Fiin [Habar Yoonis]


Afraad (4)

  1. Nimanyahow rag geeri u batoo, lagu gablaynaayo

  2. Anaa ganiyo anigaa gembiyey, goor kastaba joogta

  3. Oo lagu gartaatacahayoo, gibil madoobaaday

  4. Oo loo gashaday baal sidii, gaalannimo roonta

  5. Oo lagu garrami way la yaab, gole ka yeeraaye,

  6. Oo guriga wada meeriyoo, geela laga faani

  7. Oo maanta geenyo iyo gabadh, goosan kara qaanti

  8. Gabaggabadii Daahyaale iyo, gabaygi loo jeedshay

  9. Sow inuu geddiyo haatan Cali, lama gudboonaannin!

  10. Hadalka waa gaftaye Maxamedow, kuuma soo geline!

  11. Markii farasku kula gaabiyee, gegida kaa qaatay

  12. Gam inaad tiraahdaa damcee, Cali gabaaxaaye

  13. Naagtii gambada taabatoo, gacanta loo mayray

  14. Oo gelisey meeshii haddana, gabaygu sow maaha?

  15. Cawl baa midgaan soo gardiyay, soo gabraar tegaye

  16. Isagaan wax lagu gowriciyo, geerisaba haysan

  17. Jeeniga gibsiiyoo middida, qodatay gaareeye

  18. Adiguna geddii baad tahayo, ways gunaanadiye

  19. Xaqa giigay feeraha miyaad, yara gufaacootay?

  20. Sow magani tii gaabsataan, gabay lahayn maaha?

  21. Geeraarka iyo faanku sow, Guba la xeer maaha?

  22. Garta qaybi oo had iyo goor, genefka uun taagi

  23. Oo gowrac kaa mudan asaad, gacal walaalaysay

  24. Oo gogosha kaa kicini waa, sida Gumbuurkeere,

  25. Guntigii la furay haatan sow, lama garwaaxaydsan!

  26. Labadeenna gobol xaajadeer, la isku guubaabshay

  27. Haddaydaan guddiyin oo ciyow, gunno la noo keennin,

  28. Wallee inaan tix laysugu go’o, gaagna harin sheegin!

Qamaan Bulxan (Ogaadeen)


Shanaad (5)

  1. Dhankaan ka hadlay waakaa Qamaan, dhaafay hadalkiiye

  2. Dhex-xirka hayska gooyaan lahaa, dhuugga loo tolaye

  3. Haddii dhaxal adoogaa la cuno, waa dhadhamisaaye

  4. Waxaan cunaha ii dhaafin iyo, dhaashin baa jira’e.

  5. Naagahaan dhankii loo rogiyo, dhinacna diidayne

  6. Dheddigoodshahaa lagu arkiyo, dhiigga caadada’e

  7. Haddeeyan dhiilka caanaha lahayn, laguma dhaarteene.

  8. Wax ka dhigan gobtii dhawrsataan, ceeb ka dhiidhiyine

  9. Nin dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye,

  10. Dhashaaday sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide

  11. Dhirfal buu Isaaq marin intuu, dhaco Ogaadeene

  12. Karuur dhuumay dhaydana ka jecel, oo ay dhamayaane

  13. Dhoobada Hargeysiyo Berbera, waa dhito u taalle

  14. Dharka kama macaasheen hadday, dhuunta jarayaane

  15. Waa dhego la’yahay Reer Subeer, dhoohan weligiise

  16. Dhibta gaadha waa moog yihiin, iyo dhaliishoode

  17. Anuun baa dhalaalinahayee, dhiirran ma hayaane.

  18. Intaan dhalasho waa yaab qabtaa, dhab ugu soo ooyey

  19. Dhaladuu wax iga saaray culus, dhabalna ii raacye

  20. Dhudhunna waaba ii sheegtay adag, dhiillo i gelisii

  21. Dhawaaqayga kuma faaraxine, waa ka dhiidhiyaye.

  22. Waayeelka dhaylada sitee, dhawrta ku ilaasha

  23. Kuwaa dhebedda soo xiranayee, dhuuni kale haysan

  24. Oo dharabta jeexjeexan qaba, waad la dhalateene

  25. Dhafoorkaa ma yeesheen har galay, dhogor xumaantaase

  26. Dhoomaha Isaaq raranayee, Dhaayin laga keenay

  27. Dharkaa lagu qasaashaa intay, dhereg u daadshaane

  28. Rag baa caanahaad dhami jirteen, dhiil u hoorsadaye.

  29. Afartaasi waa dhaabad gabay, iyo dhextaashiise,

  30. Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus, waa dhug siin jiraye,

  31. Maansada dheh uun lama yiraa, waygu soo dhacaye,

  32. Dhugaheeda layskuma qabtee, dhibic kalaan baanay;

  33. Dhinacayga ma aan saari karo, dhuxullo naareede,

  34. Goormaan rag baa kaa dhergaye, dhidibka kuu qaaday?

  35. Dhaawucu ninkuu ku cusub yahay, dhiigga farahiisa

  36. Oo shalayto kaa dhaansadaa, Dhuurre kula yaalle

  37. Waakaa xeryaha looga dhigay, Dhogor Idiinleeye

  38. Dhaqaalaynna mayside naftaad, kala dharroocdeene

  39. Libintiinnu maantay dhowdahay, kuma dhaqaaqdaane

  40. Car ku dhaca haddaad dhalad tahoo, dhuubka boqor hayso!

  41. Afartaasi waa dhaabad gabay, iyo dhextaashiise,

  42. Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus, waa dhug siin jiraye,

  43. Maansada dheh uun lama yiraa, waygu soo dhacaye,

  44. Dhugaheeda layskuma qabtee, dhibic kalaan baanay;

  45. Ugaas Magan dhawaaq kuma jiroo, dhimey wadkiisiiye

  46. Bal dhexmariya Reer Webi inuu, dhaamo Bah Xawaadle!

  47. Cabdille Aadankii dhaadan jiray, dhab u ogeysiiya!

  48. Uga dhoofsha Dhicis Muuse Khalaf, oo dhabta u saara!

  49. Cawlyahanka dhaantaynayiyo, Dhugadna gaarsiiya

  50. Isaxaaqa dhooshiisii hanay, dhababkacna loo diidye

  51. Nimankii ku dhabannaanin jiray, dhowr ka loogsada’e

  52. Dharbaaxooyinkii soo ceshiyo, dhabarjabkaagiiye

  53. Waataa hablaha Ciise Dhamal, dhigaha laayeene,

  54. Kacoo dhididka rida waa intaad, dhimanba weydaane!

  55. Dhambaal lala ma yaaciyo waraaq, sida Dhabiileede

  56. "Hoo dhagaxa qaad iyo adeeg!", gaaladaa dhihiye

  57. Raacdadu hadday kaa dhab tahay, Dhebi dagaalkeedu

  58. Adoo dhididsan baa loo ridaa, dhamac rasaaseede

  59. Raggaan dhibiyey waa kaa dhacsaday, Dhebiyo Heemaale,

  60. Qamaan dhugo dhankaagaa tolkaa, looga soo dhacaye!

Cali-Dhuux Aadan (Dhulbahante)


Lixaad (6)

  1. Dacwigii Qamaan yidhi anaan, danabku ii sheegin

  2. Ma doonayn inaan gabayo diro, amase diiqaaye

  3. Markaanse “daa!“ iraahdaba rag baa, dawga jiifsada’e.

  4. Waa iga da’weyn yahay ninkaa, dirirta oogaaya,

  5. Cali Dhuux sidaasuu damcaye, diida hadalkiisa!

  6. Haddii aqal dab galo aan ninkii, daaha laga saarin

  7. Dherigaan dalooshimo lahayn, baa dubkii hariye,

  8. Cali Dhuux sidaasuu damcaye, diida hadalkiisa!

  9. Da’day maaha reer nabad ahoo, diradireeyaaye

  10. Hadday nimanku soo wada degeen, nabad ha loo daayo!

  11. Ilma-Dacarka duufkiyo bakhtiga, dibad u meeraaya

  12. Hurre Raabbigaan dunidatan aan, diric u dhaafaynnin

  13. Maxaa derejo simay waa afkaan, daab ku leeyahaye?

  14. Ninkii Dubuxul geeliisu yimid, dumarku soo qaadye,

  15. Ogaadeen maxaa doqon ka dhigay, dawggal baa jira’e?

Buraale Cali Ubaxle [Ogaadeen]


Toddobaad (7)

  1. Dan u baxay Ogaadeen hadduu, duudsi qaayibaye

  2. Dirirsiiyey diidana inay, duul ka nixiyaane

  3. Anigii dagaallaminahayey, igu dabreeyeene

  4. Duullaanna way soo baxsheen, sida Daraawiishe.

  5. Daabaca raggaa lagu dhuftee, daabka lagu jiiday

  6. Daabaqad wajiga baw hadhiyo, diillin aan go’ine,

  7. Ma iyagaan dadkii ahayn iyo, duuddi Nebi Aadan!

  8. Iyaguba dab iyo waa sitaan, damaq rasaaseede

  9. Dumbuqooda liishaanka daran, daalib ma ahayne

  10. Dawadiisu waxay saaran tahay, daacad loo rido’e

  11. Waase wuxu isaga daadsan yahay, doocna garanayne.

  12. Dowdii ha darandoorriyeen, hana dagaajeene

  13. Dushana hawgu soo dhaamiyaan, dumarku haantiiye

  14. Dabinkii xumaa iyo sibraar, ha isku duubteene

  15. Dugsi dhaxan leh haw yuururaan, diilalyiyo ciile

  16. Intay dacalo waaweyn dhigaan, dalag ha beerteene.

  17. Mar haddaanay daaqayn Walwaal, nimanku dooggeeda

  18. Oo dibinta saarayn Wardheer, loona dacareeyay

  19. Danwadaag iyaba waannu nahay, downa wada naalle,

  20. Bal Iiddoor maxaa igu diroon, Doollo ugu sheegan!

Cali-Dhuux Aadan (Dhulbahante)


Siddeedaad (8)

  1. Hooyaale gabay waayadeer, haabka kuma hayne

  2. In dhoweydba waataan ka haray, himiladiisiiye

  3. Ma hawalinnin maansooyinkii, igu habboonaaye

  4. Hoorri waliba goortuu tirshaan, daayay hadalkiise.

  5. Hayeeshee xaluun baan hurdada, haatuf ii yimiye

  6. Qaar baa halleeyee haddaan, “Miinka“ ka higgaadsho

  7. Heerkaan ka maansoonayaa, loo hanweyn yahaye

  8. Iga hooya waa taad beryahan, ku holganaydeene!

  9. Hebednimadu waa waxay rag yari, kuu hunguriyayne

  10. Haddii aad halyey wada tihiin, hanad ahoo dhiirran

  11. Ninna ma holliyeen xoolahaad, gacan ku haysaane.

  12. Hubka iyo raggaba adiga oo, hodan ahoo buuxa

  13. Habaar weeye Habar Yoonis aad, hiil u dayataaye

  14. Haddii aadan hoollinayn dagaal, hebelna aad weydo

  15. Holgantoo naftaad geeridii, kala hawooteene.

  16. Waase lama huraan mowd inaad, ka hor timaaddaane

  17. Hayin iyo anoo layga dhacay, halo an maalaayay

  18. Intuu Halab karuurkeed nin kale, dhamo ma hoydeene

  19. Anoo hilib ugaadheed ku nool, kama hareen Xiise.

  20. Idinkuna hablaad ugu darteen, hadiyaddoodiiye

  21. Hayiin iyo dayiin uumiyuhu, idinku haasowye

  22. Inaad hoos u wada foorartaan, helay khabaarkiiye.

  23. Horweyntii la qaadiyo raggii, haanka lagu gooyay

  24. Haadkiyo waraabuhu ragguu, ka hirqadee laystay

  25. Ee hanaqa ay wada jareen, hebelladii laayay

  26. Hawo ineeyan kaa hayn inaad, wax u halaakayso

  27. Aad hiiftay Cali Aadankii, ficil is haynwaayay,

  28. Oo aad Hartiga eersateen, helay Qamaanoowe.

  29. Hayeeshee waxay kaa hayaan, wad ka helaysaaye

  30. Nin hashiisii laga qaaday oo, lagu hor maalaayo

  31. Oo horin ka yari haysataa, sidan u hoomaayin

  32. Oo waliba loo sii hanjabay, lana halaakeeyay.

  33. Hawaar dhabba nin lagu soo dhuftoo, haylna laga jeexay

  34. "Ha’da" maanso kuuma ay furree, kaagu waa habowe

  35. Heeryada adaan rogin Qamaan, haanta lagu saaray,

  36. Hadalba kuuma yaallee maxaad, gabay ka hoodaamin?

Cilmi Carab Cabdi (Dhulbahante) 


Sagaalaad (9)

  1. Doolaabta maansada anaa, deeqsi ku ahaaye

  2. In dhoweydba waataan dedoo, diiraddow rogaye

  3. Hadba aniga oo daayay bay, igu danqaabaane

  4. Bal aan dayo dibnuhu waxay barteen, dihashadiisiiye.

  5. Sidii dirirka rooboo bishuu, di’i lahaa jooga

  6. Ama ramag diraacdii dhaloo, oon la dubayoobay

  7. Oo maqasha laga duubayoo, ololka deexaanshay

  8. Ama dowri aar oo in badan, duur cidla ah jiifay

  9. Oo dibadda neef kula dhacoo, miciyihii deenshay

  10. Dadow maqal damaashaadku waa, diririgteydiiye!

  11. Dacwad waxaan ka idhi geelayaga, loo dardaarweriyey,

  12. Dacwad kalena waa Cali hadduu, gabayga daynwaayay,

  13. Dacwad kalena waa aniga iyo, duun u hadalkayga;

  14. Dacwad waxaan ka idhi geelayaga, loo dardaarweriyey;

  15. Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashi haaneed leh

  16. Doollaaba lagu sii wadaa, Dayrtan maanta ahe

  17. Dibna u laabmimaysoo dhulkii, dooggu ka idlaaye.

  18. Darka Qarandi deexdii Cammuud, waa dar noo xidhane

  19. Dixda Reygareed iyo Gargaar, waanan dayn karine

  20. Dumbuqyaaba laga soo guriyo, dogobbo waaweyne

  21. Afarteeda deyr bay taqaan, looga duulwado’e

  22. Anaa doonanaystaye baqaa, looga diirwaraye

  23. Dawo hadday lahayd Jeerinleey, waa dul tegayaaye

  24. Degina maayo jeeraan ku furo, degelki Gaafoowe.

  25. Daahyaale geelii la helay, waa diramayaaye

  26. Dambarkiisa waxaan loogu lumin, amase loo daalin,

  27. Ninna nama daneeyeen haddii, lay daleelsado’e

  28. Deeq looma siin wiilashaan, Dayrta xoogsadaye

  29. Diishaaba laga soo rogiyo, Daakhatiyo Faafan

  30. Meeshaan ka daadigi jiraan , dabaqna saarrayne

  31. Ma na looga daray sow raggii, duuli jirey miihin?

  32. Mise doorkanaa xoog ka dhacay, duudda Habar Yoonis?

  33. Afartaa ma dalandeellinnine, daw ma ku hagaajay,

  34. Ma daleeyey arartaydu waa, dahab sidiisiiye,

  35. Dacwad kalena waa Cali hadduu, gabayga daynwaayo;

  36. Nin da’yari dambaab iyo ha galo, diradirayntaase

  37. Diintii Rasuulkiyo haddaad, daacadda ujeeddid

  38. Oo aadan dariiqada ka bixin, duuddi Nebi Aadan

  39. Oo madaxu deebtaa ku yahay, waa digniin dhab ahe,

  40. Sidee baad dawaar ugu rogtaa, dunida geestaada?

  41. Ma dugaagga cunayaad tihiyo, haadka daba jooga?

  42. Mise derisnimaa kaaga dhiman, hadalkan deelqaafka?

  43. Adaa Dir iyo Daarood dhex dhigay, dab iyo baaruude

  44. Dacar gelisey reerihii ahaa, ul iyo diirkeede

  45. Mugga haatan dirir uumiyuhu, waa is dilayaaye.

  46. Doqon iyo Ogaadeen haddaad, dala’ ku sheegayso

  47. Waxaa daarahoodii kharribay, duulka Reer Gorode

  48. Dunjiga Reer Subeer oo dhan baa, duudsi loo naqaye,

  49. Adaa dalawadoodii dhacay oo, ceeb ku daabacaye

  50. Weyl baan dabraa baad na tidhi, waana didayaane,

  51. Nimankaad dadkii wada tustoo, daawo uga yeeshay,

  52. Waa maxay baroordiiqdan aad, ugu danookhyeysey?

  53. Dadkaba haatan godob duug ah baad, ugu dahsoonayde

  54. Duhurkaaba lagu toogan laa, Dayrtan maanta ahe

  55. Ma daguugan tahay sow ma ogid, deynka idin jiifa!

  56. Naftan Dawguduud lagu guree, sidatan duurkiiya,

  57. Waa odayadoodaad disheen, ood ku digateene

  58. Idinkaa duqyaal iyo xidhxidhay, shiikhya daahira’e

  59. Halkii Aw-Xuseen lagu deldelay, waa dalluun qodane

  60. Dubbuhu wuxu ku dhacay Bihini Cali, degelladoodiiye

  61. Ku daadduume Reer Carab sidaad, uga digsiiseene

  62. Da’roontii kacdaba waydinkii, gooyey Reer Dalale,

  63. Sidaan lagu dareemeynnin baad, ugu damqaysaaye

  64. Inaan nimanku diirdiirrannayn, waxaw daliilkiiya;

  65. Dooyaalkii baad tahaye maa, lagu daqiiqeeyo?

  66. Guutada markuu Macallin Doon, kula dawaafaayay

  67. Aad sida wadaad soo dikriyey, doobta karinaysay

  68. Raggaad “Qoora-dogoblow!“ lahayd, sida dameer weyd ah

  69. Ee saca daloombiyay baqaha, daadshay qalabkiisa

  70. Annagaa ku deyranne xigtana, ugama diirtaane,

  71. Imminkana halkii dagata waad, docadocaysaaye,

  72. Haddii awr duleedka uga dhaco, waad duddubisaaye.

  73. Afartaa ma daldeelinnine, daw ma ku hagaajay,

  74. Ma daleeyey arartaydu waa, dahab sidiisiiye,

  75. Dacwad kalena waa aniga iyo, duun u hadalkayga;

  76. Deyn kale ma sheegine markay, diiftu kugu tiillay

  77. Adigoo dullooboo sidii, daabax lagu moodo

  78. Dalkayaga markaad timid haddii, aan ku derejeynnay

  79. Oo duunyo waa fududdahee, dadab laguu heelay,

  80. Aan gabadh daruur u eg aroos, kuugu dalaq siiyay,

  81. Uu kuu dabbaaldegay qabiil, daabbad wada fuulay

  82. Oo dun iyo shaal heensihii, laysku wada duubay

  83. Oo danabka Maadhiin yaruhu, kugu dinnaahyeeyey

  84. Oo ay durbaan kuu tumeen, dumar wixii joogay.

  85. Meeshaan abaal door ahoo, debecsan eegaayay

  86. Haddaad guuto noo soo duntoo, daabcadde u dhiibtay

  87. Nabsi daalay baan kula sugiye, duugga bal an dhowro!

Ismaaciil Cigaal Bullaale [Habar Yoonis]


Tobnaad (10)

  1. Dabkaad hurisay Cali Aadanow, dogobbadaad oogtay,

  2. Dambaaburada aad ololisiyo, dirirta guusheeda,

  3. Maandhow Daryarey noogu timid, dacawigaagiiye!

  4. Inkastoo dalkii kala fog yahay, hadalku soo duulye

  5. Dabeelaha Xagaagii dhiciyo, dowlahaa sidaye

  6. Noo dooji dooggiyo sidii, Dirirka Cawleede.

  7. Kumana diirsan maansadu hadday, dunida aafayne

  8. Duunkaaga kuma suubbanayn, diradiraaluuye,

  9. Allaylehe dembaab lama hadlee, kulama doonayne!

  10. Dalkoo nabad ah baad uumiyaha, belo la doontaaye

  11. Dal dhan buu gubaa qaraf yaroo, duur la geliyaaye

  12. Dooxooyin idil bay xushaa, digo hulaaqdaaye.

  13. Inkastoo diciif yahay naflaha, ama la daadduunsho

  14. Inta daamankiisu is hayaan, anafo daynwaaye

  15. Deeq iyo markuu nabad heluu, daawo furayaaye.

  16. Markii aan Daraawiish jirneed, nagu duqeyneysey

  17. Nama duufsan Shiikh Maxamedkii, duubka noo xidhaye

  18. Annagaaba diintiyo sharciga, daalib ku ahayne.

  19. Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey

  20. Cawlkii la dabay oo middida, dabaxda loo waayay

  21. Oo qoday birtii lagu dig dhabay, kuugu duurxula’e,

  22. Allaylehe dadkii kugu danniyay, waaba kuu digaye!

  23. Afartaa ma daaldaalinee, daw ma ku hagaajay,

  24. Dadku muranyey wiilyahow miyaan, deri-dhaclaysiiyey,

  25. Dubbahaan la dhacay sow finiin, kaga ma duulduulin!

  26. Dacwad kalena waan odhanayaa, bal an daliigeeyo;

  27. In Qamaan ka diday waan ognahay, diirnixii gabaye

  28. Laba dibi midkii baqanayaa, ways dalliciyaaye

  29. Dinnaahyada horaa laga gartaa, deyrka kii jebine

  30. Intuu dabada meermeeriyuu, dadab u boodaaye.

  31. Weligiiba dagaal kuma xerayn, Deleb Ogaadeene

  32. Dalkaa nabad ahaan jiray markuu, daaddahayn jiraye

  33. Duqoodii horaa lagu ogaa, inu danqaataaye.

  34. Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashi haaneed leh

  35. Oo awrku doobbinahayaa, Deleb ku qooqaayo

  36. Daahyaale geelii la helay, dalawadii meertay

  37. Markii Dabafurkii laysku helay, lagu darbaysiiye.

  38. Daya eeyda iyo qaalmihii, soo durdurinaayay

  39. Ee doonka laga laynayiyo, dumarka ooyaaya

  40. Dar-ku-rogidda goortii horweyn, laga durduuraayo

  41. Sidii duul goboo shirey markay, wada dekeynayso

  42. Dig markay tidhaahdee fushaa, “daya!“ tidhaahdaane.

  43. Dab rasaas ah iyagoo sitey, dacas la jiifaane

  44. Dagaag magangelyo ah baannu nahay, daa’imaa odhane

  45. Xaqoodii hadday dabagalaan, kuma dambaabeene.

  46. Afartaa ma daaldaalinee, daw ma ku hagaajay,

  47. Dadku muranyey wiilyahow miyaan, deri-dhaclaysiiyey,

  48. Dubbahaan la dhacay sow finiin, kaga ma duulduulin!

  49. Dacwad kalena waan odhanayaa, bal an daliigeeyo;

  50. Doqontaa intaad diri lahayd, adigu maad duushid?

  51. Oo didisid geelaa fadhiya, Doollo dhinaciisa?

  52. Oo dumar-la-moodkii lahaa, daacad ugu geysid?

Ismaaciil Mire Cilmi (Dhulbahante)


Kow iyo Tobnaad (11)

  1. Daarood baan walaalayn lahaa, warasadiisiiye

  2. Wardheer baan lahaa hayska dego, sida Wadaadkiiye

  3. Wacad baan u kala qaad lahaa, wadar ahaantoode.

  4. Ciyoon baan ku weyrixi lahaa, weris Ogaadeene

  5. Ha welwelin wargeli baan lahaa, way wahsanayaane

  6. Waxtar baan lahaa inuu ku jiro, waxa ogeysiiye.

  7. Iiddoor wagaashaan lahaa, webiga jeexsiiye

  8. Nimankii siday ugu wadeen, wiiqda kaga gooyey

  9. Waraabihii cunayaan lahaa, ha iska waabsheene.

  10. Wadaad shiikh ah weli daahiriyo, ma aha Weyteene

  11. Iyagaa werdiga hayn jirey oo, Waaxid ku ogaaye,

  12. Waaxaddii la dhacay xoolihii, wadarta loo qaaday

  13. Iyo waarihii ay galeen, wiiqda la cunsiiyey

  14. Weerkii caddaa baan lahaa, ha iska wiifsheene.

  15. Ceelkii Walwaaleed hashii, wahane loo diiday

  16. Wadaamaha Cammuud baan lahaa, ha ugu waabsheene.

  17. Wasiirtoodi hore yaa xumayd, waalidkii dhalaye

  18. Wacdigayga kuma doogsan iyo, waanadaan idhiye

  19. Wahay wahe sidaan wax u dhimay bay, wig iska siiyeene!

  20. Nacasku waa i wiiqaye Isaaq, waanigii wadaye

  21. Waa kii waddada aan ku ridey, wagacda Jiilaale

  22. Waaxdaan ka toosinayay bay, iga wareemeene

  23. Waatii wadnaha aan u galay, sida Wadaadkiiye

  24. Oo waalid xoortaan ogaa, wiish la caaridaye.

Cali Dhuux Aadan (Dhulbahante)


Labiyo Tobnaad (12)

  1. Ogaadeen hadhuudhkiyo sidii, hilibka loo boobye

  2. Inkastuu hundaha iyo u dego, webiga hoostiisa

  3. Geeluu habeenka u lahaa, looga hadhiwaaye.

  4. Nin hamraday haldoorkiisu waa, lagu hamoodaaye

  5. Hilqadliyo iyaba waa sitaan, halawle Maadhiine,

  6. Hadday kaga haq siiyaan rasaas, lagama haageene.

  7. Nimankaan haraadkiyo aqoon, Hawdka mariddiisa

  8. Kolay Habar Jecliyo Ciise tahay, waw handanayaane

  9. Nin waliba haruub buu toshiyo, haamo gooniya’e,

  10. Haweenkuna hadday doonayaan, inay hidiidaane.

Cali Dhuux Aadan (Dhulbahante)


Saddex iyo Tobnaad (13)

  1. Haadaaqsi gabay waayo dheer, haanso ma lahayne

  2. Hiirtaanyadiisaan ku nacay, hibashadiisiiye

  3. Hawaalawarran mooyee si kale, wawga haayiraye

  4. Goortaan hammigi gaabsadaa, layla hiigsadaye.

  5. Marka nin igu haabsado anoo, heli jawaabtiisa

  6. Dhaaxaan mid hanaqaad is biday, soo hoggaan baraye

  7. Tixdaan hiddiyo haaneedsigaan, hab ugu laayaaye

  8. Hal-abuurka layguma higsado, soo horraan baxaye.

  9. Hooyaalintaan kaga badshaa, haybad iyo luuqe

  10. Haasaasahaa laga gartaa, hagar la’aaneede,

  11. Marse haddaan hullaabta iska rogo, soo hankaabsadaye,

  12. Aan hawadiyo hoosada Burciyo, Herer ha geeyeene.

  13. Kuma hiilo hoorriga fulaa, la handabeeyaaye

  14. Anse waxaan hagaag uga tirshaa, heel la ii wacaye

  15. Inaan oday hangaafa ah noqdiyo, hayraf la i moodye,

  16. Hig ma siiyey hawraarta way, kala haleeyaane,

  17. Heeraarta maw dhigay intaan, heesna daba joojay

  18. Maansaba hog bay leedahaye, meel ma ku hagaajay.

  19. Afartaa “Ha’da“ intaan ka deyey, hilin ma qaadsiiyey,

  20. Caawana hiyiba waa hiyiye, hadal kalaan baanay;

  21. Halaq gudaya waw halis nimuu, boqon haleelaaye

  22. Waabaayo lama hiinsan karo, huurtay oo kariye

  23. Wiyil lama hunjaaliyo adoon, hootadow sidane

  24. Laga haarri hoorriga libaax, soo hamaansadaye

  25. Rag uun baa maroodiga hunduda, haamahaw sida’e

  26. Hayinnimo markii lagu arkay, hilayga saareene.

  27. Hoobaaq mid waw ridi jiriyo, heego iyo roobe

  28. Baddoo huguntay hoorriga sabaha, lagu halaagmaayo,

  29. Bal maan hakiyo hir uu laacay baan, ku hafin doonaaye!

  30. Calow laguma helo geel sidaad, ku handanaysaane

  31. Qabiilki Hindi ihi maalin buu, ka hinjiyaan duule

  32. Idin ka hoostay meel uun haddaad, holin lahaydeene.

  33. Haruub daatay idinkaa ka qaday, habaqlihiisiiye

  34. Dabaq haadshihii laga hirqaday, ways hondo ogeyne

  35. Waa tii lagaa hirayy adoo, qaba hamuuntiiye

  36. Huwan marag ah waatay ahayd, hadhaci waabnaaye,

  37. Hadiyad miyaad u bixiseen naftaad, kala hawooteene?

  38. Nin sagaaro heenseynayoo, haaban kari waayay

  39. Isagaan hunguri waa shiddee, hed uga yaabaynnin

  40. Haawaydu kama maaranteen, heeshigii dhalaye

  41. Haleelada ma daayeen nin cunay, hilib ugaadheede.

  42. Haaraanka iyo faanka ways, la hiddaraacdeene

  43. Kun haddaad helaysiyo barbaar, halabsatoo fuusha

  44. Qoluun baad u heensayn lahayd, hawl yaraan subaxe.

  45. Heegaale kama qayliseen, holanka Jiilaale,

  46. Goortaan hadhkaba kaa eryaad, Hawd u cararteene

  47. Waakaa hubkii sida raggii, wada hareednaaye.

  48. Habarwaana waakaa hengelan, labadi haamoode

  49. Shirshooruhuna hoy ma leh kuwaad, hilib wadaagtaane

  50. Waakaa hayaankii ku dhacay, Hoobiyiyo xeebe.

  51. Ararsame ma haybsado Nugaal, hoorashada ceele

  52. Hannas iyo harraad kulul adoo, habaqle soo guuray

  53. Caynabo haruub kama dartaan, hogo kaliileede

  54. Ka huleele Hagar Aadankii, hooballayn jiraye

  55. Aduun baa hayaayda u guntane, heeryo lagu saarye!

  56. Afartaa "Ha’da" intaan ka deyey, hirar ma qaadsiiyey,

  57. Caawana hiyiba waa hiyiye, hadal kalaan baanay;

  58. Habar Yoonis waataa hantiday, haradi Ciideede

  59. Imminkay Hundiyo reer fureen, haradi Ceel Fuude

  60. In Hutuuti khaylida la dhigay, Himidhna loo geeye

  61. Ku hungow colkay humin jireen, Caliyo Haaruune.

  62. Waxa Ammaadin webigaw hirdiyey, harabku waa khoofe

  63. Huurkii Shabeelluu galoo, hure bannaankiiye

  64. Hoobhoobsigii lagu idlee, horinti Jeeraare

  65. Nimankii hawada weyn lahaa, haatan lagu leefye.

  66. Haaruufka Dalal bawga dhiman, hegerbi Daaroode

  67. Heydaaro cadow looma tudho, heermay boqontiiye

  68. Maantana hablaha loo dhisay bay, la hamranaayaane.

  69. Ma hambayne dunidii hantiyay, tan iyo Hiiraane

  70. Haadaa qabiilnimo Isaaq, hibo Ilaah siiye

  71. Aniguna halkaad degi jirtaan, ka hawisaayaaye

  72. Hadba waxa ku soo gocan sidaan, kuu harraatiyaye.

  73. Hebednimada qaarkeed aday, kuu hed noqotaaye,

  74. Waataad haween nagu xustaye, haad ma ku cunsiiyey!

  75. Dabadeedna hoog iyo hungiyo, ciil ma la huleeshey!

  76. Tolkaa baa horweyn ku ahaa, haanta loo culaye

  77. Waakaa hareertaada Bari, looga hoy dhigaye

  78. Wax hortiina lagu maalayaa, kii Hagoogana’e.

  79. Humbannida Ogaadeen intaad, soo hirgelinayso

  80. Habqankii firdhaday Gorod Xirsaa, caydh hadaadumaye

  81. Iyagaa hiraabtiyo kallaha, hiirta waabberiye

  82. Haddaad ficil hinaasiday asaad, hiilin kari weydey,

  83. Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad, ka hanjabaysaaye?

  84. Afartaa "Ha’da" intaan ka deyey, hirar ma qaadsiiyey,

  85. Caawana hiyiba waa hiyiye, hadal kalaan baanay;

  86. Hiinbaarsigii uma ekeyn, Habar Majeerteene

  87. Inkastoo habkay gobi lahayd, haddiyad loo siiyey

  88. "Hubso!" dhaha Hartigu waa ogyahay, haarihii Muduge.

  89. Hiinraaca waa lagu yaqaan, hiihda doqoneede

  90. Bal inuu hanfade waalan yahay, hadi la’aantiisa,

  91. Hadmuu ku hirtay Cali Yuusufkuu, humay colaaddiisa?

  92. Ninna haybta kuma raaci karo, hooyo aan dhaline

  93. Hogoggolise cadawgaad dagaal, u hansanayseene

  94. Imminkaad la wada huududaan, hoh iyo waydiiye!

  95. Habaarkii la hele Reer Taleex, hiilki loo qabaye

  96. Ku halligante hebel toogadaad, dad u heshiiseene

  97. Waataa shisheeyuhu hantiyey, ma-hudhadiiniiye.

  98. Nabsaa ku haya hagardaamo gacal, hadimadeediiye,

  99. Inkastuu higgaad qabo haddaan, anigu soo haabto

  100. Waxaw halis ah badaw hayjad galay, inu habaabaaye.

  101. Xaajada badh baa la huwiyaa, huga la saaraaye

  102. Haasaawe uma eko’e wuu, hadadafaayaaye

  103. Hullaxumada uunkoo hurduu, col u horseedaaye.

  104. Hoosiisku waa qaadi jiray, belo hugmaysaaye

  105. Waa kaa hillaacii u baxay, haatufka ahaaye

  106. Kol uun buu hilowluhu tumay, heello iyo jiibe.

  107. Dadka kale tashiga waa hojaa, kay hadhaw noqone

  108. Waxaanu hubsan Reer Cali-Gerow, haa dhowaan jiraye

  109. Waa waxa Wadaadkii ku hoday, Habar Saleebaane

  110. Iyagaa hoggaanka u ahaa, hororki waagiiye.

  111. Halaakada markaad sheegatay, holakhadeeyaane

  112. Waataad Bah Geri hoobideen, hanaddadoodiiye

  113. Kuwii boqorka heenseenayee, haafiyaad tahaye

  114. Hiirtaad baddeen baa khalqigu, hiifayaa weliye

  115. Maantana hannaankaad waddaan, waa halkii abide.

  116. Dabkaad hurin habeen iyo dharaar, holaca aad oogi

  117. Halla kuma gureyside dadkaad, ku hawiraysaaye

  118. Aduun baa hor Eebbiyo la tegi, holaci Naareede

  119. Iska hadhaye Aakhirana waa, lama huraankiiye.

Salaan Carrabay [Habar Jeclo]


Afar iyo Tobnaad (14)

  1. Laaqsi gabay Salaanow adaan, layli ku ahaannin,

  2. Aan laaqin mooyee murtida, laaxin ka idleynnin

  3. Oo weli la liicliicayaad, rag isku laashaaye

  4. Lur baad kororsataa iyo inaad, dacarta leeftaaye.

  5. Adigoo aan laaqin u ahayn, kaygu waa lacage

  6. Waa laba-khasaar inaan murtida, kuu lisaa adiye,

  7. Hayeeshee sidii wax iga lumay, an ugu luuqeeyo.

  8. Leyliga lixaad lihi haween waa, luggoyn jiraye

  9. Haddii aan raggii loodinayn, dumar ma liicshaane

  10. Leeleesho gaaladu haddaanay, kugu lammaanaannin

  11. Adba ilama aad loollanteen, oo Lillaahiya’e

  12. Libna iga Wallaad haysateen, Ledana maasheene.

  13. Jar inaad ka laallaadid oo, lulato mooyaane

  14. Lugba meel bannaan ma aad dhigteen, waana loo marage

  15. Ladnaantuba waxay kuu ahayd, laba dharaaroode

  16. Gob liciifta waa la arki jiray, gunise waa liide

  17. Layaab ma leh hadduu niman waqtigu, yarehe laadaaye.

  18. Inkastoo la jaro geed haddaan, xididka loo siibin

  19. Goortuu biyaha laasimo buu, laamo bixiyaaye,

  20. Lugi faras ma gaadhiyo rakuub, tiirshey luquntiiye

  21. Laacii ka baxa meel fog waa, lagu hayaamaaye,

  22. Haddii aanu kaa lumin caqligu, waad i laab garane.

  23. Awal baan laguug badan ahaa, oo is wada leege,

  24. Haddii anigu aan liito oo, yarehe laadlaado

  25. Meeshan iyo Luuq baa tolkay, ladani yaallaaye.

  26. Liisaanka kaa yimid hadday, laydhu kor u qaaddo

  27. Ay laliso wuxuu gaarayaa, qoon libaaxyo ahe

  28. Mar haddii Suldaankii labaad, soo lallabo weerar

  29. Sidii laxam baruur iyo hilbaha, loo karshaad noqone,

  30. Adaan lumin mar keliya baan sidii, aarka kuu liqiye.

Cilmi Carab Cabdi (Dhulbahante)


Shan iyo Tobnaad (15)

  1. Aarkuba haddii wiilal didi, laysu dabo joojo

  2. Marka hore siduu deyrka jebin, ways dalliciyaaye

  3. Dabadeed ninkuu dili naftay, kala dardaarmaane.

  4. Markuu duubiweynow indhaha, dibadda soo joojo

  5. Uu doorka laayoo ilkaha, darib u haanfiiro,

  6. Bal dayaay ninkii dalash ahaa, sooma daakhilo’e!

  7. Laba dibi dinnaahyayn ka siman, jeerey diriraane,

  8. Daafaha intay kala jiraan, wax isma doorshaane,

  9. Doc-ka-dhugadka daymada dambaa, mid is dalleenshaaye.

  10. Haddii Daawad deyr loo dhigoo, baarqab lagu daayo

  11. Uu dabar la soo dhaco midkay, kebaddu diifaysay,

  12. Bal dayaay markuu doobta rido, waa durduriyaaye!

  13. Orgi door ah oo naag dir badan, ari ku sii deysay,

  14. Hadduu qabatan galo oo riyaha, qaylo kaga daadsho,

  15. Bal dayaay markuu geeska daro, waa durduriyaane!

  16. Afartaasi waa gabayga dedan, dadabdhiggiisiiye;

  17. Warsangeliga caro daalisee, dibinta ruugaaya,

  18. Dirir hadduu maagana arlada, dubuq ka siinaaya,

  19. Bal dayaay dad buu ii xigaa, waana darafteeye!

  20. Suldaan duub leh daaraha khatiman, badaha duunkooda

  21. Hawiyaha dabkiisii sitee, dooni amarkiisa,

  22. Bal dayaay dad buu ii xiga, waana darafteeye!

  23. Mareexaan haddaan wiil u diro, laysu soo durugye

  24. Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu, webiga daanshoodo

  25. Hadduu dirir xigaalkii ogyahay, igama daaleene.

  26. Damta iyo dinnaagada horuu, kaa dul dhacayaaye

  27. Allaylehe inaan deynahayn, duunka kaa haraye,

  28. Haddii dalandal kaa fiigo waa, dooxanahayaaye.

  29. Intaasoo isku dawladi anooy, dunida ii joogto

  30. Markaan Dabacayuunow arlada, nabad ku daaqsiiyay,

  31. Allaylehe inuu daawo furo, waa gun dalabkeede!

Xaaji Khaliif Aw-Axmed (Dhulbahante)


Lix iyo Tobnaad (16)

  1. Ragga Cayn u kacayow war uun, Cali ha loo geeyo;

  2. Calaankii la guubaabin jiray, ciiradiis bogay dheh!

  3. Cidda Arab ah iyo Ciidagale, cuurka Habar Yoonis,

  4. Awalkaa ciriiriga u jira, ceelka Madarweyne

  5. Cabdi Bariga, Guuleed Suldaan, coodki laga qaad dheh!

  6. Cadale oo dhan Ciid iyo intaa, Ceelo uga taallo,

  7. Isaxaaqa kebed ciirayoo, Caliyo Haaruun ah,

  8. Cabdulliyo Makaahiil, Bah-Geri, callan Mareexaan ah,

  9. Hartigaa cadceed idil degoo, curadka Daarood ah,

  10. Cishihii Bah Deyraa u tegi, sidigta Coomaad dheh!

  11. Afartaa cadceedoodba waa, laga cataabaaye

  12. Haddii caaddilnimo loo warrami, ciirshe dunidiiye.

  13. Waatay cibraan iyo noqdeen, ciidan xoog badane,

  14. Waatay carruurtiyo habluhu, la ciddijiideene,

  15. Waatay caddeystii gobtii, calaf ka yeesheene,

  16. Waatii biyaha ceelka iyo, cawska loo miyaye

  17. Nimaan magan cirbaha loo fadhiyin, cayris baa dilaye.

  18. Haddaadse ciil ka bixi Xaajigii, kama carootaane

  19. Ciyaar sow shalay looma dilin, curaddadiinnii dheh!

  20. Calal miyey ka bixiyeen kuwii, Ina-Camey toogtey?

Xuseen Hudle (Ogaadeen)


Toddobiyo Tobnaad (17)

  1. Waayadaanba gabaygii dacmiyey, dahabku saarraaye

  2. Xaluun baa dabeeshiyo Insigu, wax igu daareene

  3. Abtirsiinyo waa dacar jinnoo, waan damqanayaaye.

  4. Dalkii nimanka tegayow farriin, dowga qabadsiiya!

  5. Dadka kale ha joogee warkaa, Cali dareensiiya!

  6. Deelqaafku waa ba’anyahaye, daacad ugu sheega!

  7. Doqonkii la guubaabin jiray, dib u guhaadow dheh!

  8. Ogaadeen Dannood iyo Digiyo, durugsay ceelkii dheh!

  9. Iiddoor dallaalnimo ka waa, Doollo iyo Ciid dheh!

  10. Daratoole iyo Faafan buu, daakhilkii yahay dheh!

  11. Deegaanta Iligeedna waa, degel Makaahiil dheh!

  12. Deris nimaan ku jooginnin ma cuno, daaqi Xodayood dheh!

  13. Daahyaale loo aar colkaad, nagu damqayseen dheh!

  14. Dagaaggoodu waa tuu tubnaa, daarihii Herer dheh!

  15. Haddaan gaalku noo dilin Isaaq, Deleb ma maaleen dheh!

  16. Majeerteenna dirirtii dhoweyd, duni u sii reeb dheh!

  17. Daandaansigii Reer Islaan, nacab u daadduun dheh!

  18. Nin dakano ka haysoo arkaa, shalay ma daayeen dheh!

  19. Daaroodka kale waa hayaa, ficil dagaalkiis dheh!

  20. Dacalkii Garaad Faarax baa, daad ka soo galay dheh!

  21. Dammani iyo baqdini waa mid ay, dir u lahaayeen dheh!

  22. Darxumoode nimankii fadhiyay, dadab Nugaaleed dheh!

  23. Dulligaad Dhulbahantow qabtaan, Dooyna laga sheeg dheh!

  24. Halkii Xaajigii lagu deldeley, kama dambaysaan dheh!

  25. Sidii xoon laxdiisii duntee, ugu dul meertaan dheh!

  26. Arladuu dangiigga u ahaa, lagu dabeeshow dheh!

  27. Isagu Aakhiruu degey Ilaah, deeqi haw furo dheh!

  28. Ma xilaha dumaashow haree, dacari haysaa dheh!

  29. Agoomaha ilmada duugayiyo, dumarka ooyaaya,

  30. Doolaabta naagaha xirtiyo, duubcad iyo weerka.

  31. Kuma diilalyoodaan kuway, dir u wadaageen dheh!

  32. Dabka iyo magliga waa sitaan, la isku dooxaaye

  33. Ma dad yara’e Eebbow xukmiyey, inay dulloobaane.

  34. Hadday faro wax daaweynayaan, duud dhan baa hariye

  35. Digta kama jallaadeen hadday, dirir ku quustaane

  36. Dulligay ku raalliga noqdeen, lalama doonayn dheh!

  37. Ku dikade dilkii Ina-Camey, Daa’im baa jira’e.

  38. Damqan maayo Reer Faarixii, damaca waallaa dheh!

  39. Axmed Cigena duugow haddaan, lagu dambaabayn dheh!

  40. Ararsame dagaal kuma jiroo, daacadwaa noqoy dheh!

  41. Cali-Gerina waayadaan ka dawr, dil iyo laystaan dheh!

  42. Allow dayey nimaan diin lahayn, oo dariiqo ahe.

  43. Deyntoodu Habar Yoonis waa, lagama doontaan dheh!

  44. Duurseexadkii Muusayaal, waa ku duudsamay dheh!

  45. Niman aar ku deeqiyo qabiil, dagani waa muushe

  46. Odayaal mushaar loo diriyo, khayrki baa dihine,

  47. Dab nin keliya oo shida miyaa, duulka laga waayay?

  48. Maxamed Cumar Dage (Ogaadeen)

  49. (Oo dhashay waayadii gabayadii Guba ay bilaabmeen)


Siddeed iyo Tobnaad (18)

  1. Ha’da maanso hooyaale gabay, halalka geeraarka

  2. In dhoweyd Habbane Faaraxow, hab uma luuqayne,

  3. Huqda wax igu reebaan arkayo, waan hanganayaaye

  4. Halaaggii ku dhacay Reer Barwaaq, holaci loo geystey

  5. Haaraankii Cali Aadankii, nagu hifaateeyey,

  6. Kuwa hilinka Bari qaadayow, hal iga gaarsiiya!

  7. Raggaad hurisay hiihdii ma dayn, haatan ka horrow dheh!

  8. Isaaq waxaan la daba heetinnaa, heenso godobeed dheh!

  9. Anigoo hamuun qaba waxaan, halawda dhawrtaaba,

  10. La hubsaday hoggaankii nabsigu, hiil u soo waday dheh!

  11. Ogaadeen xaqii laga hayiyo, saami buu helay dheh!

  12. Hurre wuxuu gambiyey hayb dhan aan, hali u soofayn dheh!

  13. Togga huran hundaha Ceeliseed, harada Gaaroodi

  14. Haaruun Maxaaddaad halkuu, Halab ku beeraayay,

  15. Hogga Dubuxul Hoosada bankiyo, Hallale meeshiis dheh!

  16. Heeshiga Wardheer iyo Dannood, Harafsan guudkeed dheh!

  17. Hiyigii ku beenow intay, ugu hawoodeen dheh!

  18. Gabaggabo kob aan lagu hantiyin, heelka lagawaa dheh!

  19. Hootada waxaa lagu hanfaday, dhagixi Haarweyn dheh!

  20. Kuwii dalagga lagu hiifayaa, Heenyo saanyaday dheh!

  21. Waatay Berbera haybsadeen, habaqlahoodii dheh!

  22. Idinkaa dalkiinnii u huray, Habar Xabuusheed dheh!

  23. Hambarraacin mooyee horraad, uga hagaagteen dheh!

  24. Garaad Faarax goortay hogsheen, haatan ma ahayne.

  25. Hananweyde ceelkii Badweyn, haradi Ceel Dhaabe

  26. Ka hulleeshe heelkii dhexiyo, haatan Caynabo dheh!

  27. Nimaan Habar Jecliyo Muusayaal, ugu hagaagaynnin

  28. Inuu dhagaxa hoos uga degaa, haniyo weeyaane.

  29. Nimankii Nugaalba hantiyaye, horinta loo waayay,

  30. Iyagaan u hawl gelin kuwii, habacsadee laastay,

  31. Maantay halyeygii dileen, Hagar u noolaa dheh!

  32. Hab wanaagsanow Ina-Camey, halanqihii mootay,

  33. Haad iyo waraabaa habqaday, halabki dheeraa dheh!

  34. Waxaa haanka loo jaray inaan, hali u diideyn dheh!

  35. Dadku kala hannaan quruxsan oo, haybad kala roone,

  36. Haldhaa-kacay-la-moodyow markuu, hab u taxaashaayo!

  37. Haashaashka laafyaha markuu, hagac ka siinaayo,

  38. Hanqalkiyo hareedkiyo gadhkiyo, qalabka heemaalka,

  39. Iyo horin-ka-roonow ninkaa, qiimo lagu haystay!

  40. "Haq!" waxaan iraahdaa markay, igu hanqaaraane.

  41. Hab hadday martidu soo tiraa, heelka gurigiisa,

  42. Hilbo loo qalyaa iyo xumbada, Halab la siiyaaba

  43. Anfacada haddii laga hambado, huri ogaantiisa.

  44. Harka geedka fagaaraha markii, la hindisoonaayo

  45. Nin xun baa wax habayaaqiyoo, haatiyoo dila’e

  46. Arrinkii qabiilku u hugmaan, heli ogaantiisa

  47. Hindisaha ka doodka ah markii, la hanjaboonaayo

  48. Meeshii sarbeeb lagu hayaan, had iyo qoob joogin,

  49. Majliskuu ka haasaawi jiray, hadal macaankiisa.

  50. Halaakada colaadeed markii, la isku hiifaayo

  51. "Hayaay!" iyo "hayaay!" maalintii, la isku haaraamo!

  52. Fule baa habaarane naftii, hibada loo yeelay.

  53. Nin xigaalkii soo haybiyay, gacalki hoomaayay,

  54. Heensaha gammaan lagu heliyo, hal iyo awrkeed dheh!

  55. Bakhayl lagama haagee ninkii, hagar la’aantiis dheh!

  56. Intaasuu halyeygii lahaa, hadiba maayaane

  57. Anuun baw hilloobaye tolkii, uma hadaaqaane

  58. Handan maayo Hagar Aadanoo, waa hundhurayaaye,

  59. Allaylehe halaag baa ku dhacay, hebelladoodiiye!

  60. Shirshooruhuba waa habacsan yahay, Khaalid Habarwaaye

  61. Is hoogaamin mooyee arrimi, waa ka huruddaaye

  62. Haasaasahoodaan ka garan, inay hungoobene

  63. Inay aayahoodii helaan, waa ka habartoode,

  64. Waa laysku huguguulayaa, haybta guudnimo’e.

  65. Hilbaa lagu hirtaa maalintay, hedi timaaddaaye,

  66. Hambaduu ka tegay Xaaji Cumar, hogoshyo weeyaane

  67. Ma xillaan harraad kulul geleyn, huumi dirireede

  68. Caydiid nimuu waran la helo, lagu hankaageeye

  69. Bah Ugaadh hillow kuma jiriyo, nimay haleelaane

  70. Hiyigiisu Reer Maxamed waa, geel hawadintiise,

  71. Hadhow bay nimaan horor ahayn, hebel yiraahdaane.

  72. Hafri maayo oo Ina-Sii-Arag, habas ka liitee’e

  73. Halo raacid mooyee si kale, looma haybsado’e

  74. Hankii Cali Durraan lagu ogaa, hadalki beenowye

  75. Wuxuu Ina-Baxnaan haybsadaa, malaha Hiiraane,

  76. Hadduu haybad leeyahay arlada, wuu ka haayiraye

  77. Allaylehe habkii gobi lahayd, hure wanaagiiye.

  78. Illeyn horin dhan lama goobo oo, gabey halkoodiiye,

  79. Haadaa qabiil niman ah aan, habar wax yeeleynnin

  80. Oo hanaddadoodii la jaray, hiil u geliwaayay,

  81. Ogoobeey haween iyo carruur, ma hawo dhaamaane!

  82. Hartay oga dhasheen ficil rag waa, kala hagaagaaye

  83. Waxay hilib wadaagaanna waa, higilka Daaroode

  84. Hanti ay gaar ugaga qaanbaxaan, heli ma waayeene

  85. Waxay la hamradaan wayla yaab, hiil Allaa jira’e!

  86. Ragse godobti waa haybin jiray, heeray gaadhaba’e

  87. Haddaad aayihiinnii heshaan, haaddu kala weyne

  88. Haramcad iyo weer iyo libaax, kala hagaag roone

  89. Bahdii nimey ku heedhaa qabiil, laga hawaystaaye,

  90. Cawad Shire haddaan lala helayn, holaca baaruudda,

  91. Ama aan Maxamed lagu haanka jarin, haalig la afeeyey,

  92. Heegaduu fadhiyay Muruqliqaan, heermi laga yeelin,

  93. Faarax-Suusle aan lala hormarin, gumuc haliilaaya,

  94. Ama aan Jaamac hilibkiisa weyn, haadda la cunsiinnin.

  95. Haddaydaan raggaa hidin karayn, Haabin laga eegto,

  96. Ku hungowde Habar Yoonis aad, Hawd ka dayataane,

  97. Kuwa suuqa haashaynayiyo, hebello raadgooba!

  98. Halkii kiinna lagu haanka jaray, dhiig ku hagac siiya!

  99. Nafta hura iyadoo heedhey bay, hibasho reebtaaye!

  100. Haddii kale huluulaha ku jira, habi la’aantiinna!

Maxamed Cumar Dage (Ogaadeen)


Sagaal iyo Tobnaad (19)

  1. Gun baan ahay gambo cad baan xidhnahay, iyo gadh naagoode

  2. Gashaantida sideedoo kalaan, guur u sugayaaye,

  3. Anigiyo hablaha loo galmoon, waa gudboonnahaye,

  4. Jeeraan gamboolka iska rogo, guudka iga saaran,

  5. Ogaadeenka noo soo gabyow, waa gar xaajaduye! 

Cali-Dhuux Aadan (Dhulbahante)


Labaatanaad (20)

  1. Xasan iyo anoo sida Xuseen, la i xambaaraayo

  2. Iyo haatan xaaddii gadhkoo, xayga ka caddaatay

  3. Xabbad iyo dil bay noo ahayd, Reer Xirsi Cismaane

  4. Xashiishka iyo laba Muuse way, ku xadfanaayeene

  5. Xubin keliya Hagar Aadan baa, iila xoog badane,

  6. Intaasay xumaan iyo wanaag, la xarbiyaayeene.

  7. Xaqna nalama bixin nimankii ay, na xejinaayeene

  8. Xarakada Carraaliyo Wacays, nama ay xaaleyne

  9. Cali-Gerina waa na xistiyaa, tan iyo xaataaye.

  10. Nimankii xafiiskii Berbera, xawda nagu gooyey

  11. Ee Xaajigii diley dadkaan, kala xabaal seegin

  12. Ee xayda xagarkaa geshee, kuna xalaaleeyey

  13. Mar haddii xaniinyaha la jaray, waa xamdi Ilaahe

  14. Inay guuto noo soo xugaan, waw xilgi la’aane

  15. Xaggoodaan u jeedaye nabsay, ku xarragoodeene.

  16. Weerkuba wuxuu xilo galoo, xeeda ka hayaaba

  17. Xanuunka iyo gaajada wuxuu, la xabbisnaadaaba

  18. Xoolaha wax laga ooto oo, laga xareestaaba

  19. Markay xayni soo goosatuu, ugu xasuuqaaye

  20. Mana xishoodo jeerey ilkuhu, xanaf sarreeyaane

  21. Markaasuu calooshii xidhneyd, xalus ku yeeshaaye.

  22. Anna waxaan la xoodnaa shalay, iga xayuubsheene

  23. Hadba waxaan la xarakaadayaa, waa xogtaan helaye

  24. Waakaa jirkaygii xugnaa, soo xankaakubaye

  25. Xoonkii shinnida doonayaye, xoonbax oranaayey

  26. Aan xabagbarshiyo awlallada, cidi la xaalaynnin,

  27. Xawliga durduradaan ka biqi, xeeb inaan tago’e

  28. Xaaladdooda niman baa qarshoo, xani ka raacdaaye,

  29. Xuurkiyo waraabaha miyaa, xalay ducaynaayay!

Samatar Baxnaan (Dhulbahante)

Dhammaad.


Haddaad ku aragtay wax khalad ah, ama ereyo aan

si fiican u qornayn; si loo saxo khaladaadka, fadlan,

la soo xidhiidh maamulka taleexmedia44@gmail.com


Mahadsanid.