HAL QABSI

Calooshii mugeed laga badshaa, mawdka wa u halise

~Yuusuf Dheere

Allahayoow baduugaha ka yeel cadawga buuhoodle 

~Yuusuf Suusle

Kuuligu hadduu kugu ilbaxo, eri maxaa dhaama,

Mid kaloo abaal kuu hayaa iman bartiisiiye

~Shamiraaye

Wixii aan Doraad soo Mariyo Beladii yaa doonay

~Jaamac Kadiye.

Ma nin loo tudhaan ahay anay teyda noqotaaye

~Maaweel

Xiisaha ina Aduun waa intaad xooga leedahay

ninkastoo xabiib ku aha xawli kugu dhaaf.

~Geele Cumar Cashuur

Midh midh miyay u yaaceen idoor naftaan, meela kaa celine.

~Geele Cumar Cashuur

Dhulbahante nimaan agoon baa ku dhaha hadalka qaarkiye

~Cali Dhuux

Isma oga agoon iyo ninkii aabaheed dilay

~Ismaaciil Mire

Ba'da gabay Ismaaciil Mira buuni ku ahaaye

Bayd u akhriyey weli ma oran yaa beddela kaase

~Cali Dhuux

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

~Ismaaciil Mire

Ma welwelo qayaad iyo ninkii wagar dhac haystaaye 

~Aadan Carab

ANA CALANKA TOOLMOONI WAATAHARAGAYGIIYE

~Bide Faarax Gaas

Lule booci lebigii jirde loodin kariwaaye.

~Cilmi Carab Cabdi

Ogow balaba baladili xigtaaa laysku beegaye.

~Samatar Baxnaan

Mareexaan haddaan wiil u diro, laysu soo durugye.

~Xaaji khaliif

Haddii midigtu keli taagan tahay, tahar ma goyseene.

~Samatar Baxnaan

Oo qaybtu saa kuma wacnee odaygu weydaarshay

Oo aad walaaladin jarteen wegere yeelkiinna

~Aadan Carab

Inta geela adigoo Nugaal Cudud Ku Daaqaaya

Caqligiinu Waataad Wadaad Kula Carrawdeene

~Ismaaciil Mire

Cartaney Cammuud layska qaad ceelki reer magane

Hadday curaddadii noolyihiin wad Cabbi lahayde

Nimankil ku caawiyi jiraan cidi ka noolayne

Cabdullaahi yo Yusuf baa ciidda hoos maraye

~Cali Dhuux

Hablaha Xuural Ceeynta ah Rag baa Xeel ku Guursada.

~Ismaaciil Mire

Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darnaan jiraye, 

bal dayaay wadaadkii wakaa, si dabayshadaye

~Cali Dhuux

Ba, da maanso cali aadanow bili laguu silye.

Bishmaha Nin kala gaada gabay waad ubadisaaye

~Ismaaciil Mire

Ubbo weyso wan kugu arkaa agab salaadeede

Aadaanka wan kaa maqlaa oogga waaberiye

Asaxaabihii olol-ku-dhace waw abtirisaaye

Hadduu uurka kaa jiro wardigu kaa ma orodneene!

~Cali Dhuux

Anagu Gaaniyow gacalka dhacan, waaka gubanaaye

Gankaa naga xanuunsada wixii, gaadha Reer Hagare

Gadhka yo wadnaha buu nagaga yaal, gabiga Daaroode'e

Uma gabayno maantii Islam, gaalku weeraro e

~Ismaaciil Mire

Guuguulihiiyow hadad guga u ooyayso

Hadaad moday kalidaa inuu gubayo jilaalku

Ama aad gabawyaha kumaran gama ladiidayso

Gidigood adoomaha waxaa gaaray sabanwayne

Abaar gaag ma reebtaha, baadhacdiyo gaatamookale

Gartaa maaha inaad gaar ucabataaye

Guumays ciroole ah baan ahaye war aan kugaarsiiyo

Geeli aduunka u adkaa gobolo waydowye

Golihii kakiciwaa ragii gaydho hayn jiraye

~Ismaaciil Mire

Saryankil garbaha wayn lahaa goob ka kici waaye

Wuxuu gooni daaqii habsaday gubadadii hawde

Garanuugta yo deeradii gag yar baa hadheye

~Ismaaciil Mire

Waa la arkijiray niman uu waqtigu yaraha laadaeye.

Gob liciifta waa la arki jiray gunise waa liide.

~Cilmi Carab Cabdi

Gob liciifta waa la arki jiray, gunise waa liide

Layaab ma leh hadduu niman waqtigu, yarese lalaadshay

Inkasoo la jaro geed haddaan, xididka loo silbin

Goortuu biyaha laasimo muu, laamo bixiyaaye

~Cilmi Carab Cabdi

Markaan Dabacayuunow arlada, nabad ku daaqsiiyay,

Allaylehe inuu daawo furo, waa gun dalabkeede!

~Xaaji khaliif

Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu, webiga daanshoodo

Hadduu dirir xigaalkii ogyahay, igama daaleene.

~Xaaji khaliif

Nin dallagani Reerkooda waa doc-uma-dhaafaane

Dadka kugu diryaa yo af-xumo kugula daalyaaba

Sidii dumar la-wada-guursaduu kuula diriraa

~Samatar Baxnaan

Kalxantiyo markii gacanta midig keebku iga gaadhey 

Kun qolaa jeclayd inaad xabaal igu kisaysaane

Kelmedaan lahaa baa dadkii ii kohanayaaye 

Kasgaabkiyo shisheeyuhuna way i karin lahaayeene

Inkastoo kitaab iyo quraan la igu kowsiiyo 

Kabcadii horteed inaan dhintaa kaafka kuma taale 

Annooy kibisi ii nooshahaan laasan kadabkayga 

Hakaraamo seegina habaar laygu kariwaaye 

~Aadan Carab

Anigana walaac baa igalay o ma waafiqine

Hawiyahaa wareeraa ka dhaw wehesho idoore

lyagaan ba calankii wacnaa waraq u googayne

Intay garanka waaxyaynayaan waardiyaan ahaye

Ha la wado dagaal waahoruu waajib ku ahaaye

~Yuusuf Suusle

Dhambaal lalama yaaciyo waraaq sida dhaliileed

Dhagaxaan qaad iyo adeeg gaalada dhihine

Dhawaaqayga Kuma faarixine Waaka dhii, dhiyey.

~Cali Dhuux

Suldaan duub leh daaraha khatiman, badaha duunkooda

Hawiyaha dabkiisii sitee, dooni amarkiisa,

Bal dayaay dad buu ii xiga, waana darafteeye!

~Xaaji khaliif