GABAYGII KOOGIL EE DARAAWIISHTA Gabayadi can baxay ee sayid Mohamed ka tiriyey jabkii Ingiriiska waxaa ka mid aha dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe) o ahaa kii lagu dilay taliyihii cidamada Ingiriiska Richard corfield, gaalkaas o Soomaalidu u garan ogtahay koofil ahaana ninkii Sayidku ka tiriyey gabaygii can ahaa ee Adaa koofilow jlitayoon. Waxaa sidoo kale halkaas lagu laayey saraakiil badan o Ingiriis ah. wuxuu yidhi
Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la'aaneede
Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda
Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
Waxay noo jajuubteenna waa, jibasha diinneed dheh
Jigta weerar bay goor barqo ah, nagu jiteeyeen dheh
Anigana Jikrey ila heleen shalay, jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh
Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jeerarka u muuji
Naf jaclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh
Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
Kolkaan juuq idhaahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh
Dhaaxaan jalleecee dhagbaan, jalaq la ii siinin dheh
Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hor maray, jaasadeed helay dheh
Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
Kolkay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh
Jiidhkaygiina bahalbaa cunoo, jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
Jiljiladiyo seedaha tukay, igaga jaaseen dheh
haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jidroonaa dheh
Weligood waxaa lagu jaraa, jilib-dhig duulaan dheh
Daraawiishi waa jibindhowgiyo, jowga soo bixi dheh.
Kobtan Ma Lihid Anigaa Idhi Oo Kiciyey Gaalkiiye
Gabaygani waxa uu muujinayaa sidey beesha dhulbahante u difaaceen uguma soomaliyeed meel walab ay dagaal, iyo jabkii ay u geesteen guumeestihii dhulka soomaaliyeed soogalay. Waxa kale oo gabaygan ke dhex arki kartaa sida idoor dusha looga raran jiray.
Meelkastuu Ukoco Ma Jiro Ruux Soo Kordhinayaaye-
War Rag Kalsooni Buu Leeyahay Uu Meel Ku Kaydsado e-
Talo Uu Isagu Keenayo Buu Kor Ugu Guuraaye-
Konton Laana Iyo Been Dadkii Lagu Kadeedaayey-
Ee Karaamadoodii Luntay Yaan Kaalay Leeyahay-
Kulmiye Iyo Kuwaa Udub Wada Ee Aniga Ii Keenay-
Waa Dadkii Kiraalaha Noqday Ee Ay Iga Kaxaysteene-
Kashif Ruux Ka Baqayaa Ma Cuno Kadabka Qaarkiise-
Kaskaaskiyo Ninkii Liitaay Bay Kuul U Geliyeene-
Kurihii Hargaisa Ee Aan Ogaa Kooxda Yare Joogta-
Kursi Inay Helaan Ha U Fadhiyin Kaafba Kuma Taale-
Korkiyo Waxaa Laga Jiraa Afarta Koonoode-
Kumayaalka Gaal Iyo Kuwii Koofil Shalay Laayey-
Rag Kiniisad Neceb Baa Jira Iyo Kiristankoodiiye-
Lacag Kiishash Lagu Soo Ridey Ay Kooxi Daba Joogto-
Oo Aan Kufkaygaba Ahayn Ha Iila Soo Kicine-
Talyaanigu Markuu Koonfur Degey Kuna Kadeedaayey-
Ingiriisna Kaalihii Hore Iyo Ciidamada Keenay-
Kobtan Ma Lihid Anigaa Idhi Oo Kiciyey Gaalkiiye-
Kasha Iyo Qalbiga Niman Ka Neceb Kaafirkaan Nahaye-
Iidoor Korkaa Laga Rartay Kamana Diidayne-
Waatuu Sidii Koronka Awr Keenada Lahaaye-
Anigaa Karbaashkii Ka Rogey Kabadii Saarnayde-
Kaluunkiyo Beerahaan Lahaa Way Kobcinayaane-
Haduu Kabo Ka Waaweyn Gashaday Ama Kur Dheer Fuulay-
Nin Walbaa Wixii Uu Kasbaday Waa La Kulansiine-
Kadeed Iyo Dhib Badan Baan U Maray Dowlad Kaamilehe-
Kibir Bay Ka Qaadeen Markaan Keenay Calankiiye-
Kurba Inuu Kasoo Dego Ninkaan Dhaar Ka Kalow Siiyey-
Kob Banaan Markuu Dego Ninkii Laga Kiraynaayey-
Kabraradii Galbeed Baa Itiri Kuuriyaan Ahaye-
Caruuraha Kariiriga Dhaqda Ee Kaymaha U Ooda-
Ee Geel Kooro Waaweyn Leh Iyo Koromo Moodaaya-
Iyo Kulanka Iidoor Wadaa Kob Isma Dhaamaane-
Kelmad Gaal Ku Yidhi Bay Xornimo Kamilo Moodeene-
Oo Maro Yaroo Loo Karkaray Kor Ula Boodeene-
War Daaroodka Kilin Fayf Dega Ee Kiiniya Iyo Eyl Leh-
Waa Kuwo Nin Soo Wada Dhalay Aan Kala Fogaanayne-
Gidi Waa Kubkii Odayga Ee Ma Aha Keen Keene-
Kooraha Colaadeed Hadii Kaadh La Kala Qaato-
Oo Aan Usoo Koco Dagaal Kii Horaan Ahaye-
Marba Reer Yaroo Soo Kobcay Oo Kibir La Boodaaya-
Iyo Gaal Badayda Iyo Kormara Kaymihii Boqorka-
Dhaaxaa Dagaal Lagu Kulmay Ay Kabaha Daadsheene-
Kariimkaan Ku Dhaartee Ma Ihi Kuway Guumaysteene-
Kashifkoodu Waa Maalintaan Geenyada Ukoree-
Naf Kash Kaash Ka Badan Baan Ujaray Kaad Ku Kibirteene-
Kamaandowstii Yurub Baan Cunay Aan Kiis Iqabanayne-
War Kursigayga Yaan Nimaan Lahayn Cidi Ku Kaalmayne.