Barigii dagaalkii kalshaale dhacay ayaa laga furtey xub iyo saanad military. Dagaalkan u dhaxeeyey (Dir iyo dhulbahante). Gabaygana wuxuu sheegaya farqiga u dhaxeeya idoor iyo dhulbahante, halka idoor logu sheegay in guumaystihiii raran jiray halka dhulbahante la dagaalamyey guumaysigii ku soo duulay dhulbahante soomaaliyeed. Wuxuu yidhi abwaan Afwaraabe


  1. Meelkastuu Ukoco Ma Jiro Ruux Soo Kordhinayaaye-

  2. War Rag Kalsooni Buu Leeyahay Uu Meel Ku Kaydsado e-

  3. Talo Uu Isagu Keenayo Buu Kor Ugu Guuraaye-

  4. Konton Laana Iyo Been Dadkii Lagu Kadeedaayey-

  5. Ee Karaamadoodii Luntay Yaan Kaalay Leeyahay


  1. Kulmiye Iyo Kuwaa Udub Wada Ee Aniga Ii Keenay-

  2. Waa Dadkii Kiraalaha Noqday Ee Ay Iga Kaxaysteene-

  3. Kashif Ruux Ka Baqayaa Ma Cuno Kadabka Qaarkiise-

  4. Kaskaaskiyo Ninkii Liitaay Bay Kuul U Geliyeene-

  5. Kurihii Hargaisa Ee Aan Ogaa Kooxda Yare Joogta-


  1. Kursi Inay Helaan Ha U Fadhiyin Kaafba Kuma Taale-

  2. Korkiyo Waxaa Laga Jiraa Afarta Koonoode-

  3. Kumayaalka Gaal Iyo Kuwii Koofil Shalay Laayey-

  4. Rag Kiniisad Neceb Baa Jira Iyo Kiristankoodiiye-

  5. Lacag Kiishash Lagu Soo Ridey Ay Kooxi Daba Joogto-

  6. Oo Aan Kufkaygaba Ahayn Ha Iila Soo Kicine-


  1. Talyaanigu Markuu Koonfur Degey Kuna Kadeedaayey-

  2. Ingiriisna Kaalihii Hore Iyo Ciidamada Keenay-

  3. Kobtan Ma Lihid Anigaa Idhi Oo Kiciyey Gaalkiiye-

  4. Kasha Iyo Qalbiga Niman Ka Neceb Kaafirkaan Nahaye-

  5. Iidoor Korkaa Laga Rartay Kamana Diidayne-


  1. Waatuu Sidii Koronka Awr Keenada Lahaaye-

  2. Anigaa Karbaashkii Ka Rogey Kabadii Saarnayde-

  3. Kaluunkiyo Beerahaan Lahaa Way Kobcinayaane-

  4. Haduu Kabo Ka Waaweyn Gashaday Ama Kur Dheer Fuulay-

  5. Nin Walbaa Wixii Uu Kasbaday Waa La Kulansiine-


  1. Kadeed Iyo Dhib Badan Baan U Maray Dowlad Kaamilehe-

  2. Kibir Bay Ka Qaadeen Markaan Keenay Calankiiye-

  3. Kurba Inuu Kasoo Dego Ninkaan Dhaar Ka Kalow Siiyey-

  4. Kob Banaan Markuu Dego Ninkii Laga Kiraynaayey-

  5. Kabraradii Galbeed Baa Itiri Kuuriyaan Ahaye-


  1. Caruuraha Kariiriga Dhaqda Ee Kaymaha U Ooda-

  2. Ee Geel Kooro Waaweyn Leh Iyo Koromo Moodaaya-

  3. Iyo Kulanka Iidoor Wadaa Kob Isma Dhaamaane-

  4. Kelmad Gaal Ku Yidhi Bay Xornimo Kamilo Moodeene-

  5. Oo Maro Yaroo Loo Karkaray Kor Ula Boodeene-


  1. War Daaroodka Kilin Fayf Dega Ee Kiiniya Iyo Eyl Leh-

  2. Waa Kuwo Nin Soo Wada Dhalay Aan Kala Fogaanayne-

  3. Gidi Waa Kubkii Odayga Ee Ma Aha Keen Keene-

  4. Kooraha Colaadeed Hadii Kaadh La Kala Qaato-

  5. Oo Aan Usoo Koco Dagaal Kii Horaan Ahaye-

  6. Marba Reer Yaroo Soo Kobcay Oo Kibir La  Boodaaya-

  7. Iyo Gaal Badayda Iyo Kormara Kaymihii Boqorka-


  1. Dhaaxaa Dagaal Lagu Kulmay Ay Kabaha Daadsheene-

  2. Kariimkaan Ku Dhaartee Ma Ihi Kuway Guumaysteene-

  3. Kashifkoodu Waa Maalintaan Geenyada Ukoree-

  4. Naf Kash Kaash Ka Badan Baan Ujaray Kaad Ku Kibirteene-

  5. Kamaandowstii Yurub Baan Cunay Aan Kiis Iqabanayne-

  6. War Kursigayga Yaan Nimaan Lahayn Cidi Ku Kaalmayne.