AQOONTA GEELA (MAGACYO)

Jacaylka ay Soomaalidu u qabto geela awgiis ayaa waxa jira magacyo aad u badan oo oo ku tacaluqa geela , oo si gaara ayay u daneeyaan

Magacyadaas qayb yaroo ka mida baan halkan idiin kusoo uruuriyey aqristeyaal anigoo dhawr cinwaan u kala yeelay.

Waxyaabaha Geelu Uu Sameeyo

Qaylada iyo cabaadka geelu sameeyo marka la xanuunjiyo ama rar culus lagu rarayo : CABAAD

Cida geela kolkuu ubadkiisa waayo : OLOL .

Awrka qoodha ah markuu bilaabayo doobbo soo ridka : GULGULODILLAACSI.

Xunbada uu afka kasoo saaro awrka qooqani : ABUR.

Awrka qooqan markuu doobbada soo rido : DOOBBIN ; GULGULO.

Awrka markay doobbadu kasoo dhici waydo : GORAY ; GULAAL ; DOOBBOGORAY.

hinaasaha awrka qooqan gala oo uu kaga celinayo rati kale inuu geeliisa soo dahxgalo : SHEEN.

Orodka uu sameeyo awrka qooqan markuu dagaallamayo : QALDHOW.

Labada rati ee is dilaya markay luqumaha is dhaafsadaan si ay isu qaniinaan : DARO.

Qaniinyada ay isgaadhsiiyaan labada rati ee is dilay : DHAABALO.

Isutagga geela : ABAAH.

Ratigu markuu qooqbaxo : DA’FUR.

Si xoogle oo uu geelu ordo : BAABBACO ; DURDURO.

Orodka geelu uu afarta addinba mar qaadayo : DHABAABACO.

Qaabkuu u socdo neef geeloo seetaysan : SILIQLE.

Xadhkaha iyo Rarada Geela

Xadhigga rarka lagu adkeeyo ee isaga gudba labada dhinac : CAYN.

Xadhigga geela lagaga xidho surka iyo madaxa ee lagu kaxeeyo : HOGGAAN.

Suunka awrta marka la raro laabta lagagasoo xidho si rarka loogu xejiyo : BAYD.

Suunka awrka dabada loosoo geliyo si aanuu rarka saarani horey horey ugu dhicin : DABAGGELIS.

Maydhax ama xadhig naasaha lagaga xidho geela si aan ilmuhu u jaqin : MARAQ ; MAR.

Xadhigga dheeree dabaggaliskiisa wata ee rarka loo isticmaalo : YEEL.

Gogosha awrka la saaro marka la rarayo si ay uga celiso waxyeellada rarka : KARBAASH ; KEBED ; ABJAD ; HEERYO ; QOBTOL ; AMBAAL ; REERYO

Karbaashka ayaa loo horreysiiyaa , magacyadani dhamaantood hal shay ma tilmaamayaan .

Labada udub ee sida isku tallaabta ah (X) loo saaro awrka marka la dhaaminayo : KABAALLO.

Meel raaxo leh oo awrka raran dushiisa laga sameeyo , oo caruurta loogu talo galay : GURO.

Gurada hadhka loo yeelayna waxa la dhahaa : HOOSAAMIN

Amarrada iyo Xeeladaha Geela Loo Adeegsado Geela

ARUN , ARUMID ; TU’IN ; SU’IN : neefka geela ee taagan marka la fadhiisinayo.

DOOH : erey lagu dhawaaqo marka neefka geela ah oo socda la joojinayo.

QARQARSI : jeeniga iyo luqunta awrka oo xadhig la isugu xidho si aanuu awrku u kicin marka la rarayo.

SEETO / DABAR : geela oo labada addin ee hore laga xidho si aanuu u fogaan.

SHAKAAL : hab geela loo xidho oo lug iyo jeeni isku dhinca ah la isugu xidho si aanuu u baxsan.

HAANEED : dhanka bidix oo laga istaago marka geela la lisayo.

SIDIG : ogolaysiinta hasha la ogolysiiyo ilmo aanay dhalin.

IBAGUJO : salaaxidda naasaha hasha irmaan si ay u godlato

MAQAARSAAR : hasha ilmaheedii ka dhintay oo ilma aanay dhalin la saaro maqaarka ilmihihii ka dhintay si ay u gudlato

Magacyada iyo Noocyada Geela

Neef geela : TULUD.

Geela kiisa lab : AWR ; RATI ; HARTI.

Geela kiisa dheddig : HAL.

Ilmaha geela ee dhiciska ah : AFKUXUUBLE ; CABAAD-DHEERE ; MAAQURRE ; DULKUMALABLE ; QOORJABANE

waa kala heerar oo qaarbaa dhasha iyagoo mayd ah (QOORJABANE) , qaar baa dhasha iyagoo aan kici Karin , oo kuwaas waa la cunaa , qaarna waxay dhashaan waqtigoodii inyar ka hor wayna kacaan sida (DULKUMALABLE).

Geela dhashiisa ilaa labajir uu gaadhayo oo uu caanaha ka go’ayo : NIRIG lab&dheddigba , NIRGO.

Geela dhashiisa lab ilaa labajir : QURBAC ; NIRIG ; AWR.

Geela kiisa yaree caanaha ka go’ay balsr aan curasho ama rarasho gaadhin : QAAN ; QAALIN ; AARAN.

Qaalinta aan weli curan oo gaadhay da’dii ay ku dhali lahayd : ABEER ; BAATIR.

Geela kiisa da’da yar : LUQMALIIGLE.

Hasha da’ kasta qurbac dhasha : AWRDHAL.

Hasha caanaha badan : MADI ; DALAWI.

Hasha caanaha yar : MAGAAN ; BAAQIMO.

Hasha gudhan : GAANE.

Geela dhaadheer : EERAAN.

Geela caanaha badan : HOOR.

Awrka aan la dhufaanin ama aan la raran ee geela loogu daro uun inuu rimiyo: BAARQAB.

Awrka la dhufaanay ee cayilan : GOOL ; KORON.

Ratiga aan weli rarka baran : BUUB ; CAYMAD ; LAYLI.

Awrta biyaha lagu doonto : DHAAN.

Awrta isku xidhiidhsan : QAAFILO ; ASTAAJIR ; SAFAR ; ISKU XIDHIIDH ; GARAWAAN.

Boqolka neef ee geela ee meel wada jooga : KADIN ; FOOF ; FADHI

Xubnaha Geela

Tuurta geela : KURUS.

Dhogorta kuruska geela dushiisa ka baxda : BAAR.

Garbaha geela , inta u dhaxeysa kuruska iyo luqunta : GARBO.

Qaybta kuruska ka danbeysa , miskaha korkooda : MARAQSAAR.

Qoorta geela inteeda hoose : GUUXWAYN.

Laabta geela : SHAF.

Inta u dhaxeysa shafka iyo candhada geela : MUD.

Kiishka yar ee uu afka kasoo rido awrku kolkuu qooqanyahay : DOOB ; GULGULO.

Cagta geela : GOMOD ; CAGAF.

Lugta geela qaybteeda sare meesha lowga u eg ee maqaarka adag : GOROFLEGED.

Weelka Geela Lagu Maaloo

Weelka geela lagu liso (maalo , duugo) : HADHUUBGAAL ; GAAWE ; TOOBKE ; TOOBE ; DOOBI ; BIRE

isku wadanooc maa aha oo qaar baa la tolaa , qaar baa la qoraa , way kala wayn yihiin.