SILSILADII HALACDHEERE, EE U DHAXAYSAY ABSAME VS HARTI
Waxaa silsalada ka qayb galay Labo abwaan oo Majeerteen ah, iyo Sadex ogaadeen ah. Majeerteen ma haysan abwaaniin u dhigma kuwa ahy ogaadeen haystaan taasina waxay sababtey in dhulbahante gurmad ugu yimaado si looga caabiyo absame halkaas waxaa soo galay Afar abwaan oo dhulbahante ah yagoo caawinaya majeerteen. Waxaa taas la dhihi karaa dhulbahante waxaa qaadey hartimo.
Cali Sharmaake Majeerteen
Qamaan Bulxan Ogaadeen.
Cali Dhuux Aadan Dhulbahante
Gooni Cabdi Majeerteen
Bidhiidh Qamaan Dhulbahante
Sayid Maxamed Ogaadeen
Ismaaciil Mire Dhulbahante
Faarax Caytame Ogaadeen
Yuusuf Dheere Dhulbahante
Dhulbahante (4) Abwaan. (5) GABAY BAY KU LEEYIHIN
Ogaadeen (3) Abwaan. (5) GABAY BAY KU LEEYIHIN
Majeerteen. (2) Abwaan. (2) GABAY BAY KU LEEYIHIN
GABAYGII (1)
Gobonimo inay hodan tahay, oo horay naloo siiyey
Hanti tiisa isagoon wadanoon, tolkii iga horaynin
Halac Dheere ninkii sanado, hayn jiraan ahaye
Cali Sharmaarke ( Majeerteen, Harti)
GABAYGII (2)
Halkaad cali sharmaarkoow na tidhi waa huf iyo beene
Waxbaan heli karaa baad na tidhi waadna hibataane
Haaraanka iyo faanku waa haayad kala dheere
Isku hilin bal qaad xaajadaa kaa hadoodilane
Gobonimo hadey hodan tahoo horay laguu siiyay
Hoh maxaad utidhi wiil marti ah hilib intaad siiyay?
Harag timira, heeshiga Bariis bur iyo haashaarka
Xedhyahan hadoodilan barnida lagu hagoogaayo
Hasha gowraceediyo ritiga kuruska hayn waayay
Hab ku-dhacay iyo gabadh aan heegii laga goynin
Haasaawe dheero waliba hibasho waayeel leh
Lixaadaan hanbiyo sheeg laheyn hor alle mooyaane
iyo dadabta hooska leh anaba gelinay haybtiine
Majeerteen hab nugulaa nin maray hadalkii muu daayo
Harti waxaan ku nacay ruux miday higis dhan moodaane
Idinkaa hayeeysnimada qoray halac ogaadeene
Eeeggan ma hiif la,a sidaad harag usaarteene
Waryaa nala horeeyaaydu soo hadal afwaa ma,ahooy?
Qamaan Bulxan Yuusuf (Ogaadeen, Absame)
GABAYGII (3)
Inkastoo Baruur La Harqiyo Halaba Loo Geeyo
Inkastoo Hal Looqalo Hilbana Halakan Loo Keeno
Marna Ninan Habun Goyn Ahyn Lala Heshin Waaye
Hambo Laguma Doodine Haddu Uinku Wada Hiifo
Wuu Hadal Layahay Seedigay Laguma Hiifene
Hayeesh Lama Qoreen Halac Sidi Haawis Oo Kale
Idinka Hadhuudh Bixin Jiray Bur Iyo Hashaare
Bariis Heeshi Lagu Daadiyo Heeda Ka Casaday
Hilbo Siiye Hamana U Shubee Halab Karuurkeede
Habenki Iyo Subax Badiba Waa U Hagar La'aayeene
Inkastuu Hirqaado Waa Ninan Lala Heshinayne
Majeerteen Hab Loodaa Xarago Hori Baa U Tagaye
Ogaaden Baa Waa Hiifaya Had Iyo Goortaase
Hagagaba Aan Daynee Qamaan, Hor Alla Ruuxaaga
Halac Oo Hir Dheer La Eg Hadduu, Hogob Kasoo Muuqdo
Idinkoo La Hayb Ahiba Waad, Wada Habaartaane
Harti Maxaad Ku Geli Eebbahay, Horror Hadduu Keenay
Cali Dhuux Aadan (Dhulbahante, Harti)
GABAYGII (4)
Qarsan waa Ogaadeen halkii qooqa loo yiree
Qarfa kulul rag soo maray haddii idin qaraabeeysto
Qaaranka sooryada haddii la isku qaar-daayo
Qabay caano laga buuxiyo qado ma keentaanee
Qurfi qooro lagu soo rido qaac ka ololaayoo
Geed qaar ka dhowrsoon intii qoyska loo galoo,
Maxaa kaga qoslisaan martida waaba qadisaanee
Qabuubyada bariis qaabi lagu iibshay
Xeryaha qamaamadan baa qaarka hore saaran
Qado malab qaafiri xalwa qarar karuur geela
intaas quraac loo baxshaa la isma qaameeyoo
Qolqoladda haddii ay martidu, qab iska soo siiso
Qoladiina Reer Faarax yaan, qadow ka foofayne
Qabey caano geel lagu lisiyo, qado ma haysaane
Ma dad baydun qali xoolo, waad ka qatanaydeene
Gooni Cabdi Xaaji (Majeerteen, Harti)
GABAYGII (5)
Guraasoow haweestaye hadaad naga hagaageyso
Hawo lalama jiife hadaad hilayga awr saarto
Ood faraska heensaha hudoon heeda kaga yeesho
Ood horay usii mari wadadu waa had qaro weyne
Halaqa iyo gaajada hadaad hoyoto ood dhaafto
Majeerteenku waa hod-dan-yahee hal iga gaadhsiiya
Hido Boqor ma sheegine kuwaa midigta haaneeda
Hadhuub inuu ka raaco kuwaan horayba eedoownay
Hogta godan biyuhu waw hadhaan horinta reer yuusuf
War maansadu huq bay tari asaan lagu heshiin doonin
Halaagii ka dhaca labada reer ee hurgumo reebi
Inaanan hortii horre laheyn una hogaan jiidin
Bal ogaada waatad hartoow hiil kurtaa tahaye
Afartaa higaadshaye miyaan kala haboowsiiyay
H'da ma ugu dhigay sheekh sidii hagabsi waa ceebe
Ma hawadiyay waayahakan waa igu higaag-naaye
Sida gooni haar lama jafee hilin cad ma ujeexay
Halna waxaan ka idhi dhalashaduu hanane ceeb faanay
Hiraab iyo hawiye iyo intii hilib islaameed ah
Habow kama tegana wiil intuu ka odhan geede
Hiddo xumo Bah yacquub nin ogi hayb ma faaqido'e
Hareer waxaa iga xiga saahidooy hiladii buuxdaaye
Dubbad Hiirad heel laguma ridin hanadkii dhuubnaaye
Cilmi raage iyo Yuusuf baa hoos dhig ii maqane
Xasan iyo cabdina waa ila hayb hadise meysaane
Sheywaalna horintii laheyd hadalkii loo sheegye
Intaas oo hogaa iga ag qodan amase haadaane
Oo lagu hor-dhigi maalintii hilibku jiitooye
Halna waxaan ka idhi waa anfaco tuu hunguri sheegay
Hadaan heegno goolweyn asaan neef dhan uhagaajo
waxaanu anigu hoo idhi amase bilo dhan loo haarto
Hunguraad cuntaan abidna aan laga hamuun-goynin
Hambo intaad ka sugi eebahay hodankii weyaane
Hilbo-duuf ah noogama duwana harag ugaadheede
Idinkaa uhardamayee, Anfaco malaha howshaase
War maad heybsataan waxaad dhigteen dirirtii haar-weyne
Qamaan Bulxan (Ogaadeen, Absame)
GABAYGII (6)
Caliyow hagaagtaye haddaad hilinka dheer qaado
Hawdka aad maraysiyo cidladu waa Inala heshiise
Jidku waa habeebe haddaad hurisada dhaafto
Ogaadeen hundood iyo haddaad haro digeed gaadho
Hadii lagu hor Maro oo ardaa heelan lagu geeyo
Wadkaagi horteed sooryo waa ku hor tiraahdaahe
Halab caanaheediyo hadii hilib laguu keeno
Hab wanaagsan yeel dheefta waa laga hanbeeyaaye
Ama halac ku dayo waa wixii hoday ogaadeene.
Bidhiidh Qamaan (Dhulbahante, Harti)
GABAYGII (7)
Axmadoow gob waa hadimodeed hadalka qaarkiise
Hogog galinta haasawahaad na hoojiseen gooxa
Hooy baaban leeyahay aroos ku haban taagiise
Isagaba hiraab iyo durduro hadhimoba waa tiile
Hadhuudh waa diyaariyo goolalal waana la hubaaye
Caanahaa haleeladu ka badan Haro shilaaboode
Hadaayaba wax way isiin laheyd hagar laadeydiiye
Nin hal gaaban oo hir dhow baad igu hadeysaaye
Marse hadaanan howraarsan iyo Haa ku odhaneynin
Maxaad dacalka ii haysataa waa habeen dumaye
Ninkii Haybad lihi maanso waa hoga-hogeeyaaye
Meeshuu Halmaan kaga jiruu hanad ka tiirshaaye
Afartaa H’dii lagu balamay Hoow makaga siiyay
Hambalaalaq deelqaaf leh waan kala hawoodaaye
Hartii Qamaan sheegay iyo Habo-waa ma udiiday
Sidaa Hayaa hooshyada Ma waan kala habowsiiyay
Hogsaarkeeda la iskuma bashee haybad ma uyeelay
Halna waxaan ka idhi anigiyo heerinimadeyda
Runba inuu hadalku kaa yihiyo i holineysaaba
Hog hakuugu soo dhaco hadaad ku hindisooneyso
Haweenkiyo Ogaadeenba waa hooska galabeeda
Meeshii habeen ugu dumeey habash yidhaahdaane
Noo hooyo anoo reer iska leh waa hanaan xumoe
Habkaad yeel ileedahay hadaan kugu hogaan raaco
Haaweey kun liitiyo dhabayac horlaan noqone
Waa la igu wada hoobaleyn heesta dhaantodae
Haweenkiyo caruurtaa ii odhan haatuf baa yimide
Hareeraha intii la iga galo yaa haan la ii xidhane
Dabadeedna waa la ihoreyn halac sidiisiiye
Ninkii Haybad lihi maanso waa hoga-hogeeyaaye
Meeshuu Halmaan kaga jiruu hanad ka tiirshaaye
Afartaa Hdii lagu balamay Hoow makaga siiyay
Hambalaalaq deelqaaf leh waan kala hawoodaaye
Haartii Qamaan sheegay iyo Habo-waa ma udiiday
Sidaa Hayda hooshyada Ma waan kala habowsiiyay
Hogsaarkeeda la iskuma bashee haybad ma uyeelay
Hobyiyo sidii loogu kacay Hilamadii Ceelcad
Hohay waakan haaraan rag baa Hiifwadiin jaraye
Wakaa hayeeysnimada Qoran halaskii beelood
Idinkaaba waxbaba hoos udayin oo hodnaan jiraye
Ana Halyey dabin kakude oo Hartaan ahaye
Hareer baan uga lexanaa hilaan banaanayne
War La'eed halihii hunle iyo hooska bixinteeda
Cali Dhuux Aadan (Dhulbahante, Harti)
GABAYGII (8)
Hunguriga Subeer wuxuu ka ridi, hogobyo shaydaane
Mar haddaanu heeg dheer lahayn, ama hoggaan ceeja
Wax hubaala waa inuu ka iman, Haradii Ciideede
Hawiyiyo daraaroodba waa hayb ka gooniye
Waa waxaan habaaroo Illaah, heeray boqontiiye
Bal maxaa, hobyo u dhiga arligu kala hoyad roone
Hartigaba wax badan baa ku nool, hilib ugaadheede
Koluu Hiiradoo kale noqdoo, ibilka haaneedo
Huwan muu u kaco kuma qadeen, hodon-qabeenkii
Nin hamuunta kaa bi’in karaa, lagu haddoomaaye
Mar hadduu hadaadumo xarrago, haybaddeed ma lehe
Ma way sooryadii heli karaan, ma hagranaayoo
Hanbo kaa sugaa ama hoheey, kugu haguugaaba
Hanti nimaaan lahayn looma tago, holaca jiilaale
Haaweydan aan dhacay maxaa, haatufka u geeyey
Daraawiish hinfiri nimay wax badan, hanatay reerkiisa
Waxay la hanfariireenba waa, huubo dooro lehe
Haadaa-qabiil nimaan ahayn, hibo miyuu dhiibi!
Nimaan lays hortaagenin waa lagu habsoobaaye
Hargawaaxiddii baan ku dilay, tuugga haysha lehe
Hangadhkii rasaasta wadnuhu, la holcanayoo
Iyaguba halaaggaan badeey, la hundhudhaayaane
War Guutooyinkii loo humeey, hadafkii raaceene
Ma waydin karaayan anfaco heliba mayaan
Qamaanow hiddaha meel sanbaa, lagu hagaajaaye
Hadku waa hadkii idin khatalay, Haro Digeedkiiye
Hannaankiina nimankii yiqiin, waydinkii huraye
Haddaad diinta soo haybisaan, kuma hungowdeene
Haadaan waxaa idinku guray, habaskii gaabnaaye
Hadalka Keenadiid buu maqlaye, haayad kale mooge
Haddeer iyo haddeer gool qallaa ama, halabba keenaaba
Haamaan idiin shubi lahaa, halab karuurkeede
Haleelooyinkaa idinku filan, hoota-nuugta ahe
Hanaa idiin haleen sidii hoodihii bariye
Hareerihiina waan dhigi waxaad, ku himbilyootaane
Intaad higis dhan soo qaadataan, Halacna soo raacsha
Sayid Maxamed Cabdille Xasan (Ogaadeen, Absame)
GABAYGII (9)
Inkastood Xarago Heybadeed ula habeen roorto
Inkastoo Hilbiyo Caano Geel laga hiraabsiiyo
Waa niman hadii loo hagrado hodanka ceeydheyne
Waa wada hangool jiidan oon halina deeqeyne
Hal haduu ku hadho xeradeey daba humbaaleeyne
Hadhuub-galka caadkaa ku naban waw hundhudhayaane
Hiinhiinsiga iyo feenka haanta murudkeeda
Heemaarka iyo weelka oo dhan gacan ku heyntiisa
Mar hadeeyna huraheyn habluhu way ka haajiriye
Ka hagaaje naaguhu waxeey howl ku galeyeene
Hungo waxa wax ku dhici waa guskii Hogorka weynaaye
Ismaaciil Mirre (Dhulbahante, Harti)
GABAYGII (10)
Habeen sooryo naag hadashay waa had iyo laayaane
Nimankii i haybsaday waa kuwaa qiraya haybkiiye
Hungurigaa xilka-lihu waa wixii bah habar-yacquube
Iyagaa inteey hoo baxshaan heesi daba-tiile
Oo ku hilbo qeybsada waxey hor alla geystaane
Halmaan ina sharmaarkuu ka yimid laguna hiifaaye
Heelada dhexdeediyo guryaha lagaga haasoowye
- Naahooy nin lagu soo hirtaan ahaye heelan baan ahaye
Hadalkeyga waa laga hayaa haroda-ciideede
Hawdkaa la marayaan ahoo, hagari waa ceebe
Ma huluulan karo Buul anooy timuhu heermeene
Waxaan heli waxaan haaban karo haatan waxaan heysto
Hiyageygu wuxuu doonayaa inuu hibeeyaaye
naa ma adaa harti ah soorta maad hadal la,aan keentid?
Qamaan Bulxan Yuusuf (Ogaadeen, Absame)
GABAYGII (11)
Maansada rag badan baa yaqaan, maritinkeediiye
Maqtalkaa la kala joojiyaa, mid iyo caynkeede
Adigoon u meel dayin inaad, madal ka soo heesto
Muran uun inaad keen tidhaa, mahabbanayn saase
Allay lehe Majeerteen sidaad tahay, ma moodayne
Waxaad aragga kaga miil caddayd, maqalladaadiiye
Miskiin gudub la wayn baad tihiin, waana loo marage
Maxamuud Saleebaan markaad, qaylo dheer marisay
Halac waxeeydun moodeena waa idinka muuqdaane
Bal Maxaad Anfacadii Xisaab ugu mashaawiirtay
Madhiyaana xeedhada maxaad uga muraad yeelan?
Hadii muusanoowgii Ilmadu marada kaa qooysay
Ma Maal baa lagaa dhacay lag iyo, kun iyo maahiir ah?
Ma magan baa lagaa qaaday iyo, midaad ku ceebawday?
Magac miyaa lagaa laayey, iyo mudanaha duula
Ma waxaad martida siisay baad, lacag ka miisaantay?
Maxaa kaa maqnaa ood qalbiga, uga madoobaatay?
Awalbuu malkada seegayooy, marin habawsheene
Sayid Maxamed iyo Caamir muu, socotodood maago
Iyagaan mitimiyeen anfaco, amase maalkiiye
Bal maxuu Hartiga maanka fudud, uga masaafooday?
Murtideydii Taa kaga hadhaye mid aan idiin sheego
Cirka mawjaddiisii haddaad, meelo ka xisaabto
Xageebaa dawaarku u maraa, falagga meeraaya?
Madhadii xaggeebay tahoo, ma aad taqaaniin dheh
Ayaanta iyo manaasiisha iyo, magac siyaariinta
Midba siday mid ugu waafaqaan, ma'a taqaaniin dheh?
Ma ekayne saacaduhu ways, daba maraayaane
Meelaha dharaartii badnaa, ma'a taqaaniin dheh?
Midkee curad ah meecaadda iyo, godanta meegaaran?
Kobta qaalibkeedii ka maro, maalintii Axada
Masaal gaab haddaydaan ahayn, ma aad taqaaniin dheh?
Mushtarkii mariikhii haduu, meelo ka khilaafo
Macnahay tarbiica u noqdeen, ma'a taqaaniin dheh?
Maalin arbacodiiyo cuduro muqaabilo ah
Meeshay Aljaws ka marmaan, ma aad taqaaniin dheh?
Cisho qudha dayaxu waa maraa, naas madoobaha e
Suxalkuna marxaladooyin buu, bilo dhex maaxaaye
Orodkoodu waana isku midee, ma aad taqaaniin dheh?
Marwaa iyo Arlada kii Badnaa Ma Aad Taqaaniin dheh?
Miradiyo Mishaar waa midkee Magac-Dhowgaa yeedhi?
Midba Xaajadaa loo qabsado ma aad taqaaniin dheh?
Biyaan wayso kuu maydhihayn, dharabsi mooyaane
Manfacadana kuu karinayoo, lagama maarmaan ah
Gabagabana markaa kaa ansixi, ma aad taqaaniin dheh?
Nin Muslim ah asaan naagihii, meher u haynaynin
Bal waxa mashaqadaa lahaa, ma'a taqaaniin dheh?
Nin Maroodi raadsaday hadduu, gabas mariideeyo
Mudutuusha waxuu fiiriyoo, malamaleeyaaba
Muuqiisa goortuu arkoo, gadafka soo mooday
Wax marxal ah meel fog iska taag, orodna maanshawye
Bad nin mukhuuray Mool inuu geliyo maligii weeyaane
Magli caaraddii lama maro, iyo miciyihii Aare
Abidkay nimaan moogtannaa, ima majiirayne
Miisaanna ima saari karo, nin i maleeyaaye
Haddaydaan masaladaa furayn, maansadaan tiriyey
I maqlaay fagaaraha muxuu, uga madiixaayey?
Faarax Caytame (Ogaadeen, Absame)
Gabaygii (12)
Maansadu milgay leedahay iyo marino waayeele
Shir mawiya Ninkii maahiraa madal la geeyaaye
Ogaadeen madiixaa maqal meheraadiiye
Maxamuud saleeban afka Marisay waa yaabkeede.
Haday Mad iyo caynkeed tahay ad Muramo sheegayso.
Waxa Mariga mara macanaha faarxow kii Maraba leh.
Miyirka wax laga fiiriyaa moogi saa tahaye.
Adigay maroor kaa gashaye seegay marin kiiye.
Majeerten Markhaatigu sidaa maqashay weeyaane.
Waa niman maqawiira iyo madaxdii daaroode.
Waa niman martabadii haya iyo Mayraxdii boqore.
Munbay maalka laga keenayo iyo mowsinka u taga.
Waa niman mas muuxa u jabay iyo dahabkii miikoole.
Maraakiibta miiriga sida iyo miirarka u galaye.
Macdan baa la dhigay daaraha muuqa sare dheere.
Idinkay maluul idinku tahay gudubna waa maale
Xagiinaa maraykan hablaha lagu mariimaaye
Idinkaa marqaafiga huwada ama maqaar geele
Maqaankiyo maryaha farqsan iyo macawisaha laaban
Micmaamado makaawiya xariir lagu muraaqoodo
Anagaa mardaadiga huwan mid aan ku weydiiyo
Marti habeen idiin soo gashoo wax idin soo mooday
Idinkow mushaawira intaa midho ku soortaane
War Siyid maxamed kaad maqashay sow mukhawigii ma aha
Sow kii meeshu fadhiyey mahadineen sow ma ah
Manjo gooye sowtii talkaa miida jaray ma aha
Mashaa’iikhada soo kii magliga mudi ogaa ma aha
Macluusha naagihii u lumay maatadii li’atay
baxsharkii horteed sow kii kuntur maaho tiray ma ah
Mowliidka nimakiii ka tagay meheradii diinta
Kolna idingiyo halac oo mugdiga idinma muuneenayne
Mudahanada malag baa daqsada mudan lahaydeene
Munaakada beenta ah maxaad ugu musaafooteen
Halac waxaydin moodeenba waan idin muhiibsiine
Isaguba musjeex buu ahaa muuga kaligiise
Ibliis baa malaha kugu mal dahan mooga haatane
Bismilaahi maxalkii maxaa magane kuu geeyey
Miskiin yaa ah hadal miiqan baad malasha keentaane
Hilbo gool magool rahaan miida ka hiraabshay
Maan dhareeridan ugu daray iyo meeriqiyo dheega
Manfac wixi aan moodaba hadaan idin muhiibsiiyo
Meriga sexeerada waxaan ugu muraad yeelan
Masaakiinta noo hawgashiyo maadaa cuna
Odayheed macaan lagama karo mid qudhaaro leh e
Calooshii mugeed laga badshaa mawdka wa u halise
Goortuu mayibay muhidada qaar u meel dhigaye
Sow halac mustii dhexe saqdii kii mantagay ma aha
Muraad kama lahayn xeryihii maydhashadoodiiye
Wuxuu mustii dhigay ee arlada godashii maarowdey
Maxaan muusanaaba hadaan wali ku maadeestay
Mudac iyo mudaclay hadaynu isku maagayno
Oo aad mustaqarteen gartaan maragba loo haynin
Sixnigaad faraha marin jirteen waa muraad qumaye
Ma midiidin baad tahay maxad u mugsateen weelka
Maqsadkeeda weesada biyahaad mariso jiirkaaga
Isticmaalid mooyee wax kale kuuma marayaane
Ogaadeen masaladaas ma oga maalik soo rogaye
Inay maayo duruustahay gabgabo magane maan sheego
Meel maran majnuunbad iyo baras cuduro mawjuuda
Shan haboodo kamida ayaan haween meher ku hayneyne
Iyadey mashaqadeed tahye magane maan sheego
Maa iyo arladuba waa matale maahiyaa badane
Madadaalashaad ugu dartaye Waa macruuf tanuye
Inay xaajo kaa murugsan tahay magane maan sheego
Yuusuf Dheere (Dhulbahante, Harti)
DHAMAAN